Saan-saan Colaadeed oo ka soo korodhay Gobolka Selel, hal qof oo Xariirad lagu dilay iyo Laascaanood oo Nin Shicib ah aano shalay lagu Khaarajiyay

 



xariirad Maleeshiyo Beeleedyo isku horfadhiya Nawaaxiga Xariirad iyo wararkii u dambeeyay ee Khasaaraha iska hor-imaad shalay dhex maray

Laascaanood(TNN)-Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa shalay aroornimadii Nin socota ahaa ku dilay Duleedka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo sida la sheegay ay hiirtii hore toogteen laba Nin oo hubaysan.

Marxuumka la dilay oo sida la sheegay ay walaalo ahaayeen Sarkaal ka tirsan Ciidamada qaranka ee Jiidaha Bariga, ayaa wade ka ahaa gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo ka yimi dhinaca Beled-weyne, waxaana wararku sheegayaan in lagu toogtay Tuulo wax yar u jirta Laascaanood oo uu habeen hore gaadhigu ku hoyday.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay Laamaha amaanka Gobolka Sool iyo Maamulka Gobolka toona oo ku saabsan sababta Marxuumka loo dilay iyo in la soo qabtay Dablaydii dishay, balse warar aanu ka helnay Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inaan la soo qaban gacan ku-dhiiglayaashii dilkaasi geystay, kuwaasoo wararka qaar tibaaxayaan inay Aano hore u dileen Marxuumka.

Aanadaasoo ah mid la xidhiidha Sarkaalka ay walaalaha yihiin oo sida loo tirinayo ay Kooxda Khaatumo u aqoonsatay inay walaalo yihiin.

Dhinaca kale, saan-saan Colaadeed ayaa laga dareemayaa degmada Xariirad iyo deegaamada hoos yimaada, ka dib markii shalay gelinkii dambe hal qof lagu dilay, laba kale lagu dhaawacay meel wax yar u jirta Magaalada Xariirad.

Dhimashada halka qof iyo kuwa dhaawacmay ayaa warar kala duwan oo laga helay deegamadaasi sheegayaan inay ka dambeeyeen Maleeshiyo Beeleed Beesha Ciise ka soo jeeda oo beryahanba deegaamadaasi lagu sheegayay, kuwaasoo wararka qaar sheegayaan inay isku dhaceen Maleeshiyo beeleed kale oo halkaasi ku sugnayd.

Isku dhacan labada maleeshiyo ayaa lagu soo waramayaa inay dhalisay saan-saan colaadeed oo deegaankaasi laga dareemayay saacadihii la soo dhaafay, wallow sida lagu soo waramayo ciidamo Milateri ah la kala dhex dhigay labada maleeshiyo.

Ma jirto ilaa hada wax talaabo ah oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday si arinta loo qaboojiyo iyo war ka soo baxay oo la xidhiidha mushkiladaasi, aan ka ahayn Ciidamada la kala dhex dhigay labada Maleeshiyo.
 

Source: Waaheen