" Saaxiib ( Rayaalow ) Markay 6-da April Gaadho Adoo Sidayada Subbeehi Ah Bannaanka Isa Soo Taag Oo Ka Tartan..."

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo

 

Iyadoo 15 maalmood oo keli ahi ka hadhsan yihiin 6 April oo ah maalinta ay ku eg-tahay muddo-kordhintii sannadka ahayd ee loo kordhiyay Madaxweyne Rayaale, ayaa mar kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu kor ugu dhawaaqay in mawqifkoodu yahay, in marka la gaadho 6.April.2009 ay labada Gole ee Baarlamaanku talada la wareegaan, kana arrinsadaan sidii dawlad doorashada dalka gaadhsiisa loo samayn lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye khudbad uu ka jeediyay xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday ka qalin jebisay Machadka Future, laguna furay khamiistii doraad dhismaha dugsi Sugsi sare oo Machadkaa lagu kordhiyay, waxa uu si weyn ugu cambaareeyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay inay tahay mid qayra-masuul ah oo doonaysa inay kuraasta iska sii fadhido.

“Tacliintu nooc kastaba ha ahaatee, sida farsamada casriga ah ee maanta Iskuulkani ku dhisan yahay, ta aasaasiga ah, Tacliinta Jaamacadeed ama ha noqoto wixii ka dambeeya’e, waa aasaaska nolosha, mustaqbalka dadka iyo ka shacbigaba. Waxay noloshu ku socotaa oo meel lagu gaadhaa, quruumuhuna isku dhaafaan waa Tacliinta.” Sidaas ayuu ku furay Axmed Siilaanyo hadalka uu ka jeediyay madashaa,

Waxaanuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Annagu xisbi ahaan waxaanu u taaganay in aanu mustaqbalka dadka iyo dalka dhisno. Sida maanta dhacda, in laga faa’iidaysto oo la boobo, la dhaco, Caruurta la laayo, Dhalinyarada la laayo Xoolahoodana la boobo, Adhiilaha la boobo oo ganacsatada la boobo uma taagnin. Laakiin, waxaanu u taaganahay waxyaabahaas oo dhan in aanu lidkooda samayno oo wax umadda iyo dalkaba dan u ah aanu ku dhaqaaqno kuna talaabsano ayaanu u dhisanahay, taas baanu hiyigayagu yahay iyo sidii aanu markii horeba ugu soo halgamaynay Xorriyadiisa, Madaxbanaanidiisa iyo horumarkiisa aanu ugu soo dagaalamaynay”. Ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo.

Intaa kadib Gudoomiyaha Kulmiye wuxuu dhex jibaaxay ka hadalka marxaladan taagan. “ Waxaan jecelahay in aan eray ka idhaahdo marxaladdan iyo dooddahan maanta dalka ka taagan iyo halka mawqifka Xisbiga Kulmiye ka taagan yahay.

Walaalayaal, waad ogtihiin oo waxa laga yaabaa in qaar badan oo idinka mid ahi daawadaan TV-ga Qaranka..Telefishanka Qaranka maahee TV-ga UDUB, Idaacadduna Raadyow Hargeysa maahee, waa Raadyow UDUB. waxa maalin walba laga baahiyo iyo waxa lagaga hadlana waad maqashaan oo Waxgaradka umaddaa laga caayaa. Marxaladdan maanta dalku taagan yahay aad baynu u fahamsanahay, una ognahay, laakiin been baa laga sheegaa. Waa Idaacaddii Qaranka ka dhaxaysay, waxay ahayd inay noqoto meel umadda iyo dalka wax u tarta. Laakiin, maanta waxay u dhisan yihiin, waa ninkaa umadda dhacay ee Xukunka dhacay ee dalka dhacay ee maanta Dimoqraadiyaddii hilfaha u qaaday in lagu dhiso, oo ay yidhaahdaan isaga uun baa (Madaxweyne Rayaale) jira kelidii oo wax kale oo dhacayaa ma jiraan”.

Axmed Siilaanyo wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi;

“Maanta wax kasta ha noqotee, waxaynu soo gaadhnay waqtigii doorashada, Marka wixii hore laga yimaado, marka u horaysa marka dal laga hadlayo ama keenan (Somaliland) ama ku kasta ha noqdo’e oo sheegta magaca dal Dimoqraadi ah oo ku dhisan Xorriyad iyo doorasho Distoor buu leeyahay, Distoorkaasina wuxuu caddaynayaa Madaxda la doortaa inta ay joogayso. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka layskama doorto, laakiin muddo mucayin ah, tirsan oo la ogyahay baa la doortaa. Inagu waxaynu dooranaa shan sano weeye waqtiga ay ku egtahay muddada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku, waana Sharciga Distoorka inoogu yaala.

