SADEXDDA XISBI QARAN IYO KOMISHANKA OO KALA SAXEEXDAY XEERKA ANSHAXA DOORASHADA MADAXTOOYADA (CODE OF CONDUCT)

 


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Saddexda xisbi siyaasadeed ee qaranka Somaliland,

-Ka-dib markii ay yeesheen shirar is daba joog ah oo lagu lafa gurayo, laguna falanqaynayo doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

-Iyagoo ogsoon muhiimadda doorashada Madaxtooyadu ay u leedahay shacbiweynaha reer Somaliland.

-Iyagoo maskaxda ku haya in dhamaystirka guushu ku dheehan tahay ee geeddi socodka dimuqraadiyadeed ay waxtar weyn u leedahay qaddiyadda somaliland,

-Iyagoo aqoonsan in doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka dhacaa ay muftaax u yihiin kor u qaadista xorriyad iyo caddaalad taam ah oo ka taabbo-gasha Somaliland.

-Iyagoo dareensan khatarta iyo halista ku iman karta dimuqraadiyadda curdinka ah ee xilligan kala guurka.

-Iyagoo ogsoon baahida deg-degga ah ee loo qabo in la abuuro jawi suurto geliya inay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah.

-Iyagoo maskaxda ku haya gol-daloolooyinka ka muuqda xeerka doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka iyo wixii ka soo kordhay xeerka Diiwaan gelinta ee u baahan in la dhamaystiro si ay ugu dhacdo doorashadu si habsami ah.

Waxa ay ku heshiiyeen in ay u hogaansamaan xeerkan hab-dhaqan (code of conduct for political parties) kaas oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen saddexda xisbi siyaasadeed iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) iyadoo ay xisbiyada siyaasaddu iyo KDQ wada saxeexeen maanta oo taariikhdu tahay 11/07/09



QAYBTA KOWAAD

UJEEDADA XEERKA:
Ujeedada xeerkan Hab-dhaqanka Xisbiyadda siyaasaddu waa in kor loo qaado waxyaalaha suurto gelin Kara inay dhacaan doorashooyin xor oo xalaal ah waxyaalahaas oo ay ka mid yihiin:

In la isugu dulqaato arrimaha siyaasadda ee dimuqraadiyadda ku dhisan;
In la abaabuli karo olole siyaasadeed oo xor ah iyo dood shacbiga u furan;
In la ixtiraamo Lana dhawro xuquuqda aadamiga.

KU DHAQANKA XEERKA:

Axsaabta Qaranka iyo murashixiintu iyaga oo fulinaya xeerkan waa:-
Inuu Murashax kasta oo uu ogolaaday KDQ murashaxnimadiisa keenaa warqad saxeexan oo uu ku caddaynayo ogolaanshaha ku dhaqanka xeerka hab-dhaqanka doorashada Madaxtooyada isla markaana uu ku ballan-qaadayo inay taageerayaashiisu ku dhaqmayaan xeerkan;

Inuu xisbi kastaa muujiyo inuu u hoggaansan yahay ku dhaqanka xeerkan;
Inay ku wacyi-geliyaan codbixiyeyaasha ku dhaqanka iyo ixtiraamidda xeerkan hab-dhaqaneed;

Inay faraan hawl-wadeennada xisbiyadooda, xubnaha xisbiyadooda iyo taageerayaasha xisbiyadooda ku dhaqanka xeerkan;
Inay adkeeyaan joogteeyaana wada shaqaynta ka dhexaysa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Qaranka;
Inuu ka qaato tallaabo adag ka-hortagga in lagu xad-gudbo xeerkan;
Inuu qaado tallaabo kasta oo suurtogal ah inaan la dhiiri-gelin wax kasta oo jabinaya xeerkan;

In uu dadweynaha hortiisa ku cambaareeyo fal kasta oo minjo xaabin kara qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Inuu ballan qaado inuu aqbalayo natiijada doorashada ama uu dacwad ka furto Maxkamadda Sare.

XUQUUQDA DOORASHO EE DHINACYADA:-

Dhinacyada xeerkan hab-dhaqan wada saxeexay waa inay ogyihiin xuquuqdooda doorasho ee la xidhiidha:

Dhiibashada ra’yiga siyaasadeed ee waafaqsan shuruucda Dalka;

Ka doodista siyaasadda iyo barnaamijyada xisbiga;

Faafinta suugaan aan cid kale lagu weerarayn;

Daabacaadda, qaybinta qoraalo war-galineed iyo xayaysiin aan cidna lagu weerarayn ama aan aflagaado ahayn;

Dhejinta boodhadh, hal-ku-dhegyo iwm;Abaabulidda iyo qaadista ololayaal doorasho oo xor ah si waafaqsan xeerarka, shuruucda iyo heshiisyada;
In laga caawiyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbi kasta oo qaran wax-ka-qabashada xad-gudubyada soo baxa xilliga doorashada.

