Safiir
Ku xigeenka Britain ee Itoobiya oo kulamo la yeeshay madaxweynaha
iyo xisbiyada

Hargeysa (TNN)- Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya dalka
Itoobiya Mr, Chris Allan, ayaa ma anta socdaal maalin qaatay ku
yimid dalka, waxaanu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweyn aha
Somaliland Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xisbiyada mucaaridka
ah ee UCID iyo UDUB.
Ma Jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland iyo Safiir Ku xigeenka
Ingiriisku ka soo saareen kulankii Madaxweynaha ay yeesheen, hase
yeeshee waxa warar xog ogogaal ahi oo aanu ka he lay kulankaasi ay
sheegayaan inay ka wada hadleen shirka dawlada Ingriisku ay ku
qabanayso magaalada London 23-ka Bishan Febarwari.
Sidoo kale, Mr. Chris Allan ayaa maanta kulan la yeeshay
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md, Faysal Cali Waraabe
iyo Garabka Cali Waran-cadde ee xisbiga UDUB.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi ka
dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo la
xidhiidha shirka London waxaanu yidhi “Waxa uu u socday Safiir Ku
xigeenku waa shirka London,waanaga la shirnay waxa shirkan lagaga
hadlay aa arrimaha budhcad badeedka,nabadgelyada iyo arrimaha
Somalia sidii wax looga qaban lahaa waxaana ka qeyb galaya dawlad
goboleedyadii yar yaraa ee ay ka mid yihiin Puntland, Gal-mud ug,
Ehelu Suna wal jamaaca iyo TFG-dii. Inagana waxa la inagu yidhi
kaaliya shirkan waa la idinka faa’iidaysanayaa, idinkuna waad ka
faa’iidaysan doontaane’e. waxaan filayaa inay su’aalo ay
xukuumadeenu tidhi noo soo cadeeya Ingiriiska inuu waday
Safiirku.marka arrintaasi loo soo cadeeyana waxaan dawlada ka
filaynaa in sidii ay balan qaaday in wada tashi la iskugu yimaadaa.”
“Midna waanu idiin cadeynaynaaye’e suuqa waxa la geliyay UCID waxay
leedahay shirka hala ta go anagu ha la tago ma aanu odhane’e waxaanu
nidhi ha la wada tashado oo shirkaasi nuxurk iisa ha la ogaado,”ayuu
yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
“Mana rabno inuu shirkani noqdo mid inaga Somaliland inakala
burburiya,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay
inay safiir Ku xigeenka Ingi riiska u sheegeen inaanay Somaliland
wax dani ugu jirin ka qeyb galka shirkan.
“Waxaanu u sheegnay mowqifka xisbigayaga ee ku wajahan Shirkaasi
waxaana aanu u sheegn ay inaanu shirkaasi Somaliland wax dani ugu
jirin kana mid ahayd maamul goboleedyada Puntla nd,”ayuu yidhi
Siciid Sulub.
Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi,
ayaa sheegay inay danji rahaasi ay u sheegeen inaanay Somaliland soo
garab fadhiisan doonin maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Safiir ku xigeenka Britain u fadhiya addis ababa Mr. Chris Allan
waxa uu dalka yimid 18-kii bishii January ee aynu soo dhaafnay
xiligaasi oo uu si rasmi ah xukuumadda Somaliland u soo gaadh siiyay
martiqaadkii shirka London.
source:so
|