Sahra Ciidle Nuur waa Wariye hal abuurnimo we yn iyo eray curin cusub ku soo kordhisay War baahinta afka Soomaliga ku hadasha

 

Afku waa waxa xardha War baahinta. Aftahanimada iyo codkarnimadu waxay u qurxiyaan Warbaahinta sida milixdu dha dhanka ugu yeesho cuntada.

Afka Soomaaligu waa af hodana oo laga heli karo shan ama lix eray oo macno qudha sheegaya. Warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha intii ka horeysay qoraalka afkeena eray bixinta Warbaahintu wey yarayd. Afka Soomaaliga  mar kii la qoray waxay weriyayaal aftahanimo Ilaahay siiyey bixiyeen erayo  warba ahineed oo tayo sarreeya. Dadka afka Soomaliga cilmi baadhista ku sameeya waxay sheegaan weriyayaashii eray bixinta ugu badan hal abuuray inay ka mid ahaayeen, Idiris Xasan Diiriye, Axmed Xasan Cawke, Cabdilaahi Xaaji, Idiris  Cig aal Nuur, Yoonis Cali Nuur, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Cabdi Cali, Maxamed Xasan Cali, Cabdi Idiris Ducaale, Cabdikariin Xaaji Ducaale, Maxamuud Xasan Xaaji Cumar iyo Maxamed Nuur Falafalax .

Labaatankan sanno ee ugu danbeeyey waxa lumey erayo badan oo ay  bixiye en ragaa aan kor ku soo xusay. Warbaahinta afka Soomaliga waxa imika ku  ba tay erayo badan oo jacbura oo afaf qalaad ka yimid. Dad badan oo Soomaliyii waxay afka Soomaaliga ku dhexdaraan erayo qalaad, mana garanayaan  dhiba ataduu afkooda hooyo u keenayaan erayadaa jacburkii. Dadka kale ee  aduunk una waxay afafkooda ka haadiyaan wixii afaf qalaad soo galay.

Reysalwasaarihii hore ee dalka Malaysia ayaa yiri qofkii eray cusub bixiya ee ku soo dara afkooda qaranka ee loo yaqaan Bahasa wuxuu xoojiyey horumarkii dadka Malays. Soomalidana xilba iskama saarno afkeena wax ka murti badani aanu jirin.

Warfidiyeenada ilayska cusub u shiday Warbaahinta afka Somaaliga ku  hadas ha, waxa wariyaasha horseedka u ah ka mida Sahra Ciidle Nuur wariyaha  Som aliland ee laanta afka Soomaliga ee VoA. Sahra Ciidle Nuur waxay nooleysay  e raydii afka Soomaliga ee hore loo bixiyey, sidoo kale waxay curisaa erayo  cus ub oo afka Soomaliga barwaaqeynaya. Warfidiyeenkii aftahanimo iyo  codkarni mo lihi wuxuu muddo kooban kasbadaa dhageystayaal badan oo goor walba  w arkiisa ama warkeeda u soo hilooba. Sahra Ciidle Nuur codkarnimdeeda iyo  aft ahanimdeeda ayaa ka dhigay warbixinaheeda iyo barmaanijyada ay soo  diyaa riso kuwo taya sarreeya oo dhageystayaashu aad u xiiseeyaan.

Shakespeare baa yiri shaqooyinka dadka badankiise wey iska jeclaystaan, dad ka qaarna hibo bay u leeyihiin. Sahra Ciidle codkarnimadeeda iyo eray  curintee da ayaa marag madoon u ah inuu Ilaahay hibo u siiyey shaqada Warbaahinta. Sahra Ciidle Nuur waxay ka mid tahay weriyayaasha baal dahaba kaga xardhan
taariikhda warbaahinta afka Soomaliga ku hadasha. Warfidiyeenada ka  hawl gala warbaahinta afka Soomaliga xilbaa ka saaraan inay af Soomali saafiya  ad eegsadaan si afka Soomaligu ula tartamo afafka kale ee asaagii.

 

 

 

Suhuur Nuur Ciise
suhuurnuur@yahoo.com