WAR-SAXAAFADEED
Saddexdan dambiile laba ka mid ahi waxa ay ahaayeen Nin iyo Hooyadii
oo ay ku Cadaatay in ay si badheedh ah u dileen isla markaana ku
aaseen gurigooda Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle sanadkii
2014.Waxa maanta Qisaas lagu fuliyay saddex dambiile oo dhamaystay
d hamaan Heererkii Maxkamadaha oo ay Xukumeen Maxkamadaha Madaniga ah
( Civilian Co urts) isla markaana ay Dhaxlayaashiii dhiiga lahaa
codsadeen in loo Qisaaso.
Ninka Kalena waxa uu ahaa Nin ay ku cadaatay in uu si badheedh ah u
dilay Marxuum kale, dilkuna waxa uu ka dhacay Gobolka Togdheer
sanadkii 2014.
Qisaastan in la fuliyo waxa saxeexay Madaxweynaha JSL, waxaana
Hubiyay Maxkamada S are iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka.
Waxaana goob joog ka ahaa Eheladii wax loo qisaasayay.
Dhinacakale waxa goob joog ahaa Hal Xeer-ilaaliye oo Ka socday
Xafiiska Xeer ilaainta gu ud, Xubin ka socota Wasaarada Diinta iyo
Awqaafta iyo dhakhtar ka socda Wasaarada Ca afimaadka.
Waxaana ka qayb Qaatay diyaarinta Wasaarada Cadaalada isla markaana
waxaa fuliyay Sa ddexda Ciidan Qaran ee JSL, Asluubta, Booliiska iyo
Militariga.
Dadkii la qisaasay oo faahfaahsan waxa ay kala yihiin sidan:
1- Muuna Maxamed Cabdiilahi Da’ada : 37 Sano
2- Maxamed Axmed Cabdi Da’ad : 21 Sano
3- Cabdalla Xasan Maxamed Da’ad : 30 Sano
Allah Ayaa Mahada Dhamaanteed Iskal leh
Gudoomiyahah Maxkada Sare Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka JSL
Adam Xaaji-Cali Axmed Hasssan Axmed Adan
|