Roob Lagu Qabawsaday Oo Ka Da’ay Gobolka Gabiley Iyo Beeraleyda Oo Isu Diyaarinaysa Falashada Dallagyada.
 

 


Roobkan, ayaa ka hooray Magaalooyinka Gabiley, Kalabadhayd, iyo Wajalle, waxaana ... Daawo Sawirrada


Gabiley (TNN)- Roobab xoog leh, ayaa ka curtay markii u horeysay xilliga Guga gobolka Gabiley oo ku yaalla dhanka Galbeed ee Somaliland, iyada oo Roobabkan soo afjareen abaar aan xooganayn oo ka jirtay deegaankaas.

Roobkan, ayaa ka hooray Magaalooyinka Gabiley, Kalabadhayd iyo Wajaalle, waxaana u ahaa mid lagu qabowsaday , iyada oo biyuhu ay qulqulayaan dhulka dooxooyinka ah ee deegaankaas oo u badan dhul beereed ballaadhan.

Beerlayda gobolka Gabiley, ayaa maalmihii u dambeeyay oo Roobabka xilliga Gugu ka curteen qaybo dalka ka mid ah , isu diyaarinayey in ay fashaan beerahooda, iyaga oo sugayey dhibicda ugu horeysay ee Roobabka, waxaana ay beeri doonaan dallagyo kala duwan hadda.

Roobabka , ayaa hore ugu da’ay gobolada Somaliland qaarkood, waxaana weli jirta abaaraha oo sameeyay xoolo dhaqato badan oo ka taagan deegaamo ku yaalla Galbeedka iyo Bariga.
 

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland