Safiirka Somaliland ee Britain oo ka qayb galay shir muhiim ah oo ka dhacay aqalka Baarlamanka Ingiriiska

 





Safiirka Somaliland ee UK oo hadal ka jeediyey shir ka dhacay Aqalka baarlamaanka Britain


London (TNN)-Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Guddi hoosaadka baarlamanka Ingiriiska ugu q aybsan dhinaca horumarinta beeraha iyo kaydka cunta, ayaa waxa lagu casuumay safaara dah a dalalka loo yaqaan “Sub Saharan Africa”. Shirkan oo uu furay Madaxa guddi hoosaadka Baar lamanka Britain ugu qaybsan Beeraha iyo kaydka cuntada Lord Cameron oo ka tirsan aqalka od ayasha, ayaa waxa qudbado ka jeediyey safiirrada dalal badan oo ay ka mid yihiin:
Ghana, Zambia, Malawi, Sieraleon, Ethiopia, Kenya, Eriteria iyo Somaliland.

Safiirada ay waxay dhammaantood ka warrameen wax-soo-saarka dhinaca be eraha ee dalal ko oda, qorsheyaasha dawladahooda ee ku wajahan wax-soo-saarka beeraha iyo kaydka cu ntada iyo baahiyaha dhinaca beeraha ee dalalkooda ka jira.


Safiirka Smaliland Mudane Ali Adan Awale oo halkaa hadal dheer ka jeediyey ayaa marka ho e sharax gaaban ka bixiyey dalka Somaliland isagoo sheegay inay Somaliland 18-kii dal ee Af rica ee 1960 xarriyadda helay ay kaga jirtay kaalinta 4aad, halka ay Somalia ka jirtay kaalint a 7baa d, waxa u dhexeeyey dalalka Madcasgar iyo Jamhuriyadda Congo, isagoo sheegay inu hadalkan uga dan leeyahay inu ogeysiiyo ciddii aan sidaas ula socon ee moodeysa inay Soma liland tahay gobol Somalia ka go’ay. Arrintaas oo ay qaar kamid ah wufuudda shirka joogtay qireen inaanay sidaa hore ugu ogeyn.


Intaa kadib waxa uu Safiirka Somaliland ku dheeraady duruufaha kala duwan ee wax soo saa r ka beeraha Somaliland soo maray kadib la soo noqoshadii madax-bannaanida, isaga oo soo ba n-dhigay wax qabadka wasaaradda beeraha Somalialnd oo qodobaysan, waxa kale oo uu safiir ku hadalkiisa ku xusay wayaabaha dhiman iyo caqabadaha culeyska ku ah wax-soo-sa arka bee raha.

Safiirku wuxu faahfaahiyey kaalinta uu waxa-soo-saarka beeruhu kaga jiro dhaqaalaha dalka isagoo ka hadlay sida loogu baahan yahay inay beesha caalamku gacan buuxda ka geysato ko bcinta heerka aqooneed ee beeralayda Somaliland si loo helo wax-soo-saar mug iyo nafa qo leh oo lagaga maarmo cuntooyin kala duwan oo dibedda laga soo waarido.


Waxa kale oo uu safiirku carrabka ku dhuftay sida aqoonsi la’aantu ay caqabad ugu tahay ko bc inta dhaqaale gaar ahaan wax-soo-saarka beeraha isagoo sheegay inaanay Somaliland ca alam ka ka helin kaalmo toos ah oo hore loogu mariyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalka ee ay ugu hor reyso waddooyinka dalka oo beeralayda u fududayn lahaa suuq geynta maxsuulkooda.

Safiirku waxa uu hadlkiisa ku soo xidhay inay Somalliland kaalin mugle ka qaadan doonto deda al ka loogu jiro baajinta dhibaato dambe oo cunto yaraan ah oo ka dhacda geeska Africa, sid oo k ale ay ka go’antahay Somaliland inay biyaha badda casi noqdaan meel si naba gelyo ah oo gana csiga qaaradaha dunida isaga gooshayaa ku maro iyadoon laga baqayn weerarro b udhcad bad eed, caalamkana aanu uga fadhino buu yidhi inay arrinta Piracy-ga wada shaqa yn waafiya kala yeeshaan Somaliland.

 

 


Allaa Mahad le,

Safaaradda Somaliland ee Britain.

13/12/2012