Maamulka Ololaha Doorashada:-

Xisbi kastaa wuxuu ballan qaaday:-
Inuu maamuuso, qaddariyo, ixtiraamana xuquuqda iyo xoriyadda xisbiyada kale inay ololeeyaan iyo inay faafiyaan aragtidooda siyaasadeed iyo mabaadi’dooda si aan gabbasho ku jirin;


inuu dhawro xuquuqda iyo xorriyadda xisbiyada kale inay si sharciga waafaqsan u taagaan, dhejiyaan hal-ku-dhegyo, boodhadh, calaamadaha xisbiyadooda iwm;


Inuu muujiyo hab-dhaqan tixgelinaya xuquuqda xisbiyada, xuquuqda cod-bixiyayaasha iyo bulshada inteeda kale;
Inuu xaq-dhawro dhammaan xuquuqda saxaafadda, Gudigga Illaalinta habsami-u-socodka Doorashooyinka iyo goob-joogayaasha doorashada (Observers);


Inuu ku dhaqmo jadwalka saami-qaybsiga maalmaha ololaha doorashada;
Inaanu olole gelin maalinta ama wakhtiga loo qoondeeyay xisbiyada kale.

Waxyaabaha ka Reebban Xisbiyada Wakhtiga Doorashada-

Xisbi kasta waxaa ka reeban:


Inuu ku kaco hawlo wiiqi kara ama waxyeelo u gaysan kara nabadgelyada iyo deggenaanshaha dalka ka-hor doorashadda, doorashada dhexdeeda, ama doorashada ka dib;


Inuu adeegsado hadallo aflagaado ah ama meel ka dhac ah oo sababi kara rabshado gacan-ka-hadal ah wakhtiga doorashadu socoto;
Inuu baqo-geliyo murashixiinta, wakiillada xisbiyada, xubnaha ama taageerayaasha xisbiyada kale;


Inuu arbusho ama khalkhal geliyo ololaha xisbi kale;
Inuu iska hortaago qaybinta qoraalada, ama muujinta hal-ku-dhegyo uu leeyahay xisbi kale;


Inuu jeexjeexo, baab’iyo ama ku kaco fal kale oo wax u dhimaya gudbinta farriinta ay xambaarsan yihiin qoraalada, calaamadaha, calammada iyo boodhadhka xisbi kale;
 

Inuu iska hortaago xisbi kale inuu sameeyo bannaanbax, kulammo, socod, ama dhoolla-tus olole doorasho;
Inuu iska hortaago xisbi kale inuu dadweynaha la xidhiidho;
Inuu u diido qof inuu ka qayb galo bannaanbax xisbi kale;
Inuu u oggolaado taageerayaasha xisbigiisa inay ku kacaan wax kasta oo xeerkani reebay.


Inuu u qaato, isticmaalo, ama oggolaado hub nooc kasta ha ahaadee goobaha kulammada siyaasadeed, bannaan-baxyada ama isu-soo-baxa fagaarayaasha dadweynuhu ku kulmo dhexdooda;
Inuu sameeyo olole ama bannaan-baxyo siyaasadeed xilli aan ugu xusnayn jadwalka saami-qaybsiga ololaha doorashada.




Hab socodka Doorashada:-
 

Xisbi kasta waxaa ku waajib ah:-
Inuu wada shaqayn la yeesho saraakiisha doorashada si loo xaqiijiyo codbixin u dhacda si nabadgalyo iyo habsami ah kuna dhammaata xornimo codbixiyayaashu u gutaan xuquuqdooda carqalad la’aan iyo cabsi la’aan;
Inuu qaato tilmaan kasta oo sharci ah una hoggaansamo awaamiirta komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Inuu la sameeyo xidhiidh wanaagsan oo joogto ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyada kale;
Inuu ka qayb qaato sugidda nabadgalyada iyo badbaadada saraakiisha doorashada ka-hor doorashada, doorashada dhexdeeda iyo ka-dib codbixintaba;
Inaanu si sharci darro ah u faragalin shaqada saraakiisha doorashada;
Inuu qaddariyo lana shaqeeyo goob joogayaasha (observers) iyo Guddida Illaalinta habsami-u-socodka Doorashooyinka.

Inuu dhawro qarsoonaanshaha codbixinta;
In aanu xoog ku qabsan ama aanu u adeegsan qaabab sharci darro ah goob codbixineed si uu uga helo codad sharci darro ah ama uu iska hortaago xisbi kale codad uu sharci ku heli lahaa.

QAYBTA LABAAD

MAALIYADDA GUUD/HANTIDA/WARBAAHINTA DAWLADDA

Xeer Lr. 20-2/2005 wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xilsaarayaa in uu hubiyo in xisbiyada qaranku si siman u isticmaalaan warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha khayriyadaha. Qodobku waxa kale oo uu xusayaa inaan xisbina hantida ummadda u adeegsan karin ujeedooyin u gaar ah. Qodobku wuxuu KDQ awood u siinayaa inuu siiyo ganaax maamul ahaaneed cid kasta oo ku kacda fal liddi ku ah habsami-u-socodka doorashada ama xeerka iyo nidaamka doorashada.
Si uu xilkiisaa u gutto, Komishanku wuxuu diyaarinayaa hawlahan farsamo ee hoos ku qoran si uu u xaqiijiyo u-hoggaansanaanta xeerka iyo nidaamka doorashada

1. Adeegsiga Warbaahinta Dawladda
A. Barnaamijyada Raadhiyaw Hargeysa Iyo Telefishanka Qaranka
Qaabka Fulinta:


Heerka Koowaad: La-socodka xilliga ololaha
Heerka Labaad: Wakhti-u-qoondaynta Xisbiyada Xilliga Ololaha
Heerka Koowaad: La-socodka maalinlaha ah ee barnaamijyada afSoomaaliga ah ee ka baxaya Raadhiyaw Hargeysa iyo TV-ga Qaranka

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu la soconayaa, isla markaana ilaalinayaa barnaamijyada maalinlaha ah ee af Soomaaliga ah ee ka baxaya Raadhiyaw Hargeysa ee la xidhiidha ololaha doorashada. La-socosho taas oo kale ah ayaa lagu samaynayaa TV-ga Qaranka.

Heerka labaad: Uga-qoondaynta wakhti is-leeg Raadhiyaw Hargeysa iyo TV-ga Qaranka saddexda xisbi siyaasadeed

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, isagoo la tashanaya Wasaaradda Warfaafinta, kana duulaya qodobka u-sinnaanshaha wakhtiga hawo-ku-jiridda, ayuu wakhti is-leeg u qoondaynayaa saddexda xisbi siyaasadeed. Shaxda qeexaysa u-qaybinta saddexda xisbi wakhtiga hawo-ku-jiridda, waxa loo aqoonsanayaa inuu lifaaq u yahay xeerkan hab-dhaqan.


B .Wargeysyada Maandeeq iyo “Horn Tribune”
Komishanka Doorashooyinka Qaranku, wuxuu labadan ku-tala-gal ee hoos ku qoran ka yeelanayaa wargeysyada Maandeeq iyo “Horn Tribune”:

1. La-socoshada maalinlaha ah ee qoraallada ku soo baxa Wargeysyada Maandeeq iyo “Horn Tribune”

2. Uga-qoondaynta saddexda xisbi siyaasadeed bogagga wargeysyada Maandeeq iyo “Horn Tribune” bed (space) is-le’eg.

Faahfaahinta ku-tala-galkan waxa goynaya xisbiyada, KDQ iyo Wasiirka Warfaafinta, waxaana loo aqoonsanayaa inuu lifaaq u yahay xeerkan hab-dhaqan

C. Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay


Warbaahinta gaarka loo leeyahay waa inay si siman u soo gudbisaa afkaarta xisbiyada siyasadeed ee diyaarka u ah inay ka iibsadaan warbaahinta gaarka loo leeyahay bed (space) ay ku soo qoraan afkaartooda. Waa inaan xisbiyada lagu kala faquuqin arrintan. Qodobkan waa in lagu daraa Xeerka Hab-Dhaqanka Warbaahinta Madaxa Bannaan, buugga tilmaan-bixiyaha warbaahintuna (the Media Guide) waa inuu si cad u xuso baahida loo qabo in warbaahintu si isu-dheelli-tiran oo wax-ku-ool ah u soo tebiso wararka.

Noocyada Warbaahinta midkoodna ma diidi karo inuu daabaco ama baahiyo aragti xisbi, haddii xisbigaasi bixinayo kharashka caadiga ah ee bedka (space) wargeys ama wakhtiga baahineed. Haddii nooc warbaahineed uu ku kaco falkaa reebban, xisbiga ay khusaysaa waa inuu cabasho u gudbiyo Guddida Illaalinta hab-sami-u-socodka Doorashada, guddidaas oo ka qaadaysa arrintaas tallaabo kasta oo sharciyeed oo ku habboon ama siyaasadeed oo lagama maarmaan ah si loo suurto-geliyo in warbaahintu gudato mas’uuliyadda ay u hayso ummadda.

2 .Hantida iyo Maaliyadda Guud


Xeerka 20/2/2005 wuxuu mamnuucayaa in xisbi u isticmaalo ujeeddadiisa gaarka ah hantida guud. Qodobku waxa kale oo uu xusayaa inaan xisbina si toos ah iyo si dadban toona u isticmaali karin hanti shisheeye leeyahay, sida ururradda samafalka ee debedda iyo hay’adaha Qarammada Midoobey.

Waxa Intaa dheer, 64aad wuxuu awood u siinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inuu samayn karo ganaax maamul ahaaneed.
Si loo dhaqan-geliyo qodobbadan, Komishanka Doorashooyinka Qaranku:

Wuxuu hubinayaa in saddexda xisbi siyaasadeed u siman yihiin maaliyadda guud, warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha dadweynuhu isugu soo baxaan.


Wuxuu xaqiijinayaa in, xilliga doorashada, aan wasiirrada xukuumaddu u adeegsan gaadiidka dawladda u ololaynta xisbiga ay ka tirsan yihiin.
Waa inuu maskaxda ku hayo inaan shaqaalaha dawladda loo oggolayn, sida uu qeexayo Xeerka Shaqaalaha Dawladdu, inay si muuqata ugu ololeeyaan xisbi. U-ololaynta uu qof shaqaale ahi u ololeeyo xisbi waxay xad-gudub halis ah ku tahay maamulka nidaamka doorashada, Komishanka Doorashooyinka Qarankuna wuxuu kaga soo oogayaa qofkaas tallaabada anshax-marineed ee habboon.


Si loo horumariyo is-aaminaadda iyo kalsoonida xisbiyadu isku qabaan, isla markaana loo abuuro jawi habboon oo doorashadu si hab-sami ah ugu qabsoonto,


Waxa lagama maarmaan ah in xukuumaddu ka joogsato fal kasta oo loo fasiri karo ku-takri-fal awoodeed. Sidoo kale, waxa lagama maarmaan ah in xisbiyada siyaasadeed ay iska ilaaliyaan fal kasta oo loo fasiri karo inuu halis ku yahay nabadgelyada iyo xasilloonida.
Si uu Komishanka Doorashooyinku awood ugu yeesho inuu si fiican ugu gutto waajibaadkiisa, waa in arrimahan la helo:

Wareegto Madaxweyne oo amraysa saraakiisha xukuumadda inay wada-shaqayn buuxda la yeeshaan KDQ, iyo hay’ad kasta oo uu KDQ u sameeyo si ay gacan uga siiso gudashada waajibaadkeeda qaran.
Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah u mamnuucaysa u-adeegsiga gaadiidka dawladda olole siyaasadeed iyo in lagu dhejiyo astaan xisbi, hal-ku-dheg xisbi iwm. Xafiisyada, kaamboollada iyo gaadiidka dawladda.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka mas’uul ah inuu ka keeno Madaxweynaha wareegtooyinka kor ku xusan.

QAYBTA SADDEXAAD


Xaalado Gaar ah


1. Laba Xisbi oo Kaalinta Koowaad ku Wada-Gala Tiro Is-le’eg oo Codad ah


Xaaladda dhicitaankeedu adag yahay laakiin suurto-galka ah ee ah in labada xisbi ee ugu codadka badani ay helaan tiro codad ah oo is-le’eg, waxa lagu maaraynayaa sidan hoos ku qoran:
Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu eegayaa oo xallilayaa dhammaan xaaladaha codadka lagu muransan yahay, iyo cabashada xisbi ka soo gudbistey codad wax-kama-jiraan laga dhigay. Waxaanu dib u hubinayaa waraaqaha xumaaday ee loola jeedey in labada xisbi ee barbarraha noqday midkood loogu codeeyo si uu u eego in waraaqo ansax ah si aan ku-talo-gal ahayn wax-kama-jiraan looga dhigay, taas oo loola jeedo in lagu sugo xisbiga guuleystey.


Haddii tallaabadaa hore ay xallili weydo barbar-dhacii, Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu amrayaa in sida ugu dhakhsaha badan ee suurto-galka ah lagu galo doorasho cusub oo ay ku tartamaan labadii xisbi ee barbarraha noqday.

2. Xeerarka la Xidhiidha Isu-Soo-Baxyada

Qodobka 29aad ee Xeer Lr. 20/2001 wuxuu duqa magaalo siinaya xaqa uu ku mamnuuci karo bannaan-bax, haddii uu ku qanco inuu wax-yeellaynayo caafimaadka iyo xasilloonida guud. Si kastaba ha ahaatee, haddii tallabada duqu noqoto mid aan macquul ahayn, qodobku ma caddaynayo habka cabashada loo gudbisanayo. Si loo daboolo gol-dalooladaa xeerka doorashada, saddexda xisbi waxay ku heshiiyeen sidan soo socota:
In Komishanka Doorashooyinka Qaranku diyaariyo soona saaro, ka dib markuu la tashado xisbiyada siyaasadeed, shaxda isu-soo-baxyada iyo dhoollo-tusyada qorshaysan ee saddexda xisbi ee muddada ololaha doorashada, oo xisbiyada loogu qoondeeyey tiro maalmo ah oo is-leeg.

Duqa magaalo, haddii ay la noqoto inuu xisbi ka joojiyo isu-soo-bax ama dhoollo-tus ugu muujisnaa shaxda bannaan-baxyada iyo Dhoollo-tusyada ee KDQ soo saaray, wuxuu codsi uu sidaa ku dalbanayo oo sababaysan u qorayaa Komishanka Doorashooyinka ee Degmada. Haddii uu Komishanka Doorashooyinka ee Degmadu ku qanco sababaha uu duqu joojinta isu-soo-baxa ama dhoollo-tuska u codsaday, wuxuu joojinta isu-soo-baxaas ama dhoollo-tuskaas iyo maalinta kale ee loogu beddeley ku war-gelinayaa xisbiga ama xisbiyada ay arrintu khuseyneysey.



3. Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka ee maalinta Doorashada

Iyadoo la raacayo sida uu jideynayo qodobka 27aad ee 20/2/2005, waxa la mamnuucay dhaqdhaqaaqa baabuur kasta oo dadweyne, dawladeed ama gaar ahaaneed maalinta doorashada laga bilaabo 06:00 subaxnimo ilaa 08:00 fiidnimo.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ah hay’adda keliya ee awood u leh bixinta oggolaansho dhaqdhaqaaq baabuur maalinta cod-bixinta, si loo meel-mariyo adeegyada guud ee aasaasiga ah iyo habsami-u-socodka doorashada; KDQ gaadiidka adeegyadaas guud iyo habsami-u-socodka doorashada lagu fulinayo wuxuu siinayaa warqad xabag leh (sticker) oo muujinaysa oggolaanshaha KDQ ee dhaqdhaqaaqa baabuurka ee maalintaas cod-bixinta.


Baabuur kasta oo aan maalinta codbixinta sidan oggollansho dhaqdhaqaaq oo KDQ bixiyey, waxa qabanaya ciidanka boliiska waxaana la sii deynayaa ka dib 08:00 fiidnimo ee isla maalintaas.

4. Wakiillada Xisbiyada
Qodobka 29.5 ee Xeerka 20/2/2005 wuxuu qeexayaa in KDQ uu wakiillada xisbiyada u tababaro waajibaadkooda, isla markaana uu u oggolaado xisbiyada inay u kala beddeshaan wakiillada siday doonaan; halkaa waxa lagala soo bixi karaa in wakiil tababaran oo keli ahi uu noqon karo muraaqib goob cod-bixineed, degmo ama gobol doorasho.

Xisbiyadu waxay ku heshiiyeen sidan:
Haddii ay baahi timaaddo, xisbiyadu way beddelan karaan wakiiladooda xisbi, laakiin waa in kuwa lagu soo beddelayaa noqdaan uun wakiilladii kaydka ahaa ee KDQ tababaray. Waajibaadka wakiilka xisbi waxa lagu sheegi doona tilmamaha uu KDQ bixiyo; dhinacyada kale ee kaalintooda shaqo oo dhan waxa loo raacayaa qodobka 32aad ee Xeerka Doorashada Goleyaasha Degaanka iyo Madaxtooyada.

5. Cod-dhiibashada
Qodobka 47.3 ee Xeer Lr. 20/2001 aad buu u cad yahay una kooban yahay, marka la eego halka uu cod-bixiyuhu ka calaamadinayo warqadda cod-bixinta. Marka lagu xisaabtamo xaqiiqda ah in tiro badan boqolkiiba oo ah dadweynaha Somaliland aanay wax akhriyi Karin waxna qori karin, suurto-galnimada ay dad aad u badani ku cod waayayaan, akhris-qoris-la’aantaa sarraysa darteed, meesha lagama saari karo. Si looga badbaado xaaladdaas xisbiyadu waxay ku heshiiyeen sida hoos ku cad oo waafaqsan hab-dhaqankii lagu soo maamulay doorashooyinkii hore:

Cod-bixiyaha waxa loo oggol yahay in uu calaamadiyo meel kasta oo ka mid ah qaybta warqadda cod-bixinta ee loo gaar yeelay xisbiga uu codkiisa siinayo.
Calaamad kasta oo uu cod-bixiye ku qoro warqadda cod-bixinta, sida dhibic, isku-tallaab, xarriijin, sumad, calaamadda saxnimada, waa la aqbalyaa, ilaa inta ay calaamaddu si bayaan ah ugu jirto qaybta warqadda ee xisbi u gaar ah.

Haddii calaamadintu ay cod-bixiye si weyn ugala gudubto qaybta warqadda ee xisbi u gaar ah codkaa waxa lagu tirinayaa wax-kama-jiraan. Si kastaba ha ahaatee, codka waxa loo tirinayaa mid sax ah oo la qaato, haddii ay muuqato in ku-tala-galka cod-bixiyuhu ahaa in uu xisbi gaar ah codka siiyo oo, tusaale ahaan, ay calaamadda inteeda badani ku gudo-jirto qayb warqadda cod-bixinta ah oo xisbi u gaar ah, in yar se ay ku dacal-dhawday qaybta warqadda ee xisbi kale.

6. Diidmada Wakiil Xisbi diido in uu saxeexo Natiijada
Qodobka 52.2 ee Xeerka Doorashada Goleyaasha Degaanka iyo Madaxtooyadu wuxuu waajibinayaa in dhammaan wakiillada xisbiyadu ay saxeexaan dhammaan baqshadaha lagu riday agabka doorashada tirinta codadka ka dib. Arrintani waxay hore u abuurtay Is-maan-dhaaf iyo in natiijooyin goobeed laga dhigo wax-kama-jiraan. Si kastaba ha ahaaatee, weli waxa jira suurto-galnimada in wakiil xisbi ama laba joogey xafiis doorasho ay si badheedh ah u diidaan saxeexidda, ama ay dhuuntaan intaan la gaadhin saxeexidda natiijada goobta.

Si loo daweeyo arrintaa xisbiyadu waxay ku heshiiyeen sidan soo socota:
Si looga badbaado luminta codadka ay muwaadiniintu dhiibteen, waxa ku filan saxeexidda laba wakiil xisbi iyo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-Xigeenka Xafiiska Doorashada. Si kastaba ha ahaate, sababaha dhacdadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.


Wakiilka xisbi ee ay la noqoto inaanu saxeexin baqshaddaa waa inuu sababta uu u saxeexi waayey qoraal ku caddeeyo laguna rido baqshaddaas. Wakiilka xisbi ee saxeexi waaya baqshadda ama sababta uu u saxeexi waayey oo qoraal ah raacin waaya baqshaddaas, waxa KDQ u gudbinayaa hay’adaha sharci-fulinta si loogu oogo xil-gudasho-la’aan.

7. Nidaamka iyo Hab-Dhaqanka loo Raacayo Soo-Saaridda Liiska Cod-bixiyeyaasha ee Elektronigga ah ee Kama-Dambaysta ah
Nidaamka liiska cob-bixiyeyaasha lagaga sifaynayo laba-jeer-is-diiwaan-geliyeyaashu wuxuu ka kooban yahay tallaabooyinka hoos ku qoran:
“Server”-ku (mashiinka kala-shaandhaynta xogta diiwaan-gelintu) wuxuu dhammaan is-diiwaan-geliyeyaasha aan lahayn xogta isu-eegidda (sida raad-fareed ama sawir weji) gooni uga soocayaa kuwa leh ugu yaraan hal xog-isu-eegideed (raad-fareed ama sawir weji); dhammaan is-diiwaan-geliyeyaasha aan lahayn ugu yaraan labada xog midkood waxa loo aqoonsanayaa wax-kama-jiran, sida uu jideynayo Qodobka 8aad ee Xeerka Diiwaan-gelintu.
Intaan “Server”-ku bilaabin isu-eegidda is-diiwaan-geliyeyaasha leh xog isu-eegideed, Guddida Farsamo ee Diiwaan-gelinta (Qodobka 36aad ee Xeerka Diiwaan-gelinta) waxay falanqaynaysaa oo ay si isu-tanaasul leh isula qaadanaysaa baaraamitirrada (parameters) lagu kala soocayo is-diiwaan-gelinta saxda ah iyo ta laba-jeer-qorka ah, iyadoo lagu salaynayo soo-jeedinta uu soo gudbiyey farsamo-yaqaanka ku hawllan “server”-ku. Go’aan qoraal ah oo xubnaha Guddida Farsamo saxeexeen oo koobaya baaraamitirrada iyo tilmaamahooda ayaa loo gudbin doonaa KDQ si ay ugu ansixiyaan si kama-dambays ah. Isla marka KDQ ansixiyo, baaraamitirrada waxa loo aqoonsanayaa qayb ka mid ah Xeerkan Hab-Dhaqan.
Farsamo-yaqaannadu waxay dabadeed ku tallaabsanayaan inay “server”-ka geliyaan baaraamitirrada si uu isugu eego dhammaan is-diiwaan-geliyeyaasha leh xog isu-eegideed. Waxay soo saarayaan liiska cod-bixiyeyaasha ee ku-meel-gaadhka ah oo u Habaysan gobol, degmo iyo goob una qaybsan liis ka kooban is-diiwaan-geliyeyaasha saxan (valid registerants) iyo mid ka kooban is-diiwaan-geliyeyaasha aan saxnayn (non valid registerants) oo Lifaaq u noqonaya ka saxan; lifaaqan waxa loo qaybinayaa xisbiyada siyaasadeed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo KDQ.


Si loo hubiyo in baaraamitirradii ay ansixiyeen daneeyeyaashu si habboon loogu adeegsadey kala soocidda is-diiwaan-geliyeyaasha saxan iyo kuwa aan saxnayn, koox farsamo oo uu madax u yahay qof ka socda hay’ad caalami ah oo khibrad u leh arrimahaas, ay kana mid yihiin saddex xubnood oo wakiillo ka kala ah xisbiyada siyaasadeed, ayaa qiimayn ku samayn doonta dhinacyada farsamo ee la xidhiidha soo saarista “server”-ka ee liiska cod-bixiyeyaasha.

Qiimayntu waxay ahmiyad siinaysaa:


Hubinta in baroograamka loo sameeyey soo saarista liisku uu farsamo ahaan yahay mid hagaagsan kuna filan hawsha noocan ah.
Ansixinta in liiska kama-dambaysta ahi uu u taagan yahay baaraamitirradii la ansixiyey iyo inaan wax amarro ah oo jid-ka-leexin ah aan lagu samayn “server”-ka intuu ku gudo-jirey soo saarista liiska.


Kooxda Madaxa Bannaani waxay muddo aan ka badnayn 14 maalmood, oo ka bilaabma maalinta ay hawsha bilawdo, ka soo saaraysaa warbixin farsamo ahaaneed wixii ay la kulantay waxaanay u gudbinaysaa KDQ, hay’adda Interpeace, iyo Guddida Farsamo ee Diiwaan-gelinta.

Isagoo ka duulaya warbixinta farsamo ahaaneed ee Guddida Madaxa Bannaan iyo isla-oggolaanshaha liiska ee Guddida Farsamo ee Diiwaan-gelinta, ayuu KDQ ansixinayaa liiska kama-dambaysta ah ee cod-bixiyeyaasha.
8. Cabashooyinka


Haddii ay muwaadin ugu muuqato in sifo aan caddaalad ahayn loogu diiday inuu codeeyo, waxa la siinayaa foomka lagu aasaasay qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaan-gelinta oo maalinta cod-bixinta laga heli doono dhammaan goobaha cod-bixinta. Is-diiwaan-geliyaha la iska hortaagey codayntu wuxuu cabashadiisa ku qori karaa foomkaas, waxaanu muddo u dhexaysa saddex ilaa toban maalmood ka dib maalinta cod-bixinta ku xarayn karaa Xafiiska Doorasho ee Degmada ee goobtaasi ka tirsan tahay.

