Safiirka UK U Fadhiya Ethiopia Oo La Kulmay Sideed Wasaaradood Oo Ay Awqaaftu Ku Jirto

 


“Wasiirka Awqaafta Waxa Aanu Ka Wada Hadlay Sidii Looga Hor Tagi Lahaa Xagjir Nimada, Gaar Ahaan Dhalinyarada Laftooda”


“Doorashadii Waxa Ay Xiiso Ku Dhalisay Beesha Caalamka Oo Haatan U Heelan Inay Wax La Qabato Somaliland”
Norman Ling

Hargeysa, August 24, 2010 (TNN) - Safiirka Britain u dhaiyada Dalka Ethiopia Normal Ling  ay aa shalay kulano la yeeshay ilaa sideed wasaaradood iyo Madaxdoodii uu dhawaan u soo   m agacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kuwaas oo ay ka mid ahaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Safiirku shir  jara a’id oo uu shalay ku qabtay xarunta wasaarada Caafimaadka waxa uu ku sheegay in  ujeeda da isaga iyo waftiga uu hogaaminayaa ay u yimaadeen Somaliland ahayd siddii ay  xukuuma dda cusub uga ogaan lahaayeen arimaha hor yaala iyo siday doonayaan in wax loola qabto, taas oo uu tilmaamay in xukuumadda Britain iyo dawladaha kale ee Reer Galbeedku ay la  dh acsan yihiin siddii ay u dhacday doorashadii Madaxtooyadu sidaas darteedna ay hadda  diy aar u yihiin inay Somaliland gacan siyaan haddii ay tahay dhinaca Amniga, iyo haddii ay  tah ay dhinaca Horumarintaba.

Safiirka oo booqashadiisan ka hadlayaana waxa uu ugu horayntii yidhi “Halkan waxa iigu  da mbaysay Afar bilood ka hor xiligaas oo aan u imid si aanu gacan uga geysano diyaar  garaw gii doorashada ee uu waday Komishankii doorashooyinka qaranku. Waa wax lagu istareexo in aan maanta halkan imaado iyada oo ay doorashadii si fiican u qabsoontay, mana aha taasi aragtidayda oo kaliyaata ee waa mid beesha caalamka oo dhami ila wadaagto. Waxa noo qabsoomay ilaa shan iyo toban kulan oo aanu la yeelanay Wasiiro, Ganacsato iyo dad kale, waxaanaanu noqonaynaa anaga oo xogogaal u noqonay baahiyihii dalka ka jiray”.

Safiirka oo la weydiiyey sababta uu ula kulmay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo waxa ay ka wada hadleen ayaa wuxuu ku jawaabay “Wasaarada Awqaafta oo ka mid ah wasaaradaha kale ee aanu la kulanay waa mid muhiim ah horayso iyo dambaysaba. Waxaanu ka wada  ha dalay arimo ina wada khuseeya, gaar ahaan siddii looga hor tagi lahaa xagjirnimada diinta ku salaysan, siiba dhalinyarada laftooda”.

Safiirku waxa uu sheegay inay Sheekha isla soo qaadeen arimo la xidhiidha Waxbarashada iyo Manaahijta Tacliinta iyo waliba dhibaatooyinka haysata dhalinyarada shaqada la’, waxa anu yidhi “Maaha in ammaanka uun laga hadlo. Waa in culayska la saaraa siddii dalalka  Sab ooblka ah Sida Somaliland loo horumarin lahaa si ay dadku u aaminaan in mustaqbal ku  lee yihiin dalalkooda”.

Mr. Ling waxa kale oo uu sheegay in doorashadii 26-kii June dalka ka dhacday ay wax tar weyn u soo haysay sumcada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxyaabaha Fiican ee doorashadii ka dhashay waxa ay xiiso ku dhalisay Beeshii Caalamka oo haatan u heelan inay wax la  qab ato Somaliland”.

Safiirka Britain iyo weftigiisu saddexdii maalmood ee ay booqashada ku joogeen Somaliland waxa kale oo ay la kulmeen Wasaarada Arimaha Dibeda, Arimaha Gudaha, Gaadiidka bada iyo kalluumaysiga, Qorshaynta, Caafimaadka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.



Source:Haatuf