Safarkii madaxweyne Siilanayo wuxu ahaa mid an qorsheysneyn oo
fashilkii Cajaladii Saqda dhexe la soo duubay lagu marin habaanineyo
Waxan maanta runtii an qalin iyo
warqada isu dulsaarey ina an waxyar an ka idhaahdo safark an an hore
loo qorsheyn ee madaxweyne Siilanayo GONDIHIISA ka dhashey, hore
waxaan u m aqli jiray dagaalku gondahaagu ka dhashaa ee ha faro
madhnaa taaso ay somalidu uga jeedo mar walba dagaal laabta ku hey.
Markii an arkey dadbadan oo u riyaaqeya kuna bogaadineya
madaxweynaha Siilaanayo safa rkan an hore loo qorsheen ee ka dhashay
cajaladii saqda dhexe uu soo diray, markii an dhage ystey wareysi
lala yeesha la taliyaha madaxweyna gobolada bari mudane Fu'aad Aden
Cade oo si cad saaxafada ugu sheegay in anu aheyn safar hore loo
ogaa, isaguna anu war iyo waca altoona u heynin.
Runtii aakhristow wareysigaasi la taliyuhu wuxu ka markhaati kaceya
in anu ahey safar qorsh eysan maadaama anu waxba kala socon la
taliyaha gobolada bari, waxakaloo dareemi karta in anu qorsheysneyn
madaxda safkar madaxweynaha ku wehelineysa kuwa ay aheyn oo la wad a
garaneyo.
Runtii waxad la socotan in aynu nahay dawlada dhameystiran
golayaasheedii iyo heykalkii da wladnimo uu dhan tahay, marka uu
madaxweynuhu doonayo inuu xaaladaha iyo baahiyaha gobolada ka jira
soo ogaado waxa safarkiisu noqoneya mid ay ku weheliyaan goluhiisa
fulintu sida wasiirka hawlaha guud, wasiirka qorsheynta, wasiirka
kheyraadka badan, iyo wasiirka beeraha
Maadaama an ey ku wehelineyn golihiisi fulintu sow maha safar
shacabka lagu jaho wareerin eyo oo dhalanteed ah, waxad warbaahinta
iyo saxaafada ba lagu arkeyaa safarkaasi madax da raga horboodaya ee
garab socda sidii ciidan u gaar ah madaxweynaha muj Musa Biixi Abdi,
muj Maxamed Kaahin Axmed, gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee golaha
wakiilada Cabdicasiis Samaale, raxan ka tirsan golaha wakiilada oo
ka soo jeeda xisbiga talada heya ee Kulmiye iyo wasiirka
madaxtooyada iyo wasiirka daakhiliga oo runtii isago ka mid noqon
kara hadii ay run tahay qorshaha uu madaxweyne Siilaanayo sheegayo.
Haddaad u fiirsatan maalintii uu wadada cagta saarey madaxweyne
Siilaanayo runtii waa maa lmahii hadal heynta ugu badani aheyd
suuqyada iyo mafaarshta la fadhiisto cajaladii iyo erya dii u qaadan
waaga aheyd ee madaxweyne Siilaanayo cajalada kusoo duubay saqda
dhexe ku na hanjabayay kuna aflagaadeynaya xubno ka tirsan xisbiga
UDUB iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.
Runtii cajaladaasi waxay ku noqotey subaxdii danbe madaxweyne
Siilaanayo mid uu runtii u adkeysan kari waayay sheekadeedii iyo
hadal heynteedii, isaga laftiisu markii uu dib u dhage ysteyna wuxu
ogaadey inuu khalada weyn dhex dabaalaneyo maadama uu madaxweyne yah
ey nusqaan weyn ku tahay eryada cajalada ku duubani.
Waxa runtii ku dhalatey madaxweyne Siilaanayo dabcan sida caadada u
ah madaxda caalam ka ama siyaasinta waaweyn sida madaxweyne
Siilanayo oo kale inuu shacabka dhalan habaa biyo oo waxkale oo
cusub ku jiheyo si loo iloowsiyo wixi dhacay ee maalmahaasi cusbaa
sida fashilaadii cajalada oo kale, waxan haddaba aaminsanahey oo
runtii marag ma doona ah inuu safarkani aha mid ka dhashey CAJALADII
SAQDA DHEXE MADAXWEYNE SIILAANAYO KUsoo HANJABAYAY EE AFLAGAADA
AHEYD.
