Sagaalkii Maayer ee Safarka Shaqo Ku Joogey Dalka Tansaaniya Oo Galabta Dalka Dib ugu soo Laabtey

 



Xubno ka kala socday Golleyaasha deegaanada ay Maayiraddani madaxda ka yihiin iyo dadw eynaha kale ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, waxaanay sheegeen inay waxy aabo badan oo cajab geliyay iyo waayo aragnimo shaqo ka soo faa’idaysteen dalkaasi.... .Daawo sawiro aad u tiro badan


Hargeysa (TNN):- waxa galabta madaarka Hargeysa ka soo degay wefti balaadhan oo ka kooban Maayirrada sagaal degmo oo somaliland ka mid ah, Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, saraakiil ka socday Hay’adda UNHABITAT iyo kuwo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha.

Weftigaasi oo ka soo laabtay Safar ay ugu maqnaayeen Dalka tansania, muddo sagaal maalmood ah, ujeedadiisuna ahayd sidii ay iskaashi iyo wada shaqayn ula yeelan lahaayeen Ururka Dawladdaha hoose ee Bariga Afrika, waxa socdaalkooda ka saaciday Hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee qaramada Midoobay.

Xubno ka kala socday Golleyaasha deegaamada ay Maayiraddani madaxda ka yihiin iyo dadweynaha kale ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, waxaanay sheegeen inay waxyaabo badan oo cajab geliyay iyo waayo aragnimo shaqo ka soo faa’idaysteen dalkaasi.

Maayerka caasimada hargeysa oo halkaasi ka Hadley ayaa yidhi “Waxaanu tagnay magaalada Caruusha ee Caasimada tansania, waxaanu kala soo laabanay waayo aragnimo aad u badan, waxaan odhan lahaa malahayga dalkaa aanu tagnay waxyaabihii aanu ku soo aragnay markaa eego aniga ku dhehoo dadweynaha reer somaliland Mawaadiniinba maaha”sidaasi waxa yidhi Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo warbaahinta qolka nasashada kula hadlay.

Waxaanu intaasi ku daray “Dalkaa aanu tagnay Inanka Dugsiga dhigtaa laba Litre oo biyo ah ayuu soo qaataa subixii oo uu ku waraabiyo Geed uu beeray oo loogu magac daray, Suuqa Ganacsiga waxa maamula qof qudha cashuurta haday tahay , nadaafada haday tahay iyo haday Kirada tahayba”.Soltelco ayaa intaasi raaciyay inay la kulmeen Madaxda ururka Dawladdaha hoose ee dalalka Bariga Afrika, kuwaasoo ay isku afgarteen in Ururka Dawladdaha hoose ee somaliland lagu daro dalada ay ku midaysanyihiin Ururadda dawladdaha hoose ee afarta dal ee Bariga afrika.

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha somailand oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawaajiyey inay guulo lataabn karo kala soo kulmeen safarkoodii ay ku tageen dalka Tansaaniya.Dhianackale xildhibaanad golaha deegaanka degmad gabiley iyo boqolaal dadweyne ah ayaa madaarka kusoo dhaweeyey maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse, oo kamid ahaa waftiga mayerada ee maanta dalka kusoo laabtey.
 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland