SAAXIIB
IYO QOF KU JECEL AYAA FARXADDA KULA WADAAGA
Waxaan mahadnaq ballaadhan iyo salaan diiran u dirayaa dhammaan ehel,
asxaab, gacal iyo xigaal inta ka soo qayb gashay arooskii Inankeyga
iyo inanteyda ee bishan ka dhacay Cardiif. Waad i sharafteen ee
ILAAHAY haydin karaameeyo. Waxaan xusayaa ehelka iyo asxaabta ka
timid magaalooyinka U.K, iyo kuwa ka soo dhoofay U.S.A, Canada,
Sweden, iyo Holland. Waxaanan iloobayn inta qaaradaha dunida fariimo
telephoon, iyo emailo xanbaarsan hambalyooyin qaali ah aniga iyo
dhallinta arooska ah u soo dirtay.
Hawsha arooska oo si wacan u dhacday mey suurtagasheen haddayna iga
caawin Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, si gaar ah dumarka oo u
dhabar adeegay culus kaga yimid laba aroos oo isku dhowaa. Waxaan
leeyahay waad ii hiiliseen, ee waan idiin hayaa abaalkiina. Waxaan
leeyhay reer Wales dhalin, waayeel, rag iyo dumarba iga guddooma
mahadnaq kal iyo laab ah.
Ma halmaami karo websiteyada Soomaliland ee mar walba igu gargaaray
baahinta farxadda iyo hanbalyooyinka. Waxaan si gooni ah ugu
mahadnaqayaa websiteyada
Longlivesomaliland.com
, Somalilandcenter.com, Somalilandpatriots.com, Gabiley.net
iyo Dhambaalnews.com oo dhammaan si heer sare ah u daabacay
hambalyooyinkii arooska iyagoo hab farshaxan casri ah ugu qurxiyey.
Waad
i qadariseen, anna iloobimaayo abaalkiina. Dhammaan waxaan idin
leeyahay mahadsanidin, waxaad tihiin hiil aan tirsan doono xili
walba.
Hanbalyo ku saabsan
sanadguurada kowaad ee
Longlivesomaliland.com
ayaan tan ku lamaanaynayaa, waxaan u rajeynayaa horumar iyo kormo
joogta ah.
Waa ka gudubteen marxaladda
ugu adag hawl bilowgeed, ee gacantiinu ma
daasho , maankiinu ma seexdo ,
jeebkiinuna ma madho.
Aamiin.
Igana guddooma salaan iyo bogaadin ku saabsan bisha Ramadaan ee
foodda noo saaran, ILAAHAY haynaga dhigo kuwa guta soonka ee laga
aqbalo. ALLE haynaga yeelo kuwa uu dhamacda naarta ka xoreeyo.
Aamiin.
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
|