Fashilaadan oo kale marka ey madaxda la soo daristo ama ku dhacdo si
yaalo kala gadisan bey madaxdu ku maareysa ama ku furdaamiyan qaar
waxay isticmaalan dhaqaale suuqa lagu soo afuufo, qaar waxay door
bidan in ay dagaalaman, qaarna waxay adeegsadan xadhig iyo cago
jugleeyn qaarna waabey ka yara siibtan dalka oo dibada ayey u
safaraan mudada hadal heyn tu socoto, laakin sida an aaminsan nahay
maanta madaxweyne Siilaanyo wuxu isticmaaley wa dadii ugu habooneyd
ee uu kusoo afjari la' sheekadii cajalada saqda dhexe soo duubay
Qiso yar oo an doonayo in an ku kabo qoraalkeygan aakhristow w,
dhacdo ku dhacda boqorad a carabta waqtii sideetanadkii ma doonayo
inaan sheekada daba iyo dacal idinka soo gudbiyo waayo waqti badan
iyo qoraal badan bey inooga baahan tahay hase inta ugu muhiimsan ee
an uga dan leeyahay baan soo koobi doona inshalle,
Wiil ka mid ah wiilasha boqortooyada carabta khaliijka ayaa
sideetanadkii maalin maalmaha ka mid ah dilay nin sarkaal ah oo
ciidamada boqortoyadaasi ka mid ah, ninka sarkaalka ah ee la dilay
wuxu ka dhashey caailad ama reer aad looga yaqaano boqortoyada maha
reer boqor laakin waa caailadaha sharafta iyo karaamo ku leh
boqortooyada lafteeda oo laga danbeyo, markii uu dilkaasi dhacey
waxa dhacday in caailadii uu ka dhashey sarkaalki la dilay ey fariin
u soo direy boqorkii wiilka wax dilay dhalay ee dabcan ahaa boqorka
dalkaasi, waxay aheyd fari intoodu wiilkii inankeyga dilay boqor waa
in naloo dila si anu inankeygii uga samirno, boqor kii bey tala ku
cadaatey, wuxu talo iyo tashi ba doonay inuu weydiiyo walaakii oo
isaga ku xiga wuxu yidhi walaal arinkaasi dilka ah aya dhacey ee
maxad talo heysa, wuxu walaalkii ugu jaw aabay walaal caailadan uu
ka dhashey sarkaalku waad garaneysa oo maaha caailada la qarin karo
dilkooda iyo godobtooda, maaha caailad lacag iyo aduun inooga baahan,
hadii ad talo ad iga dooneyso talo waxan ku odhan lahaa arinkaasi ay
codsadeen ee ah in la dilo wiilka wax dilay dil fuli si reerka loo
samirsi. hadii kale arinkeenu wuu xumaaneyaa waanad ogtahay dha
qaale iyo awooda xukumada ba in ay awood ku leeyihiin, boqorkii buu
madaxu laba kala noqday oo fadhi iyo joogba diiday markii la yidhi
wiilkaaga curad dil, islaantii dhashey wiilka ayuu boqorkii
fariintii reerka wiilka laga dilay iyo tii walaakii ba u sheegay oo
wuxu yidhi walaalkeyna wuu taageersan yahay in la dilo wiilkeena
reerkiina waxay leeyihiin noo dila arimuhu halkaasey mareya uma
fulaaney, islaanti inta ay saro u joogsatey bey tidhi hadii ma
malkadu maanta xaga kale ka rugmaneyso lama dilayo wiilkeyga ee
sheeko kale keen, marka ay sheekadu halkaasi mareyso ayuu boqorkii
la taliyaashiisi oo dhan u yeedhay wuxu yidhi arinkaasi ba i heysta
ba furdaamiya, la taliyaashii nin ba meel isku qaada, nin baa yidhi
boqor waxad sameysa oo an talo ahan ku odhan lahaa caawa bax tag
magaalada jinaasadu ka socoto caailada adigoon ciidan iyo madaxa
kale wadan u tag faamiliga qoorta u hoos dhigo oo i dila dhe aniga
oo ah boqorkiini, imika safarkaasi an hore u qorsheyseen fuli boqor
oo fadhiga ka kaca.
Boqorkii ba taladii la taliyaha ku dhaqaaqey isagoo an ciidan wadan
buu magaaladii caailadu daganeyd ee jinaasadu ka socotey dalama
yidhi dadkii jinaasada joogay baa isawada eegay iyagoo yaaban oo leh
waar miyaanu boqorkii aheyn ninkan inoo soo galay dadkii waxa ku dha
cay amakaag iyo uu qaadan waa, boqorkii baa markii ba yidhi mee
ninkii dhalay wiilkii wiilkeygu dilay dadkii qaar baa baqay oo
isyidhi malaha isagan waa aabahe wuu dilaya, nin ba yidhi boq or
maxad ku faleysa ninkaasi inanka dhalay wuu maqan yahaye wuxu
boqorkii ugu jawaabay waxan doonaya inuu wiilkeyga cafiyo ama aniga
qoorta iga jaro, odaygii inanka dhalay oo is qarineyay markii hore
ayaa qeylo ood kaga qaaday oo yidhi boqor waa anigee musaamax baad
naga tahay adiga iyo wiilkaagu ba, boqorkii baa hadan u ruqaansaday
dhinci dumarka oo yidhi meeday umo fulaan markaasa la yidhi boqor
waatan wuxu yidhi umu fulaan waxan idin ka raba in ad na cafidan
islaantii inanka dhintey dhashey iyaduna sidii odaygeedu ku yidhi
boqorka eyey ku tidhi saamax baad naga tahay boqor.
Sheekadan yar waxan u soo qaatey habka ay madaxdu dadka u
jahawareeriyan marka ay dunbuunta galan, waana sida xuquuqda dadka
danbiga laga galo loo wareeriyo, waxan aaminsanahay inuu madaxweyne
Siilaanayo habkaasi uu isticmaaley aheyd mid uu ku jahawereerineya
fashilkii cajaladii uu saqda dhexe umada u soo diray
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood
Hassan
Norway |
|