SAGAARO XAAR MUUQDA AYEY AASTAA

 


Horjoogaha xaafada yar ee ku taal geeska Afrika , ayaa isku dayaya inuu shaadh kale gashado iyadoo ruug cadaaigii Somaliland indhaha ku wada hayaan,wixii uu galayna aan ogsoonahay.

Inna Geelle Batalna ma wuxu moodayaa inaan la xisaab tamayn maalin maalmaha ka mid ah.Cadaawada uu abuuray ee ku salaysan Somaliland baa wax noqon , cid ay ka qarsoontahay miyey jirtaa ?

Jawaabtu waa maya , eray u yidhi miyuu inagu beer laxawsan karaa ?

Wixii u gaystay miyey baabi"in kartaa ?

Dhariga maxaa ka ka keenay kulaylka,milicsiga hogaamiyaha Somaliland ku tagay hoyga laga xukumo xerada kulaylka iyo qaabilaadii loo fidiyey madaxweynaheena ayaa ugu wacan hadaaqa ka soo yeedhay Mr ma feedhe.

Wuxuu dacaw doonayee libaaxa u diidayaan dadyahow aan la yaabanee dunidaay mayla aragteen iyaba waa duul jira waqtigane.Carabtu waxay tidhaahdaa{Alharbu sanah walmasku yuum} hadaad sanad baxsi ku jirto maalin ayuun baa lagu qaban.

Hadaad is lahayd sirtaadii si hoosay abid ahaan sargaalo ilaashadaa jira oo suntaadaa dibada iman sifaha xaqabaa ku heli ,sankaa qori lagaa galin.Subxaan waa eebbaheennee miyaad saamaxaad rabtaa intii aan salaadu kaa tagin,dunidu way siraadan tee

 

 

 


Abdirahman Bouh