sadexda musharax ee doorsahada 26jun 2010ka iyo heer kay noloshoodu soo martayMasuuliyiinka ku tartama doorashada somaliland

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen


1.mudane madaxwayne daahir riyaale kaahin
2.mudane gudoomiye axmed maxamuud siilaanyo
3.mudane gudoomiye faysal cali xuseen

sadex nin ayaa waxay soo mareen taariikho badan oo kala duwan
waxa nin kastaaba leeyahay aragtiyo shacabku ka qabo.
hadaan ku horeeyo madaxwaynaha somaliland

mudane daahir riyaale kaahin
Waxa daahir ku dhashay gobolka awadal , kuna soo kacaamay yaraantiisi
Madaxwayne daahir waxuu ahaa ragii la soo shaqeeyay alaa yarxamuh SIYAAD BARE IYO CALI SAMATAR oo hada maxkamadi uga socoto dalka maraykanka
asagoo loo haysto xasuuqii lagu gumaaday in kabadan 100 kun
oo u dhashay somaliland oo si arxan daro ah loo dilay.
MUDANE madaxwayne daaihr riyaale kaahin waxuu ahaa sarkaal sare
oo ka tirsan kooxdii NSSTA ee sida gaarka ah ugu xidhnaa ala ha u naxariistee
madaxwaynihii hore ee soomaliya maxamed siyaad bare
Mudane daahir riyaale kaahin waxa siyaasada somaliland soo galiyay
alaa yarxamuh madaxwaynihii hore ee s/land marxuum maxamed ibraahim cigaal
mudane daahir waqtigan si sharciya oo doorasho shacabku doortay kuma fadhiyo
balse wuxuu ku joogaa KORDHIN ay siiyeen kooxo ku dhawdhaw.
madaxwayne daahir riyaale kaahin waa markii sadexaad ee dalka doorasho
ka dhici waydo ka dib markii laba sano ka hor xilku ka dhamaaday.

MUDANE AXMED MAXAMUD SIILANYO
mudane axmed siilanyo waxa uu ku dhashay dalka somaliland
kuna kacaamay yaraantiisii.
waxa mudane axmed wax ku bartay dalka ingriiska oo ilaa imika reerkisu degan yahay
mudane gudoomiye wuxuu ahaa wasiiradii la soo shaqeeyay xukunkii marxuum maxamed siyaad bare.
Waxase mar kaliya uu ka digarogtay maamulkii shuuciyada ee xasuuqa ka waday
gobolada somaliland, waxaanu ku biiray ururkii mujaahidiinta SNM.
Mudane axmed siilaanyo wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa
ururka snm.
Mudane AXMED SIILAANYO waxa uu ahaa ninka ugu sumcada wayn uguna xushmaynta badan waqtigii halganka snm socday.
MUDANE siilaanyo xataa magaciisa ayaa dadku ku qoran jiray dharka ay sitaan
Nasiib daro mudane axmed siilaanyo mar kaliya ayuu shaadhkii sharafta dhulka
ku tuuray.
Waxa mudane halyay axmed siilaanyo majaro habaabiyay rag saraakiila
oo ayagu ciil qabyaaladeed hayay iyo inay aduunka maruun aarsadaan
1994 ayaa mar kaliya waxa laga bilaabay dagaal balaadhan magaalada hargaysa
ka dibna waxa dagaalki ku baahay burco iyo dhamaan goboloda somaliland
Dagaalkaas sokeeye ayaa WAXUU DHAAWACAY siyaasadii halyay axmed maxamuud siilaanyo[ runtiina aan qabo in axmed in badan iska qoomameeyo dagaalkaa uu faraha la galay ee sokeeye]
MUDANE axmed siilaanyo hada waa gudoomiyaha xisbiga mucaaridka
ee kulmiye waxaanu u taagan yahay doorashada dhacaysa 26june2010
waxaanan u rajaynayaa gudoomiyaha khayr iyo nasiibkiisa.

MUDANE FAYSAL CALI WARAABE
mudane Fayasal cali waraabe wuxuu ku dhashay magaalada hargaysa
kuna kacaamay yaraantiisii
Mudane faysal cali waraabe wuxuu ahaa ragii ka qayb qaatay nabadayntii
somaliland 1994 .95. ilaa 96
Waxa uu ka mid ahaa raxan odayaal iyo waxgarada oo isku baahiyay
dhamaan gobolada somaliland kuna guulaystay inay nabad waarta dhaliyaan.
mudane faysal cali xuseen wuxuu inbadan ka badbaadiyay dalka
dagaalo sokeeye oo udub iyo kulmiye si axmaqnimo ah shanta ula galeen.
Waxa hubaala in dagaaladaasi dhici lahaayeen hadaan ucid iyo gudoomiyahooda faysal cali si daacada uga hortagin dhacdooyinkaa.
SHacabgia somaliland ayaa aad ugu amaanay LEXEJECLADA mudane faysal cali
u leeyahay dadkiisa iyo dalkiisaba.
Xisbiga ucid ee uu mudane faysal cali hogaanka u hayo ayaan inta badan waxan
raadiya bal daldaloolo aan ku dhaleeceeyo .
Waxase ii suurta gali wayday inaan helo habayaraatee wax aan ku dhaleeceeyo
waxa xisbigana igu noqdya mucjiso.
Goobtaan ka eegaba waxay la soo taagan yihiin anagu waxaanu caawinaynaa
shacabka somaliland.
geestaan ka eegaba waxay ku qaylinayaan shacabka ayaanu si daacada ugu shaqaynaynaa.
waxaanse isku taxalujinayaa inaan dadaal dheeraada sameeyo oo aan
aad ugu kuur galo dhamaan asxaabta iyo afcaashooda.

wabilaahi tawfiiq

siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london