Safarkii Riyaale Ee Ceerigaabo Oo Ku Soo Gabagaboobay Guuldaro Iyo Beentii Wasiiradu U Sheegi Jireen Madaxwaynaha Oo Fashilantay

 


Hargeysa, June 13, 2010(TNN)-Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa shalay gelinkii dambe ku soo guryo noqday caasimada Hargeysa kaddib markii uu socdaal taageero raadis ah ugu kicitimay gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, halkaas oo uu ku sugnaa muddo 3 maalmood ah.

Sida uu ku waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Ducaale, Mada xweynuhu intii uu ku sugnaa xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxa uu kulamo  go oni gooni ah la yeeshay madax dhaqameedka iyo Wax –Garadka deeganadaasi, kuwaasoo uu kala hadlayay siddii ay taageeradooda u siin lahaayeen xisbiga UDUB isla markaana uu balan qaadyo u sameeyey marka uu talada ku guuleysto u fulin doono.

Madaxweynuhu markii uu ka dagey garoonka Ceerigaabo abaaro 5: 30 galabnimo  Arbac adii toddobaadkii hore waxa soo dhoweeyey masuuliyiinta xukuumada iyo maamulka  xuku umada ee Ceerigaabo, Salaadiin, cuqaal iyo qaar ka mid ah shacbiga Ceerigaabo, kaddib markii uu salaam ka qaatay ciidamada waxa la geeyey Madaxweynaha guriga Martida ee Ceerigaabo oo ku dhex yaala xayndaabka Dawlada Hoose. Isla habeenimadiiba waxa uu bilaabay Madaxweynuhu inuu kulan la yeesho odayaasha magaalada Ceerigaabo, taas oo uu ugu sheegay inay la kulmi doonaan wixii war ahna kala qaadan doonaan wasiirada  isa ga la socda isla kulanka habeenkaas wuxu Madaxweynuhu sooryo guddoonsiiyay  odayaa sha oo u kala badsaday siday ugu kala dhow yihiin xisbiga UDUB ee talada haya.

Odayaasha la kulmay Madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah diidmo ka muujiyeen sooryada oo ay saluugeen.

Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa magaalada Ceerigaabo umay suurto gelin inuu siddii uu rabay kulamo ula yeesho shacbiga gobolka Sanaag sababo la xidhiidha ololaha xisbiyadu ka wadaan halkaas,wuxuna taas ku bedeshay inuu la kulmo shaqaalaha laamaha dawlada gobolka Sanaag kuwaasoo uu ku booriyay inay dadweynaha ku qanciyaan xisbiga UDUB inay u codeeyaan halkay ahayd inuu kala hadlo fidinta iyo toosinta maamulka gobolka iyo habsi u socodka ee Laamaha Wasaaradaha gobolka oo inta oo intooda badani fadhiid  yi hiin qaakoodna aanay laheyn xafiisyo.

Kaddib markii uu Madaxweynuhu ku guul dareystay inuu madax dhaqameedka iyo  waxgar adka Ceerigaabo ka helo taageeradii uu ka filayay ayaa wuxu habeenimadii khamiista  aba aro 4:00 subaxnimo guure kaga soo baxay magaalada halkaas oo uu u kicitimay  degmooy inka Ceel Afweyn iyo Gar-adag, waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ka quraacday  deg mada Ceel Afweyn halkaasoo uu kula kulmay odayaal aad u tiro yar oo intooda badani ka warqabin socdaalkiisa subaxnimo. Madaxweynuhu wuxu kala hadlay odayaasha Ceel  Afw eyn siddii biyo loogu soo saari lahaa degmada, taasoo horena uu BBC-da laanteeda af  So omaaliga mar uu 3 sano ka hor ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey biyaha Ceel Afweyn, uu kaga jawaabay “Ceel Afweyn intii xukuumadu karaankeeda ahayd way u qoday laakiin way u awoodi weydaye Ilaahay biyo ha weydiistaan”, kelmadaas oo berigaa dareen  cad ho leh ku dhalisay dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.

Madaxweynuhu markuu ka quraacday Ceel Afweyn wuxu u baqoolay dhinaca degmada  G ar-adag. Inkastoo shacbiga reer Gar-adag si diiran ugu soo dhoweeyeen degmada  hada na waxay bixiyeen dareeno kala duwan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye iyo sidoo kale siday uga xun yihiin balamo farabadan oo hore ugu qaaday in aanay waxba ka hirgelin. Madaxweynuhu wuxu kaga jawaabay  cabas hooyinka reer Gar-adag balamo cusub oo kuwii hore la mid ah taas oo dareen aamusnaan ah ay kaga jawaabeen odayaasha degmadaasi.isla gelinkii dambe ee Jimcaha wuxu  Mada xweynuhu mar labaad ku soo noqday Ceerigaabo oo uu soo gaadhay abaaro 8-dii  habe enimo. Gurigii Martida ayuu Madaxweynuhu mar kale kula kulmay odayaasha iyo  waxgara dka beelaha bariga Sanaag oo ay ku balansanaayeen inuu tago degmada Badhan, taasoo aanay Madaxweynaha u suurto gelin inuu tago Badhan. Waxa sidoo kale aan suurto gelin inay fulaan balamo uu Madaxweynuhu ku qaaday inuu tago degmooyinka Maydh iyo Xiis.

Madaxweynaha oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Dadweynaha Kala Hadlay ayaa mar kale ku celiyay balamo uu hore uu ugu qaaday bulshada deegaankaasi, isagoo dhanka kalena cambaareeyey natiijadii ka soo baxday diiwaangelintii dalka ka dhacday, waxana hadaladiisii ka mid ahaa "Diiwaangelintii dhacday mid saxan ma ahayn aniga iyo xisbigayguna waxan balan qaadayaa in aan doorashadan maanta mid ka danbeysa lagu gelayn ee isdiiwaangelin sax ah oo qof kastaba hal mar diiwaangashan yahay ayaa  door ashooyinka dambe lagu geli doonaa taas ayaa aniga iyo xisbigayguba balan qaadaynaa waayo maanta waxa taagan in qofna toban kaadh haysto qofna la leeyahay ma  diiwaan gashanid oo codayn maysid. Waxan kaloo idiin sheegayaa wadada Ceerigaabo in aannu dedaal ugu jirno, Kuwait ayaan tegey oo waxan la kulmay Amiir-Sabaax Axmed Al-Sabaax waxan weydiistey wadooyin iyo madaarrada in uu inoo dhiso weftigii u horreeyey  dhowa an ayay dalka yimaaddeen waxayna iga balan qaadeen laba madaar oo casri ah  (Harge ysa iyo Berbera) waddooyinkuna waa ku xigaan oo Sanaagna koow ayay ka tahay. Biyahana qoladii Hilaal Axmar Al-Imaaraat waanigii Riig weydiistey markaa ceelka Gar-adag way qodeen ilaa iyo Ceerigabona way soo socdaan oo wixii ceelal laga qodi karo way qodayaan".

Si kastaba ha ahaatee, safarka Madaxwynuhu ku tagay gobolka Sanaag ayaa u muuqda mid aad uga kooban kii uu ku talo galay inuu ku gaalaa bixiyo gobolka iyadoo lagu  sabab eeyey in aanu ku qanci tiro ahaan iyo tayo ahaanba taageeradii uu ka filayay gobolka oo aad moodo inuu sawir khaldan ka heystay markii hore, taas oo wasiiradiisa ka soo jeeda gobolkani ku maaweelin jireen inuu haysto taageerada ugu badan balse imika uu guntii soo ursaday.

Source:Haatuf