R/Wasaare Farmaajo oo la Kulmay Zenawi

R/wasaaraha DKMG, Max'ed Farmaajo ayaa Addis Ababa kula kulmay madax
African ah oo uu ka mid yahay R/wasaare Zenawi
Addis Ababa (TNN)-Ra'iisul-wasaarha DKMG, Max'ed C/laahi Farmaajo
ayaa wali ku sugan magaal ada Addis Ababa, wuxuuna uga
qeybgalay kulan ay leeyihiin qaar ka tirsan madaxda caalamka oo
looga hadlayo hannaanka Federaaliisamka.
Wasiirka arrimaha dibedda ee DKMG, Max'ed C/laahi Oomaar ayaa VOA u
sheegay in Ra'iisul-wasa are Farmaajo iyo wafdigiisuba ay xalay iyo
maantaba kulamo gooni-gooni ah la qaateen qaar ka tir san
madaxda dalalka Africa oo uu ka mid yahay, madaxweynaha Rwanda,
Madaxweynaha Sudan iyo raisal-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.
Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay
xaaladda Somalia. Ra'iisul-wa saare Farmaajo ayaa Meles Zenawi uga
xog-warramaya xaaladda Somalia iyo waliba qorshaha dowladda cusub ee
Somalia ee ku aadan xal u helida Somalia.
Source:VOA
|