Marka xilliga doorashada ay gaadho ee waqtigu soo dhaw yahay dadka Ajnabiga ah ee wax ina tara xilku ma saarna iyo inay doorasho inoo qabtaan, inay kharashka bixiyaan. Laakiin, arrintaa xilkeedu wuxuu saaran yahay dawladda oo umaddu Madaxweynaha ayay xilkeedii u dhiibatay oo isaga ayay waajib ku tahay marka waqtigu yimaado inuu dhaqaale u helo iyo in waqtigii doorashada la qaban lahaa uu qabto.

Saddex/afar jeer bay maraysaa in doorashada dib loo dhigo marba sababta la doono hala keeno’e, waana haloo kordhiyo, haloo kordhiyo oo haloo kordhiyo. Markaa halkaa maxaa ka muuqda? Waxa ka muuqda eray la yidhaahdo xil-gudasho la’aan. Qofkii ay masuuliyadiisa ahayd inuu doorashada qabto haddii uu qaban waayo maxaa dhacaya? Waxa dhacaya sida qof kasta oo xilkiisa ka soo bixi waaya in la yidhaahdo hebeloow ama ciddaaseey xilkaagii kamaad soo bixin oo wixii lagu samayn lahaa loo helo.

Inaga waxay noqotay marka waqtigu dhaco ee uu xilka ka soo bixi waayoba waxa la yidhaahdaa haloo kordhiyo, abaal-gud baana looga dhigaa in isaga waqti loogu daro. Bal idinkaan idin waydiinayaaye, haddii marka aad hawshaadii ka saaqidoba, haddii adiga laguu sii kordhinayo oo aad boobkii sii wadayso, dhacii sii wadayso, kii Adhiga sii wadayso oo Dhalinyarada ku tumashadeedii sii wadayso, maxaad doorasho u qabanaysaa?.

Markaa maanta ta taagan ee ina haysataa waa taas….Maanta waan hubaa inaad TV-ga Qaranka ka aragtaan, Raadyow Hargeysa ka dhegaysataan, waanan maqlaa in dooddaas la idinku dhego-barjeeyo, runtuse maxay tahay? Muddadii la doortay marka ay dhamaato Madaxweynuhu waa inuu meesha baneeyo, sababtoo ah isagu inuu doorasho qabto ayay ahayd, mana jirto wax uu u yidhaahdo Madaxweyne la doortay baa I bedelaya. Maalintii u horeysay ee Daahir Rayaale Madaxweyne noqday ma doorasho ayuu ku soo galay? Maya, doorasho kuma iman. Siduu ku yimi ma is waydiinaa?.”

Gudoomiyaha wuxuu ka sii hadlay arrintaas, waxaanuu yidhi; “ Alle haw naxariistee Madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal baa dhintay, weliba Sharcigu wuxuu ahaa inuu Sheekh Ibraahim – Alle haw naxariistee Guddoomiyaha Guurtidu inuu sii qabto ayay ahayd, laakiin taas lama odhane, waxa la yidhi ninka ku xigay aan u dhiibno….Laba/saddex qof baa afka isa saarayoo waxa la yidhi waar inta aan Madaxweynaha la aasin kan (Madaxweyne Rayaale) aan u sii dhiibno.


Markaa maadaama la murugaysnaa oo geeri la joogay waa la iska aamusay oo waa la iska xishooday oo waa la saaray. Maalintaa doorasho kuma soo gelina dhaxal buu ku soo galay, xalaal ha noqoto ama xaaraan ha noqotee. Markaa xagay ka timi Madaxweynaha waxa bedeli kara uun Madaxweyne la doortay? Waxaan leeyahay markii u horeysay ee aad Madaxweyne noqotayba laguma dooran oo si kale ayaad ku timi.

Berigii dhawayd ee waqtigu ka dhamaadayna, haddaanu xisbiyada Mucaaradka nahay sida aanu maanta isu soo taagnay baanu isu soo taagnayoo waxaanu ku nidhi ‘saaxiib waqtigii wuu kaa dhamaaday. Gadhka iyo Gomadduu na qabtay oo wuu na baryay. Sidii ninkii beenta sheegi jiray ee yidhi bahal baan arkay, waxbaa soo socda, ee yidhi miyaan awal la galgalan jirin, ee galgashay, wuxuu nagu yidhi berigaa (Rayaale), imika wixii ka dambeeya waan hagaagayaa, Walaahi Qaranku wuu inaga dhaxaynayaa oo Raadyow-ga dawladdu wuu inaga dhaxaynayaa oo dib idiin caayi maayo, kani waxaa samayn maayo oo keeri waxaas samayn maayo oo guddi inaga dhaxaysaynu samaynaynaa oo waa u sinaanaynaa, oo arday dambe aabahaa ama hooyadaa baa Kulmiye ah lagu eryi maayo.”

