Safiirka dhowaan Madaxweynaha Somaliland u soo magaca abay UK Md.Ali Aden Awale oo shir u qabtay hay'adaha dawladda Somaliland ee fadhigoodu yahay UK.

 

 

 


Shirkan ayaa muhimmaddiisu ahayd is barasho, is xog waraysi iyo sidii hayadaha dawlada ee UK ku sugani u wada shaqayn lahaayeen



London (TNN)-Maalintii Isniinta ee Taariikhdu ahayd 04/06/2012 waxaa Shir isugu yimi hayadaha Dawlada Somaliland ee fadhigoodu yahay Uk, shirkan oo uu soo qabanqaabiyey Wakiilka Cusub ee uu Dhowaan Xilka u Magcaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane. Ali Aden Awale.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay
Dahir Tukaale ( Qunsulka Guud ee Safaarada Somaliland Uk)
Maxamed Abdi xasan Buuni ( Protocol Officer Safaarada Somaliland Uk)
Dr.Abdiraxman Ali Ubaxle ( wakiilka xafiiska jaalliyaddaha dibedda)
Abdi Bacow ( Guddoomiyaha TV-ga Qaranka Somaliland ee UK )
Khadar Xasan Ali ( Agaasimaha TVga Qaranka Somaliland ee UK )




Shirkan oo ka dhacay goob aad u qurux badan oo ku taala Galbeedka magaalada London Loona yaqaan 'Nadi Park Royal. ayaa muhimmaddiisu ahayd is barasho, is xog waraysi iyo sidii hayadaha dawlada ee UK ku sugani u wada shaqayn lahaayeen.

Ugu horayn waxaa Shirka aayado quraana ku furay Wakiilka Somaliland Md. Ali Aden Awale, isla markaana ku bilaabay ujeedada ugu weyn ee uu Wakiilku Kulankan maanta u qabtay oo ahaa qodobada kor ku xusan, isagoo masuuliyiinta ka socotay labada wasaaradood ee Arimaha Dibada iyo Warfaafinta uga xog waramay xalada guud ee dalku iminka marayo, guulaha laga gaadhay Siyaasada arimaha Dibeda mudadii Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo Xilka haysay iyo hawlaha ina horyaala masuuliyinteena ku sugan Uk, Safiirku wuxuu sheegay in talaaboyinka u horeeya ee uu qaadayaa ay tahay.


· Kordhinta iyo tayanta hawl maalmeedka Xafiiska Uk
· Kordhinta iyo xidhiidhka saaxiibada Somaliland
· Kordhinta Xidhiidhka Bulshada
· Iyo isku xidhka Bulshada iyo Xafiiskooda.

Mudane. Ali Aden wuxuu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in si wad jira loo wada shaqeeyo isla markaana la isugu ixtiraami lahaa qofkasta masuuliyada uu inoo hayo iyadoo aan masuul kastaa ka gudbayn awooda masuuliyadeed ee uu qaranka u hayo, wuxu sidoo kale xusay inuu dhiniciisa diyaar u yahay sidii uu Masuul kasta ugala qayb qaadan lahaa hawlaha qaran ee uu hayo si loo gaadho guul iyo horumar.

Intaa ka dib wuxu Wakiilku hadalka iyo talo wadaaga dhex dhigay masuuliyintii kale waxayna dhamaantood isla meel dhigeen in kulankani ahaa mid aad u muhiima loona baahnaa isla markaana ay dhinacooda balan qaadayaan wada shaqayn ay ku dheehantahay masuuliyad iyo xilkasnimo., iyado dhinaca kalena uu wakiilak Xafiiska jaaliyadaha Dibedaha Md. Abdirahman Ali Ubaxle war bixin mug leh ka dhiibay intii uu xilka hayey wixii u qabsoomay iyo halka uu wax soo gaadhsiiyey iyo waxa u qorshaysan isagoo sheegay inuu war bixintaas oo dhamaystiran u soo gudbin doono Safiirka si aynu dhamaan hawlaha isula jaan qaadno.


Qunsulka Guud ee Safaarada Somaliland Md. Daahir Tukaale ayaa isna ka war bixiyey khibradaha uu u leeyahay hawshan uu hayo iyo in aanu waxba ka hagranayn hawl kasta oo inoo taala isagoo talada ku daray in la ixtiraamo Odayaasheena UK ku sugan ee waayo araga ah safaaradana lagu soo xidho si aynu uga faaideysano khibradooda markay lagama maarmaan noqoto.
waxa isna dhinaciisa figardo wax ku oola ka dhiibtay Masuulak Porotocolka u qaabilsan Safaarada Md. Maxamed Abdi Xanab Buuni, iyadoo ay Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Tvga Qaranka ee Uk Cabdi Bacow iyo Khadar Ali Gaasna si weyn u balan qaadeen in aanay kaalintooda kaga aadan shaqada qaranka waxba hagran doonin waqtigoodana u hurayaan goob kasta oo lagu hayo hawsha qaranka Somaliland una dhabar adaygayaan.

Waxay kaloo masuuliyintani isla qireen in Shacbiga reer Somaliland ee Degan UK ay yihiin kuwa ugu baaxada weyn isla markaana mar kasta u noqda sawirka guud ee laga dheehdo qurba jooga Somaliland, waxayna cadeeyeen in ay shacbigeenu yihiin kuwo qiimo badan oo wadaniyiin ah isla markaan xil weyn iska saara horumarka dalkooda iyo sare u qaadida qadiyada Somaliland meel ay aduunka ka joogaanba.

Ugu danbayn waxa la isla meel dhigay sidii loogu diyaargaroobi lahaa kulan lagu xuso 26.Jun iyadoo la isla gartay in si dhakhso ah loo guda galo diyaargarowgaas loona balamay, Waxaa kaloo la isla qaatay in Sadexdii biloodba mar kulan noocan oo kale ah la isugu yimaado iyadoo hayad waliba dhinaceeda hawsheedii ka wada si joogto ahna loo xidhiidho.
 

 


Ilahay ayaa mahad leh
Somaliland Guul.
Xafiiska Somaliland ee UK London