Saddexda Xisbi Iyo Komishanka Doorashoyinka Oo Ka Wada Hadlay Sidii Dib Loogu Dhigi Lahaa Doorashada

 

Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka doorashooyinka Somaliiland iyo Hay'adda Lacagaha doorashooyinka la soo mariyo ee Inter Peace, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin maanta ku yeeshay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, kulkaasoo oo la sheegay in lagaga wada-hadlay suurtagalnimada wakhti loo kordhiyo muddada doorashada Madaxtooyada oo hore loogu muddooye in ay qabsoonto 29-ka Bisha March ee sannadkan 2009-ka. balse Guddiga doorashooyinku ay ku doodeen in aanay qabsoomi karin wakhtigaas, sababo dhaqaale iyo farsamo dartood.

Kulankaasoo saacado badan oo maanta ah socday ayaan wax go'aan ah laga soo saarin. Hase ahaatee, warar xogogaal ah, ayaa sheegaya in Xisbiyada kulankan loogu soo bandhigay in doorashada dib loo dhigo muddo 13 todobaad ah oo noqonaysa 91 maalmood, isla markaana, waxa la sheegay in Xubnihii Xisbiyada uga qayb-galay kulankaasi ay ku adkaysteen in ay go'aanka soo jeedintaas kala soo tashanayaan Xisbiyadooda. waxaana loo balamay in kulan kale laysugu yimaado maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo haysa.

Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka doorashooyinka Cali Biikolo, ayaa kulankaasi ka dib Saxaafadda u sheegay in shirka lagu falanqeeyay, sida ugu haboon ee laysula qaadan lahaa mudaynta doorashada Madaxtooyadda iyo waxa laga yeelayo, waxaanu intaasi ku daray in hindisahaasi shirka loo soo bandhigay, balse aanay weli laysla qaadan, oo Xisbi kastaaba arrintaa gaarkiisa uga soo tashanayo.

Guddoomiyaha Waqooyiga Maraykanka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Md. Kayse Cali Geedi, oo kulankan Xisbigiisa u matalayay, ayaa warbaahinta oo wax ka waydiisay waxyaabaha kulkaas laga hadlay iyo waxa Axsaab ahaan loo soo jeediyay, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan ka soo tashanayaan, isla markaana ay yeelayaan wixii lama dhaafaan ah ee danta Qaranku noqoto. "Waxa naloo soo jeediyay in doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo muddo 13 todobaad ah, hase ahaatee, wax imika aanu isla qaadanay ma jirto, balse waanu ka soo tashan doonaa Xisbi ahaan arrintan, waxaananu yeeli doonaa wixii lama dhaafaan ah ee danta Qaranku ku jirto." Sidaa ayuu yidhi Axmed Cali Geedi.

Xoghayaha guud ee Xisbi-Xaakimka UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa sheegay in arrinta la soo bandhigay ay taageerayaan, si ay doorashadu u qabsoonto. waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, Xoghayuhu, "Arrintan naloo soo bandhigay, haddii aanu nahay Xisbiga UDUB waanu taageeraynaa, si ay nabadgalyo ugu qabsoonto doorashada Madaxtooyada ee wakhtigeeda dib loo dhigay."

Guddoomiyaha 1-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu ka kaabsaday in aanu wax tafaasiil ah ka bixiyo waxyaabaha kulankaasoo loogu soo jeediyay. isla markaana waxa uu ku dooday in waxkasta oo loo soo jeediyay, uu kula noqon doono Xisbigiisa, si ay xaaladda cusub ee la soo gudboonaatay ay uga wada tashadaan Xisbi ahaan.

 



Hormoodnews