QAYBTA AFRAAD

Guddida Ilaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinka
Gogol-dhig


Aasaasidda Guddida Ilaaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinku waxay:
salka ku haysaa go’aammada Khilaafaadkii Siyaasadeed ee ay Guddidii Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ee dalku soo saartay 29kii Abril, 2009;


Jawaab togan u tahay shuruudihii ay deeq-bixiyeyaashu ku xidheen wax-la-qabashada Somaliland ee dhinaca geeddi-socodka doorashooyinka ee ku caddayd warqaddii uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Guddida loo yaqaan “Democratization Programme Steering Committee” (isagoo ka wakiil ah deeq-bixiyeyaasha), ee ku taariikhaysnayd 27kii May 2009.
Ujeeddada Loo Aasaasay Guddida


Guddida Illaalinta Habsami-u-Socodka Doorashooyinku waxa loo aasaasay kor-u-qaadista suurto-galnimada ay doorasho xor iyo xalaal ahi xilligeedii dalka kaga qabsoonto, iyo in ay doorashadaasi ku qabsoonto kuna gebagebawdo turxaan la’aan, si waafaqsan sharciyada.


Xilka Guddida


Guddidu waxay u xilsaaran tahay:
Ilaalinta habsami-ugu-dhaqanka xeerarka doorashada iyo heshiiska hab-Dhaqanka xisbiyada Siyaasadeed.
Xallinta khilaafaadka iyo murannada ka dhex dhasha laba dhinac ama ka badan oo ka mid ah dhinacyada ku xusan faqrada “a” ee sare,
Soo-saarista warbixino ku saabsan sida dhinacyadu ugu dhaqmayaan/dhaqmeen xeerarka doorasho iyo Xeerka Hab-Dhaqan ugu yaraan laba jeer doorashada ka hor iyo tu saddexaad oo ay ku soo saarayso hal todobaad gudihii ka dib markay Maxkamadda Sare si rasmi ah ugu dhawaaqdo natiijada doorashada.




Awoodda Guddida


Guddidu waxay awood u leedahay:
xallinta khilaaf kasta oo ka dhex-dhasha dhinacyada Xeerkan Hab-Dhaqan kala saxeexday;


Hubinta meel-marinta Xeerka hab-Dhaqan ee Xisbiyada Siyaasadeed;
Ka qaadista tallaabo anshax-marineed oo xeerka Hab-dhaqan waafaqsan xad-gudub kasta oo Guddida ama wakiilladeedu ogaadeen dhicitaankiisa.
Tallaabada anshax-marineed ee ay Guddidu soo saartaa ama qaaddaa wuxuu noqonayaa mid qaadashadiisu waajib ku tahay dhinacyada uu khuseeyo, si waafaqsan xeerarka doorashooyinka iyo Xeerka habdhaqan.
Tirada Xubnaha Guddida iyo Qaabka Soo-Xulisteeda
Guddidu waxay ka kooban tahay Shan aqoonyahan oo reer Somaliland ah iyo hal aqoon-yahan oo deeq-bixiyeyaashu ka soo xulaan hay’adaha caalamiga ah ee ku takhasusay arrimaha doorashooyinka, wuxuuna goobjooge (observer) uga yahay habsami u socodka doorashada.
 

Guddidu waxay iska dhexdooranayaan Guddoomiye.


Deeq-bixiyeyaasha waxay soo xulayaan aqoonyahanka caalamiga ah isla marka Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku wargeliyo in xisbiyadu ku heshiiyeen hawlgelinta Guddida.


Xeeldheeraha caalamiga ah waxa xilkiisu noqon doonaa la talin iyo habsami socodsiin hawlaha guddida isagoo ka qayb galayaa shirarkooda balse aan cod ku lahayn.


Shanta xubnood ee reer Somaliland waxa soo xulayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyadoo la soo hordhigyo axsaabta qaranka si ay u ansixiyaan.


Guddidu waxay lixda gobol-doorasho ee dalka ku yeelanaysaa min laba wakiil oo KDQ uu ku soo xulo isla shuruudaha xubinta Guddida lagu soo xulayo, saddexda xisbina ay oggolaadaan, oo Guddidu u egmanayso in ay waajibaadka Guddida ka fuliyaan gobollada.



Shuruudaha lagu soo Xulayo Xubinta Guddida
Marka laga reebo shuruudda la xidhiidha jinsiyadaha ay kala yeelanayaan xubnaha Guddidu, ee kor ku xusan, xubinta Guddida ahi waa in ay buuxiso shuruudahan hoos ku qoran:


In ay yahay qof sumacad wanaagsan ku leh bulshada.
Qof leh Go’aan qaadasho, karti, aqoon iyo waayo-aragnimo uu gudan karto mas’uuliyadda culus ee la saaray,
Ku sifoobay dhexdhexaadnimo siyaasadeed.
Tallaabooyinka ay Guddidu ka Qaadi karto Cidda ku Xad-Gudubta Xeerkan Hab-Dhaqan


Dhinaca ka mid ah dhinacyada ay Guddidu ku leedahay ilaalinta, ee ku xad-gudba arrin ay hab-dhaqankeeda caddeeyeen xeerarka doorasho ama Xeerka Hab-Dhaqan, waxay Guddidu ku anshax-marinaysaa:
Digniin caadi ah;


Ka-joojin xisbiga ama musharraxa/musharraxiinta, muddo cayiman ama si joogto ah, adeegsiga warbaahinta dawladda iyo tan madaxbannaanba.
ka-joojin xisbiga, muddo cayiman, in uu sameeyo kulammo dadweyne, bannaan-bax ama dhoollo-tus siyaasadeed;


