Sababha
keenahay in Daahir Riyaale Cunsur iyadeeyo
haweenayda Xisbiga Kulmiye u magacaabay
inay ka mid noqoto

Beryahan danbe waxaynu maqlaynaa
iyadoo Daahir Riyaale shaqo iyo wak hti dherersi ka dhigtay
Xubinta Xisbiga Kulmiye usoo magacaabay commis onka qaranka ee
cusub, taasoo uu markii sadexaad xisbiga dib ugu soo cel iyey
oo ka codsaday in lasoo bedelo. Hadaba iyadoo xisbiga kulmiye
marka sta cadaynayey in ay haweenaydaasi shuruudihii looga baahnaa
oo dhan ay buuxisay oo aanay jirin sabab ina Riyaale usoo celiyaa
isagoo aan isagu wali soo magacaabin kuwiisii ayaa waxaa la lays
weydiin karaa waa maxay sababta uu haweenaydan u diidan yahay inay
commisionka ka mid noqoto.
1. Haweenaydu waa qof aqoon yahan ah oo karti badan sidaas darteed ,
Riyaale waxa uu ka baqayaa inay wakhti iyo effort xoog leh ku
isticmasho sidii doorasho xor iyo xalaal ahi dalka uga dhici lahayd
sida ugu dhakhsaha badan.—Taasi waxay kasoo horjeedaa oo aanay la
shaqayn karan dibin dabyada iyo cagajiidka Riyaale doonayo in
doorashadu mar labaad cakira nto oo aanay si fiican u
qabsoomin, si uu wakhtigu ugusii dheeraado
2. Riyaale haweenayda wuxuu ku cunsuriyadaynayaa dumarnimada .
Dumarku sidoodaba ka daacadsan raga marka ay noqoto dan guud oo umad
loo shaqaynayo, Marka ay karti iyo aqooni usii dheertahayna kabasii
daran, sidaa darteed Daahir Riyaale waxa uu ogsoon yahay in ay
gabadhu shaqadeeda si daacad ah oo aanay cidna u adeegayn u gudan
doonto---Taasi waxay kasoo horjeedaa musuqmaasuqa iyo fargalinta uu
Riyaale la damacsan yahay Commisionka cusub si ay isaga ugu adeegaan
3. Ta ugu danbaysaa waa mid iska caadiya oo dadka reer Somaliland oo
dhami yaqaaniin oo ah dibandaabyo iyo hagardaamaynta Riyaale caadada
ka dhigtay markasta oo heshiis la galo inaanu dhiniciisa ka fulin,
si wixii lagu heshiiyey aanay u fulin.
Yasin Jaamac Cali
London, UK
|