Guddoomiyaha Axmed Siilaanyo wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Umaddani waa mid qaxoonti badan iyo dhibaato soo martay, Anaguna waanu ognahay oo dadkii hogaaminayay baanu ahayn. Marka, mar walba waad maqashaan oo waxaanu nidhaahnaa, annagu Kulmiye ahaan maanta dadkaa iyo dalkaa wax dhibaato u keena, dagaal keena iyo wax rabshad keena uma ogolin. Waxaanu doonaynaa in cod xor ah oo xalaal ah lagu kala baxo, waana naga mabda’a.

Berigaa annagaa u kordhinay , markaa ma doorasho ayaad ku timi?, Maya ee waxaad ku timi ogolaansho aanu Anagu (Mucaaradku) kuu ogolaanay. Markaa bal ilmaadeerayaal, intii la soo maray baaba cadaynaysee siduu ku odhan karaa, ‘Madaxweynaha Madaxweyne la doortay uun baa bedeli kara’.

Maanta waxaanu leeyahay xaaladdu sidii hore maaha, BBC-da haddaad dhegaysateen, ninka Baanka haya (Guddoomiyaha Baanka Dhexe) ayaa la waydiiyay, waar maxaad sannad walba marka doorashadu joogto u soo daabacdaan lacagta cusub. Burco iyo Gobollada Barriga lagama bedelo lacagta Giimbaarta oo weli way taalaa, sannad walbana Miisaaniyadda waxa lagu daraa sannadkan baanu ka bedelaynaa oo aanu Somaliland Shilin-ka geynaynaa, laakiin weligeed lama geeyo oo meel kale ayay lacagtaasi martaa.

Wuxuu yidhi (Guddoomiyaha Baanku) tan imika la soo daabacay farsamo ayay ku fadhidaa, balse farsamo kuma fadhidee boob iyo dhac baa loogu talogalay….Cashuur baa laynaga qaaday oo waxa la yidhi Laascaanood baa lagu horumarinayaa, berigii horena waxa la yidhi Aafada Burco, laakiin markii dambe magacii Burco wuu ka wareegayoo Aqal Boorame ah baa Aafada Burco loo bixiyay, mid Fooq ah oo imika halkaa ka muuqdana Aafada Laascaanood baa loo bixiyay.

Annagu dhibaato iyo aflegaado kale midna gaysanmayno, wixii maalintii dhawayd markuu Madaarka ka soo degayay (Madaxweynuhu) hanjabaad iyo kibir ka dhacayayna waa hanjabaad Digaag, waanu ogyahay in aan waxba ka jirine sidaa qiiqa ay isugu qarinayaan. Markaa annagu waxaanu leenahay umadda dagaal gelin-mayno, Nabadgelyada dalkana waanu ilaalinaynaa, wadajirka umadda iyo midnimadooda waanu ilaalinaynaa, Dimoqraadiyadda waanu ilaalinaynaa, laakiin,waxaanaan ka tanaasulaynin baa jira oo doorasho diyaar baanu u nahay. Maantana kalsooni buuxda ayaan qabaa haddii doorashadaasi maanta dhacdo in Xisbiga Kulmiye ku guulaysanayo.

Waxaanu leenahay doorashadu goorta ay doonto ha dhacdee, waxa ka horaysa waqtigii Madaxweynaha loo kordhiyay, ee aanu u khaldanay ee aanu u kordhinay ee uu na beerla-xawsaday, 6 April bay kaga dhan tahay. Markaa, waxaanu leenahay saaxiib marka ay 6 April gaadho adigoo sidayada subeehi ah banaanka isasoo taag oo ka tartan”.

Md Siilaanyo wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “ Adigoo aan Raadyow Hargeysa ii adeegsanayn, Booliska adeegsanayn, hantida Qaranka adeegsanayn, Adigoo Aniga iyo Faysal nala mid ah, halkaa u soo bax oo nala tartan, waayo waqtigii wuu kaa dhamaaday.”

Guddoomiyuhu Kulmiye wuxuu ku celiyay in labada Gole ee Baarlamaanku ka arrinsadaan sidii dalka loo gaadhsiin lahaa doorashada. “Dalka waxa jira hay’ado Qaran oo Sharciyada iyo siyaasadda u qaabilsan, waa Baarlamaanka oo la isku yidhaahdo Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida, iyagu haka taliyeen.

Ma lihin Axmed-Siilaanyo u dhiiba, ma lihin Faysal u dhiiba, waxaanu leenahay iyagaa hay’addihii Qaranka ahe haka taliyeen sida lagu gaadhayo doorashada, laakiin adiga (Rayaale) markay 6 April gaadho kordhis dambe ma jiro’e u diyaargaraw adigoo sidayada dibadda jooga, cid dhex ahina Siidhiga inoo hayso, aan galo doorasho xor ah oo xalaal ah, hase yeeshee ta aad adigu maamulaysaa doorasho xor ah oo xalaal ah maaha, haddaanu hore kaaga yeelayna dib dambe kaaga yeeli mayno.”


Xigasho: Ogaal