Saddexda Xisbi Qaran oo Aragtiyo Kala Fog Ka Bixiyay Laalista
Diiwaangelinta
Hargeysa (TNN) Xisbiyada qaranka Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan
ka bixiyay go’aankii golaha wakiilladu maanta ku laalay
diwaangelintii codbixiyayaasha, kuna meel mariyay in doo rashada soo
socota ee golayaasha deegaanka lagu lago diwaan gelin la’aan.
Ku simaha guddoomiyaha xisbiga UDUB ahna guddoomiye ku xigeenka
xisbigaas Mudane Axm ed Yuusuf Yaasiin oo aanu caawa wax ka
waydiinay mawqifka xisbigooda ee arrintan ku waj ahan, ayaa go’aanka
golaha wakiillada ku tilmaamay mid loo baahnaa, waxaanu yidhi
“Golaha wakiilladu way ku mahad san yihiin, laakiin waxaa looga
baahan yahay maadaama oo ay xeer kii laaleen, xeerkii bedelayay waa
in ay habeeyaan. haddii ay u codeeyeen hadda diwaan gel in ha lagu
galo, taa mid ayaa u barbar taala oo ah sidii loo xakamayn lahaa ku
noqnoqoshada waa in laga fekeraa qaab lagu xakamaynayo, sidaas
ayaanu qabnaa anagu.”
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku tilmaamay diwaangelinta
codbixiyayaasha doorashada ee golaha wakiilladu laalay in ay ahayd
wax dhintay, isla markaana loo baahan yahay in la helo diwaan gelin
xalaal ah oo ay ku tartamaan xisbiyada qaranku, xisbigooda UDUB-na
uu diyaar u yahay xataa haddii doorashada madaxtooyadu dib u
dhacayso in ay sugaan inta laga hela yo wax xalaal ah.
“Anagu waxaanu qabnaa in doorashadani ay ka culustahay
doorashooyinkii hore, haddana waa la samaynayaa diwaan gelin oo waa
kuwa goluhu yidhi doorashada wakiillada lama gela yo diwaan gelin
la’aan. Laakiin anagu waxaanu qabnaa xitaa haddii ay doorashada
madaxtoo yadu dib u dhacayso in la helo wax xalaal ah, anagu waxaanu
diidanayn uun in diwaan gelintii hore ee dhimatay la soo qaato,
tallaabadanna waan ku hambalyaynayaa golaha wakiillada, xalkii kale
ee la gaadhayana waa arrin u talaa qaranka.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf
Yaasiin, waxaanu intaa raaciyay “Xeerkan la laalay waa xeerkii No.
37, waa xeerkii diwaangelinta oo maanta (Shalay) mooshin lagu laalay,
hore ayayna u eekayd in la laalo. Haddii dib loo noqdo diwaan
gilinta waxaanu bilawnay sannadkii 2008-dii, dabadeedna waxaa dhacay
qaraxii mad axtooyada Somaliland, halkaa waxaa ka dhacay hakad, oo
bil ayaa hakad ku dhacay, taasina waxay galaafatay nimankii
khubarada ahaa ee Hindida ahaa ee hawsha waday ay dalka ka baxaan oo
aanay dib u soo noqon. Diwaangelintaasi maalintaa la unkay markii ay
soo baxday khaladaad badan ayaa lagu arkay, dabadeedna waxaa loo
yeedhay laba haayadood oo kala duwan, waxaa la ismu raacay in diwaan
gelintaasi dhimatay, Koomiishankii wakhtigaas jiray na wuu aqbalay
oo wuu la qaatay in ay dhimatay. Waa tii hay’addii Inter peace laga
saaray dalka maadaama oo ay fashilantay hawshii way wadeen.Waxaa
dhacday markaa, maamulk ayagii wakhtigaas talada hayay waxaa la
saaray cadaadis weyn Sidii Inter Peace loo soo celin lahaa, taasina
waxay keentay in Koomiishankii hore meesha ka baxo oo komishan cusub
la magacaabo. Dabadeeto anaga ka fikirayna danta umada ayaanu
ogolaanay in aanu diwa an gelintaa xaaraanta ah ku galno doorashada,
natiijadii soo baxdayna waataanu duuduub ku qaadanay. Arrintaas ayaa
soo socotay, maanta ayay timi doorashadii labaad, waanay ku mahad
sanyihiin golaha wakiilladu in ay laalaan, sababta oo ah wax dhintay
waa wax dhinta y.”
Dhinaca kale xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE mudane Xasan Siciid
Yuusuf oo aanu isaga na wax ka waydiinay mawqifka xisbigooda ayaa
gaashaanka ku dhuftay go’aankan golaha w akiillada, waxaanu sheegay
in go’aanka xisbigiisa ee arrintan ku wajahani uu yahay in dooras
hada golaha deegaanka lagu galo diwaangelintii codbixiyayaasha ee
hore loogu galay dooras hadii madaxtooyada, waxaanu yidhi “Anaga
mowqifkayagu waxa weeye ma waafaqsanin in la laalo diiwaan gelintii
codbixiyeyaasha waanan ka soo horjeednaa, in diiwaan gelin cusub la
sameeyana waanu ka soo horjeednaa. Go’aankayagu waxa weeye in
diiwaangelintii hore ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada lagu
galo doorashadan Goleyaasha deegaanka.”
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in xisbi ahaan
mowqifkooda u gudbiyee n Komishanka doorashooyinka qaranka iyo
Madaxweynahaba ka hor intii aanay Wakiiladdu ansixin go’aankoodan.
“Anagu waxaanu aaminsan nahay inaan diiwaangelintii la laalin ee
doorashada golaha deeg aanka lagu galo, diiwaan gelintii la laalay
waxay ka dhigan tahay in la lumiyay xuquuqdii cod bixiyeyaasha iyo
tartameyaashaba waxa kale oo ay wax u dhimaysaa hanaankii dimuqraa
diyada,”ayuu yidhi Md. Xasan Siciid Yuusuf.
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa
cambaareeyay go’aan ka golaha wakiilladu gaadhay, waxaanu ku
tilmaamay mid qayrul sharci ah oo aan waafaqsan ayn shuruucda dalka,
sida uu ku sheegay waraysi uu caawa siiyay Horn Cable TV.
Source: Somaliland.Org
|