Munaasibad Il-yartu Is-qabatey Oo Boqortooyada Holland Abaal-Marin Qaali Ah Ku Guddoonsiiyey Abwaanka Weyn Hadraawi Iyo Daah-furka Buug Cusub Oo Ingiriisi Loo Turjumay... Daawo sawiradan

 


Hargeysa(TNN):Safiirka dawladda Holand u qaabilsan Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya Joost Reintjes ayaa caawa abaal-marin caalami ah Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku guddoonsiiyey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa,taas uu wakiil ka ahaa boqora da dalka Holland Prince Claus oo ka mid ahayd abaal-marinadii ay boqoradu bixisay sannadkii 2012kii.

Munaassibadii loo sameeyey bixinta abaalmarinta oo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada dhaqan ka ee Kayd, Redsea Online iyo xarunta tarjumaadda gabayada ee Poetry Translation Center, ay aa waxa ka soo qeybglay Wasiiro tiro baddan, masuuliyiin ka socotay saddexda gole qaran ee Somaliland,UCID, KULMIYE iyo WADDANI wufuud caalami ah,

Abwaano ay ka mid ahaayeen,Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay),Abwaan Maxamed Aadan Dacar,Abwaan Kayd,Abwaan Majaajileyste Boon Xirsi,Majaajileyste Basbaas,Al-fanaan M usian Cabdinaasir Macalin Caydiid, Al-Fanaan Fuaad Cumar Yare, Al-Fanaan Shay Mirre Dacar,qu rba-joog, ajanebi,Aqoonyahanno,Qorayaal,Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxa xusid mudan in munaasibadaasi lagu gar-daadiyey buug cusub oo xambaarsan suugaanta abwaankaas oo loo tarjumay afka Ingiriisida, iyada oo ay ka soo qeybgaleen madax tiro badan oo ajanebi ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo ugu horrayn halkaa ka hadashay, ayaa iyada oo afka dawladda Somaliland ku hadlaysa waxay boqorada Holand uga mahadcelisay abaal-marinta caalamiga ah ee ay ku maamuuseen Abwaan Hadraawi. iyada si weyn u qirtay in Abwaan Hadraawi kaalin weyn kaaga jiro hal-abuurka ummadda afka soomaaliga ku hadasha. ?Runtii halgankii iyo dibadiiba waxa uu ka qaatay kaalin weyn oo mug leh oo aan la illaabin karin.? Ayay tidhi Samsam Cabdi Aadan.

Marwo Samsam Waxay tilmaantey inay Somaliland mudnayd in Abwaan Hadraawi abaal-mariso, hasayeeshee ay dawlad ahaan soo dhawaynayaan aabaal-marintan caalamiga ah ee dawladda Holand ku maamuustay Abwaanka Hadraawi.

Qoraaga Siciid Jaamac oo degen dalka Ingiriiska oo ka soo qeybgalay Xafladan ayaa waxa uu xusay inuu si weyn ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka xafladdan, isaga oo sheegay in Hadraawi ka mid yahay abwaannada sida qotoda-dheer wax u allifa ee ka duula ahdaafka culus ee dadka u iftiiminaya. "Abwaan Hadraawi waxa uu hal-abuurnimada ku soo dhex-jiray konkonkii sannadood ee ugu danbeeyey. Waxaana uu sameeyey in ka badan labada boqol oo gabay iyo maanso isugu jira." ayuu yidhi Siciid Jaamac.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Siciid sheegay in Abwaan Hadraawi yahay tusaalaha abwaanadda, isla markaana uu hal-abuurkiisa ugu talo-galo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo qoraagu halkaa ku soo bandhigay buug lagu uruuriyey qaar ka mid ah gabayadii Abwaan Hadraawi oo lagu turjumay afka ingiriisiga. Waxaaana uu tilmaamay in daabacadda buugga iyo isku dubbaridkiisaba ay fulisay Redsea-online oo uu hogaamiyo Jaamac Muuse Jaamac.

Ambassor Joost Reintjes oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yahay ka soo qaybgalka xafaladdan, isaga oo tilmaamay inuu illaa yaraantiisii uu xiisayn jiray Soomaalida,. "Waxaan ahaa 12 jir oo iskuulka dhigta markii aan Soomaaliya imi."Ayuu yidhi Joost Reintjes.

Waxa uu qiray in Abwaan Hadaawi ka mid yahay hal-abuurada caalamka ee ay abaal-mariyeen. Waxaana uu sheegay in boqorada Holand ay muddo dheer ku hawlanayd abaal-marinta dadka qayb wey ka qaada horumarinta bulshada iyo dhaqanka.

Waxa uu sheegay inay Abwaan Hadaawi qayb weyn ka qaatay horumarinta suugaanka iyo hal-abuurnimadda ummada soomaaliyeed, isaga oo halkaa ku guddoonsiiyey abaal-marintii caalmiga ahayd ee boqorlada Holand uu wakiilka uga ahaa.

Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo munaasibadaasi lagu gudoonsiiyey Abaal-marinta ka hadlay, ayaa waxa uu si niyad leh uga mahadceliyey abaal-marinta caalamiga ah ee la guddoonsiiyey. Waxaana uu halkaa ka sheegay in wax ku yahay ummadda uu ka dhashay. "Waxa ii sharaf ah in boqorada Holand ay aniga iyo ummad aan ka dhashay noogu deeqday.Waxaanay abaal-marintani tahay in aan dadaal wax ku doono. Waayo waa tii la yidhi Raganimo meel cidhiidha ah ayaa lagagala baxaa. Waxa mahad leh Allaaha I siiyey aragtida dheer ee ka fog ku dhaqanka qabyaaladda. Waxaan goostay inaan gogoshayda fidsado oo aan caalamka ku gaadho." Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaanku waxa uu madashaasi ku soo bandhigay tixo ka mid ah gabaygiisii caanka ahaa Gudgude oo uu ku sifeeyey garashadiisa xeesha dheer iyo in caalamka ay af-gaartiisu gaadho. Waxa uu hal-abuurada kalena u soo jeediyey inay sidiisa oo kale dadaal caalami ah sameeyeen si ay u gurtaan abaal-marinada caalamiga ah, isaga oo sheegay in abaal-marintani la guddoonsiiyey mid agtiisa qaali ka ah tahay. "Waxa aan ballan qaadayaa inaan dadaalkayga sii kordhiyo. Waxa aan doonayaa inaan Holand tago aniga oo Hadyadan qaali ah u sita boqorada Holand." ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa si mug leh uga hadlay taariikdii Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), isaga oo Abwaanka ku sifeeyey hal-abuur allifaadiisa kala soo dhex baxa dhadhaab iyo meelo adag.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu xusay inuu Abwaan Habraawi tiriyey Maansooyin cul-culus oo ka qaybqaatay halgankiisa dadka oo ay ka mid ahayd DEELALAY iyo qaar kale oo baddan, ayuu yidhi

Waxa kale oo uu ku dooday inuu abwaanku sameeyey Maansooyin kale oo qayb weyn ka qaata wacyigelinta iyo baraarujinta bulshada.

Abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Geney) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay u mahadnaqayaan boqorada Holand, isaga oo sheegay inay ku faraxsan yahay guusha uu Abwaan Hadaawi u soo hooyey hal-abuurada ku hadasha af-ka Soomaaliga.?Hadraawiwaa horyaalkayga oo waan hambalyeynayaa oo waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu....?Ayuu yidhi Xasan Ganey.

Dr.Xuseen Bulxan oo isna madasha qiimaha baddan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Abwaan Hadraawi yahay Abwaan ay ummadda Soomaaliyeed wadaagaan,isaga oo tilmaamay inuu sameeyey hal-abuurnimo muddo dheer jiri doonta. Waxa uu ku dooday inuu Abwaanku sameeyo suugaan taabacaysa shucuurta iyo dareenka dadka, taas oo uu ku tilmaamay hal-abuurnimo mug leh.

Sidoo kale waxa Xusid mudan oo madasha qiimo weyn u sameeyey bandhig ay Heeso aad loogu diirsaday oo dadka soo jiitey uu ku heesay Fannaanka Fu?aad Cumar yare oo ku luuqeeyey Hees uu midhaheeda leeyahay Abwaan Hadraawi,isla markaana uu hore u qaaday Alle ha u naxariiste Maxamed Mooge Liibaan,iyada oo uu giitaarkana tumayay Musian-ka caanka ah ee Cabdinaasir Macallin Caydiid oo goobtii wada-farxad-geliyey.

Waxa kale., oo isaguna halkaa hees kale oo uu sameeyey Abwaan Hadraawi ka qaaday Fanaanka Shay Mirre Dacar, isaga oo uu hore u qaaday,heestaas oo la yidhaahdo "Waa cudur jaceylku" oo uu hore u qaaday Maxamed Saleebaan Tubeec.

Madashan qiimaha baddan waxa isna lagu soo dhaweeyey Abwaan Hurre Ibraahim Warsame (Hurre-Walanwal) oo ah abwaanka weyn ee ay walaalaha yihiin Abwaan Hadraawi, oo sheegay inuu u mahadcelinayo boqorada Holand ee abaal-marinta ku maamuustay walaalkii Hadraawi. Waxaana uu abwaannada kale ugu baaqay inay qaybyaaladda iyo hanka yar ay ka gudbaan oo ay sida Hadraawi abaal-marinno caalami ah hiigsadaan.

Koox Dhalinyaro ah oo ay Abwaan Hurre iyo Waraabe tababareen ay goob-taasi ku soo bandhigeen noocyada kala duwan ee ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ugu mudnaayeen Dhaantada iyo Jaan-jeerta, iyo kuwo kale oo dhamaanba ay dadkii munaasibadaasi ka soo qeybgalay ay ku diirsadeen.

Dhalinyartaasi oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka.

Waxa kale oo munaasibadda lagu daahfurey buug xambaarsan qaar ka mid ah suugaanta abwaanka oo afka ingiriisiga lagu soo turjumay. Daabacaaddan aan badnayn, waxa aannu ku soo xulnay siddeed maanso oo ka mid ah suugaantiisa qiimaha leh, kuwaas oo kala ah "Bulsho", "Hal La Qalay", "Daalacan", "Sirta Nolosha", "Dhigaalka Far Soomaalida", "Cajab" iyo "Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray."

Hordhaca buugga waxa qoray Rashiid Sheekh Cabdillaahi "Gadhweyne", waxaa turjumidda aasaasiga ah ee af-Ingiriisiga u sameeyay suugaantan Siciid Jaamac Xuseen, Maxamed Xasan Alto iyo Axmed Ismaaciil Yuusuf, waxaana Ingiriisi ahaan u turjumay Dr. Martin Orwin iyo abwaanka caanka ah ee W. N. Herbert. Buuggu waxa uu ka mid yahay taxanaha "Iswaydaarsi" oo ah buugaag loogu talo galay in suugaanta hodanka ah ee Soomaalida loogu turjumo afafka shisheeyaha, isla markaana qaar ka mid ah suugaanta adduunka lagu soo bandhigo Af Soomaali.

Haddaannu nahay urrurada kor ku xusan, farxad wayn ayay noo tahay in xafladda abaalmarinta ee Abwaan Hadraawi lagu guddoonsiiyo waddankiisa hooyo," ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas

Source:Hadhwanaag