Safaaradii Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Dib loo furay 22 Sanno ka dib iyo Nuxurka Kulankii William Hague la yeeshay Ra,iisal wasaaraha Somaliya.
 

 

 


Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaa daa


Muqdisho (TNN)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa lagu cadeeyay in maanta ka dib 22 sano maanta la hawlgeliyey safaaraddii Ingiriiska.
Raysul wasaaraha Soomaaliya wuxuu u mahadceliyey dawlada Ingiriiska dadaalka ay ugu jirto garab istaagga iyo caawinta dawlada Soomaaliya, iyadoo bisha soo socota 7-deeda la filayo in magaalada London uu ka dhaco shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.



WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Abril 25, 2013…. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta magaalda Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK Mr William Hague oo ay ka wada hadleen horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya .

“Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha oo William uga mahadceliyay booqashadiisa 2aad ee uu dalka Soomaaliya ku yimid. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu u sheegay wafida Ingiriiska ee uu Mr. Hague horkacayo in talaabada dawladda UK ee la xariirta booqashdan iyo furitaanka safaaradda UK yihiin mid tusaale u ah caalamka intiisa kale inay ku dhiiradaan inay dalka Soomaaliya yimaaddaan.

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xoghaya Arrimaha Dibadda UK William Hague ayaa waxaa kale oo looga wada hadlay arrimaha xuquuqul insaanka ee la xariira kufsiga iyo xadgudubyada kale.

Arrimhan ayuu sheegay Mr. Hague in ay muhiimad gooni ah u leeyihiin dalalka ku bahoobay G8 ee xilligan gudoonkooda dawladda UK hayso, Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay dadaalka ay xukuumaddiisu ugu jirto ilaalinta xuquuqda aadanaha ee gudaha Soomaaliya.

“Kufsiga iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurtu waa kuwo aan wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, mana ahan waxaan u dulqaadan karno gabi ahaanba,” Ra’iisal Wasaaraha ayaa intaas ku daray inay dawladdu samaysay guddi Xuquuqul Insaan oo ka hawl-gala sidii ay wax uga badali lahaayeen xaalada banii’aadanimo ee dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha iyo Xoghaya Arrimaha Dibadda ee UK ayaa ka wada hadlay muhiimadda shirka arrimaha Somaaliya ee London.

Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Arrimaha Bulshada Maryan Qaasim ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay shirka London. Waxaana ay sheegeen inay rajaynayaan in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawladdu shirka London ka soo bandhigayso. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labda wadan ee UK iyo Soomaaliya. DHAMAAD

 

 


Timacade News desk
Muqdisho ,Somaliya