Safiirka Ingiriiska Ee Itoobiya Oo Socdaal Gaaban Ku yimid Somaliland Iyo Ujeedada Kulamadii Uu La Yeeshay Dhinacyada Siyaasada

 

Danjiraha dawlada Britain ee dalka Itoobiya, Mr Norman Ling, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa galabta socdaal gaaban oo la xidhiidha u kuur gelida asbaabaha dib u dhaca doorashada keentay iyo u diyaar garowga doorashada madaxtooyada ku yimid Somaliland.

Wefdiga safiirka Ingiriiska oo ay xubno ka yihiin afar dublamaasi oo ka socda safaarada Ingiriiska ee Itoobiya, wuxuu socdaalkiisa ku sifeeyay mid uu ku darsayay qaabka u diyaar garowga doorashada madaxtooyada Somaliland iyo asbaabaha keenay inuu dib u uga dhacdo xilligii hore loogu cayimay ee 29-ka bishan March.

Safiirku wuxuu sheegay inay danaynayaan dimuqraadiyada Somaliland wixii khilaaf ee ka jira dalkana lagu waajaho wada hadal, isagoo tilmaamay in ay u arkaan in meel dhexe la isugu yimaado.

Norman Ling, wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, guddiga doorashooyinka Somaliland, shirgudoonka aqalka odayaasha, qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ee haysta dhalashada Britain, hay’adaha deeqbixiyayaashu ay kharashaadka doorashooyinka u soo mariyaan Somaliland iyo masuuliyiinta wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka.

Masuuliyiinta dhinacyada uu wefdiga safiirku la kulmay ayaa sheegay in ay u gudbiyeen maqqifkooda iyo qaabka ay u arkeen in xal lagu gaadhayo.

Socdaalka Danjirahan ayaa ku soo beegmay xili uu muran dastuuri ahi ka taagan yahay dib u dhaca doorashooyinka, oo xisbiga ugu awooda badan mucaaridka ee KULMIYE uu gaashaanka ku dhuftay wakhtiga cusub ee komishanku u cayimeen doorashada oo ah 31 ka bisha May ee foodda inagu soo haysa.

 



Ramaasnews