Waraysi Gaar Ah:
Safiirka Itoobiya ee Hargeysa
Danjire ,Bereha Tesfay
Hargeysa (TNN)- Safiirka xukumada Itoobiya u fadhiya Somaliland,
Danjire Bereha Tesfay ayaa cadeeyey inaanu jirin xidhiidh ka
dhexeeya xukuumadiisa iyo siyaasiga Cali Kh. Galay dh,
ciidamadooduna awood u lahayn inay soo raacaan siyaasigaas.
Brgd. Gen Bereha ayaa sheegay inaanay weli wax jawaab ah ka helin
qoraal ay wasaarad da maaliyadda Somalialnd u direen oo ku saabsan
alaabada transit-ka ee dalkiisa u gudba, isla markaana ka digay
hadaan wax laga qaban in ganacsatadu ku khasbanaan doonto inay
dekedaha kale u wareegaan sida Jabuuti.
Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo wargeyska Geeska Afrika shalay
waraysi gaar ah ku siiy ay xafiskiisa Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu
ka hadlay dekedda Berbera oo ay Itoobiya danaynayso inay isticmaasho.
Brgd. Gen. Bereha Tesfay, oo la weydiiyey inuu jawaab ka helay
qoraal uu hore ugu diray wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha dibbedda
oo ku saabsan ganacsiga transit-ka ee dalkii sa u gudba, ayaa ku
jawaabay, “Weli wax jawaab ah kamaanu helin ilaa xilligan. Waxaanse
ka sugaynaa jawaab togan wasiirka maaliyadda, laakiin weli kama
helin.”
Mar la weydiiyey waxa uu ka ogyahay wararka sheegaya in siyaasiga
Cali Khaliif Galaydh oo ciidamo Itoobiyaan ah gelbinayaan soo
gaadhay degmada Taleex iyo xidhiidhka ka dhexeeya Itoobiya iyo
siyaasigaas ayaa wuxuu yidhi, “Ugu horeyn aqoon uma lihin ninka aad
ka hadlayso, ta labaadna ma jirto askari ciidanka Itoobiya ka tirsan
oo la kulmi kara ninkaas, waajibna uma haystaan inay kulmaan.”
Safiirka Itoobiya Gen. Bereha oo ka jawaabayey inuu war u hayo nin
la sheegay inuu yahay la taliyaha madaxweynaha kililka shanaad ee
Itoobiya oo la sheegay inuu ku xidhan yahay Hargeysa, ayaa ku
jawaabay, “Maya, cid aanu ka maqalnay oo noo sheegtay warkaa ma
jirto, waxaanay ku quman tahay idinkoo weydiiya waxa ka jira
wasaarada arrimaha dibed da ama Gudaha ee Somaliland. Wax war rasmi
ah oo naga soo gaadhay xadhiga ninkaa ma jirto,”
Mar la weydiiyey halkuu ku danbeeyey kulan hore loo sheegay in
Xukuumada Itoobiya ku dhexdhexaadinayso xukuumada Somaliland iyo
maamul-goboleedka Puntland ayuu wuxuu danjiruhu yidhi “Taasi waxay
ku xidhan tahay doonista xukuumada Somaliland iyo maamulka Puntland,
wax xukuumada Itoobiya dusha kaga keenayso inay shir dhexdhexaadin
ah u qa bto ma jirto. Hadday jeclaystaan inay ku kulmaan dalkayaga
waxaan diyaar u nahay inaan u fududayno, laakiin wax annagu aan ku
qasbayno ama dusha kaga keenayno inay heshiisyaan ma jirto.”
Safiirka Itoobiya oo la weydiiyey siduu u arko fikirka dadka
qaarkood qabaan in ku soo cel inta Cali Xoorxoor dekeda Berbera wax
ka tari doono ganacsigii transit-ka ee Itoobiya oo mudooyinkii u
danbeeyey xanibmay ayaa ku jawaabay, “Ugu horeyn xidhiidh dhow oo
aanu la leenahay qof dekeda la keeno ma jiro, ama Cali ha yimaado
ama Cumar, laakiin waxaan doonayna in masuulka yimaada uu dhaqan
geliyo xidhiidhkii ganacsiga ee labada xukuumadood Itoobiya iyo
Somaliland hore u wada saxeexdeen.”
Brgd.Gen Bereha Tesfay, safiirka Itoobiya ee Somaliland oo la
weydiiyey waxa ka jira in hes hiiskii labada dawladood hore u wada
gaadheen ee ganacsiga transit-ku saamaynayey sad dex qodob oo ahaa
Badeecadaha xukuumada Itoobiya, iyo deeqaha Midowga Yururb iyo WFP,
ayaa ku jawaabay, “Muddo immika laga joogo sannado badan ilaa
dhowaan xukuum ada Somaliland way ku dhaqmaysay heshiiskii aanu wada
galnay ee ku saabsanaa ganacsi ga transit-ka ee u gudbaya dalka
Itoobiya, iyadoo aan loo kala eegayn badeecado xukuum adeed ama kuwo
ganacsato gaar ah leedahay dhamaantood waxa laga qaadi jiray khidma
da dekeda, aduunka dhamaantiina waa sidaa oo ma jirto badeecad
transit dal kale ku ah oo cashuur uu ka qaado dalka ay dhexmarayso.
Dhowaan ayey soo baxday
talaabadan cashuurta looga qaadayo dhamaan badeecadaha transit-ka ee
Somaliland ka gudbaya. Muddo bil ka hor anigaa wasiirka Maaliyadda u
gudb iyey ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala soo degayey
dekeda Berbera, waanu ka caawiyey sidii ay ula soo bixi lahaayeen.
Muddo fara badan ayey dhamaan badeecadaha xukuumada iyo kuwa
ganacsatada gaarka ah adeegsanayeen dekeda Berbera iyagoo ka sita
waraaqahii sharciga ahaa ee transit-ka baanka Itoobiya, waxaanan ku
dedaalaynay inaan ku soo xidhno ganacsatada Itoobiya adeegsiga
dekeda Berbera, laakiin cashuurta xilligan lagu soo rogay
badeecadihii transit-ka ee dalkayaga u gudbayey waxay keenaysaa in
dhaqaale badan ku seegaan Somaliland oo ganacsatadii
isticmaalaysayna ku khasbanaad aan inay u wareegaan dekedaha
jaararka sida Jabuuti, iyo dekedaha kale. Markaa waxaan ka
rajeynaynaa wasiirka maaliyadda inuu dib u eego talaabada isbedelka
keentay ee caqa bada ku noqotay dhaqaalahii ka soo geli jiray
Somaliland badeecadaha u gudbaya dalka Itoobiya.”
Source:Geeska Africa
|