Saddexda Masuul ee lagu Eedeynayo Musuqmaasuqa oo Cuntadii ka Soomay iyo Xadhigooddii oo Muddo Dhaafay

 

 

Masuuliyiintan lagu eedeynayo musuqmaasuqa Raashinkii mucaawimada ahayd ee dhowaan la sheegay

Hargeysa (TNN)- saddexdii masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, ayaa shalay bilaabay cun to ka suumida ka dib markii ay sheegeen xadhigooddu yahay mid sharci daro, isla markaana x adhigooddu muddo dhaafay.


Masuuliyiintan lagu eedeynayo musuqmaasuqa Raashinkii mucaawimada ahayd ee dhowaan la sheegay in la lunsaday, oo ku xidhan jeelka weyn ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay cuntadii ka soomaayn maadaama oo kiiskooda ilaa hadda aan loo gudbin maxkamadda, isla mark aana lagu ilaaway jeelka, waxaanay sheegeen in aanay u dulqaadan Karin cadaalad darada la gu sameeyey ee maxkamad la’aanta ah.


Masuuliyiintan xidhan Axmed X. Cabdilaahi Cumar Xamarji, Agaasimihii guud ee dib u dajinta Ax med Cilmi Bare iyo La taliyihii hore ee madaxweyne kux igeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaam ac, ayaa bil ku dhowaad u xidhan xukuumadda Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyey mus uqmaasuq Raashin mucaawimo ah, haseyeeshee ilaa hadda aan loo hayn wax cadayn ah oo ka marag kacaya kiiskaasi lagu eedeeyey ilaa hadana maxkamad la hor geynin.


Sida aanu ka helayno ilo ku dhow dhow masuuliyiintan xidhan ayaa sheegay in ilaa inta ay cada alad helayaan aanay cunto cunayn, isla markaana ku xidhan yahay sharci daro. Si kastaba ha ahaatee, waxa lagu xadgubay qodob dastuuriyao o ilaalinaya muwaadinka Jamhuuriyadda Som aliland, waxaana qodobka 27 ee dastuurka, Faqradiisa 2aad dhigayaan (qofka xoriyada looga qaaday fal dambiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay inuu lagu horgeeyo max kamad 48 saacadood gudahood laga bilaabo markii la qabtay), hadaba ilaa hadda ciidamada bo olisku ilaa uma gudbin xeer ilaalinta sida ay hore u sheegeen in kiiskaasi aan loo soo gudbin, taasina waxay ka hor imanaysaa xaquuqda qofka ee uu dastuurku damaanad qaaday.


Waxaanu xeerku sheegayaa in marka muwaadinka la qabto kiiskiisa loo gudbiyo xeer ilaalinta, xeer ilaalintu ay dambigaa loo hayo ku soo oogto, haseyeeshee ilaa hadda ma dhicin waxayna xadhiga muwaadiniintaasi ka soo horjeedaan xeerarka Somaliland, kuwaas oo wakhti ka badan dhaaftay intii dastuurku u fasaxayey in dambi lagu baadho.
 

 



Timacade News desk
Hargeisa Somaliland