Safiir Ku-xigeenka Ingriiska ee Itoobiya oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

 


 


Safiirka oo faah faahin ka bixiyay shir Ingiriisku ku qabanayo London oo fursad weyni ugu jir to Somaliland ......


Hargeysa (TNN)- Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Chris Allan, ayaa ka war bixiyay tafaasiisha shir caalamiya oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhaw aan lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Safiir ku xigeenka Ingiriiska oo socdaal maalin qaatay ku yimid Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkaygan Somaliland, waxaan maanta kulamo la yees hay madax badan oo Somaliland ah oo aan kala hadlay arrimaha shir London lagu qabanayo oo ku saabsan dhibaatada Soomaaliya, waxaanan faahfaahin ka siiyay ajandaha shirkaasi. Waxa lagaga hadlayaa shirkanShirkan arrimaha saamaynta ku leh gobolka oo dhan ee ay ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo argagixisadda.”

“Waxa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta, mashaariicda samofalka ee Ingiriisku siiyo Som aliland/Somalia-ba. Waxa kale oo lagaga hadlayaa mawduucyo kale oo la xidhiidha dhaqaala ha. Shirkan waxa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliy a,”ay uu yidhi Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa.

Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in Bortooyada Ingiriisku ay tahay ta ugu badan ee taage erta Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in dalalka Britain iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid taariikheedba.
Safiirku wuxuu sheegay inuu u arko inay Somaliland ka qeyb gasho shirkan isla markaana ka jeediso aragtideeda iyo wixii u qabsoomay.

“Raysal wasaarahayaga iyo Xoghayaga arrimaha dibadduba inaan arrimaha shirkan maanta u sharaxno Madaxweyne Siilaanyo iyo bulshada Somaliland-ba. Waxaanan si shakhsi ah u da naynaynaa in Madaxweynaha Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb gala ysa shirkan.Raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona shirkan Madaxwe yne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona.”

“Xoghayahaga Arrimaha dibaduna waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo diro si uu tafaasiil uga siiyo waxaanu ka rajaynayno inay shirka London ka soo baxaan,”ayuu yidhi Chris Allan, waxaanu intaasi ku daray “Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto himila deeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon lahayd Madaxweyne Siila anyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah mid aad iyo aad u sareeya.

“Waxaanu aaminsan nahay in sida ugu wanaagsan ee Somaliland ku gudbin karto qadiyadee da ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo shirkaasi arrintaasi,”ayuu yidhi Chris Allan.

Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in shirkan ay goob joog ka ahaan doonaan ilaa afartan H oggaamiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Faransiiska, Raysal wasaaraha Itoob iya, Xoghaya Guud ee Qarrammadda Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha, Wasiiro arrimo dibadeedyo iyo masuuliyiin kale.


Source: Somaliland.Org