Safiirka waddanka Ethiopia u jooga magaalada London

 

Berhanu Kerbede ayaa markale xaqiijiyay in waddankiisa uu qorsheynayo in uu dhameys tiro la bixitaanka ciidamada Somalia ka jooga bishan dhamaadkeeda.

Heshiiskii ay dhawaan ku saxiixeen dowlada KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia ayaa dhigayay in ciidamada dowladda Ethiopia ay isaga baxaan Somalia maanta.

Laakiin weriyeyaasha ku sugan Somalia ayaa sheegaya in aanay muuqan in taasi ay dhacdo.

Dowladda Ethiopia ayaa horey u sheegtay in dhamaan ciidamadeeda ay kala bixi doonto dhamaadka bishan, taasi oo ku beegan labo sano markii ay ciidamada Ethiopia soo galeen Somalia, xilligaasi oo awoodda ka tuureen maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee talada hayay.
 



BBC