Gaddiidka aan haysan ruqsada dhaqdhaqaaq ee KDQ oo ay u cadaato Guddida inuu ku jiro olole aan waafaqsaneyn heshiis hab-dhaqanka, waxay u gudbin doonaan si ay Ciidanka amingu u xayiraaan socodkiisa.
Gaadiidka Dawladda looma isticmaali karo ololaha doorashada iyo maalinta Doorashada kii lagu qabto guddidu way ka dhigaysaa.
qaadista tallaabadii kale ee anshax-marineed ee ugu muuqda in ay ku habboon tahay;
u-gudbinta hay’adaha sharci-fulinta warka iyo macluumaadka cid kasta oo hawsha, ay Guddidu ilaalinteeda u xil-saaran tahay, ka gasha qadaf gaadhsiisan dembi ciqaabeed (oo ay Guddidu hesho warkiisa) iyo la-socodka tallaabada ay hay’adaha sharci-fulintu ka qaadaan arrintaas;
Wasiirka, ama sarkaalka kale ee dawladeed ee ku xad-gudba xeerarka doorashada ama Xeerka Hab-Dhaqan, tallaabada anshax-marineed ee ay Guddida ugu muuqato in laga qaado oo qoraal ah waxay u gudbinaysaa KDQ; waxaanay la soconaysaa inuu KDQ tallaabadii ku habboonayd uu ka qaaday iyo in kale;
Mas’uulka ama hawlwadeenka xisbi ee ku xad-gudba xeerarka doorashada ama Xeerkan Hab-Dhaqan, tallaabada anshax-marineed ee ay Guddida ugu muuqato in laga qaado oo qoraal ah waxay u gudbinaysaa KDQ; waxaanay la soconaysaa inuu KDQ tallaabadii ku habboonayd uu ka qaaday iyo in kale;
Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta xad-gudub kasta oo ay cidi kula kacdo xeerarka doorashada iyo Xeerkan Hab-Dhaqanka iyo tallaabada ay ka qaadayba, iyadoo weliba Guddidu ay dib ka baahin doonta sida looga waantoobay xad-gudubyadii ay tallaabada anshax-marineed ka qaaday
8. Muddada Xilka ee Guddida

Guddidu waxay hawsheeda bilaabaysaa isla marka ay dhammaystiranto magacaabisteedu, waxaanay ku egtahay marka ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada.

9. Wadashaqeynta KDQ iyo Guddida

Guddida Illaalinta habsami-u-socodka Doorashooyinku wey u madaxbaanaaneysaa hawlahooda shaqo, iyagoo marwalba latashi la yeelnaya KDQ.
Wixii tallabo anshax marineed ah ee Guddidu go’aamiso waxay u gudbineynsaa KDQ si loo fuliyo.

QAYBTA SHANAAD

1. Tallaabooyinka laga qaadayo cidda jebisa xeerkan

Xisbiga ka qayb qaadanaya doorashada ama hawl-wadeen xisbi, xubin xisbi, taageere xisbi iyo murashax doorasho ee ku xadgudba xeerkan, Komishanka Doorashadu wuxuu ka qaadanayaa go’aamo anshaxmarineed sida:
Digniin caadiya;
In laga joojiyo xisbiga wakhti cayiman ama si joogto ah adeegsiga warbaahinta Dawladda;
In xisbigaasi laga joojiyo wakhti cayiman inuu sameeyo kulamo dadweyne, banaan-baxyo ama inuu tago gobol doorasho si uu uga soo ololeeyo ama uga taago boodhadh, halku-dhagyo ama calaamadda xisbiga;

Haddii qadafyada dhacay ay noqdaan kuwo ka culus awoodda Komishanka Doorashooyinka Qaranka ama xad-gudubyada dhacay ay yihiin kuwo dambi ciqaabeed ka dhalan karo, waxaa Komishanka Doorashooyinku u gudbinayaa Hay’addaha ay khusayso arrintaasi;
Wixii khilaaf ah ama farsamo ah ee xallintoooda laga waayo Dastuurka Qaranka, Xeerarka Doorashooyinka iyo Heerka hab-dhaqanka xisbiyada waxa xal ka gaadhaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka.



Ku Dhaqanka iyo wax ka beddelka Xeerkan:

Xeerkan hab-dhaqan nuxur ahaan wuxuu waafaqsan yahay shuruucda doorashooyinka ee dalka u yaalla sida: Dastuurka qaranka, Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka, iyo Xeerka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha;
Xeerkan hab-dhaqan waxaa lagu dabaqayaa xaaladaha aanay shuruucda dalka ee doorashada khuseeyaa wax ka jidaynin;
Xeerkan waxaa lagaga dhaqmayaa xarunta dhexe ee KDQ, xarumaha doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka iyo goobaha doorashada;
Xeerkan waxaa ku dhaqmaya fulintiisana ilaalinaya saddexda xisbi qaran iyo KDQ;
Waxa kale oo Xeerkan ku shaqaynaya Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha Hoose;
Wax ka beddelka Xeerkani wuxuu ku iman karaa marka dhincayada wada saxeexay ay ka wada tashadaan kana heshiiyaan waxa lagu darayo iyo waxa laga saarayo.


Xisbiga UCID
Mudane Aaden Mire Waqaf
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ______________________


Xisbiga Kulmiye
Mudane Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud
______________________
 

Xisbiga UDUB
Mudane Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud _______________________


Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Jaamac Maxamuud Cumar ______________________
Guddoomiye