Roob Khasaare Gaystay Oo Galabta Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gabiley





Gabiley (TNN) Roobab khasaare gaystay ayaa caawa fiidkii ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Gabiley, kuwaasi oo laayay xoolo aad u tiro badan oo isugu jira Adhi iyo Lo.

Roobkan oo ahaa mid watay dhagax aad u badan ayaa ka da’ay meelo ay ka mid yihiin inta u dhaxaysa magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale ee gobolka gabiley, waxaana la sheegay in ay roobabkaasi meelihii ay heleen ay ku dileen xoolo aad u badan, gaar ahaana meelaha ay ka mid yihiin Idhanka Kalabaydhka, banka u dhexeeya Kalabaydh iyo Wajaale, Idhanka Deerayahanka iyo deegaanada ku xeeran.

Dadka shacabka ah ee degan magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale oo u gurmaday dadkaasi xoolo dhaqatada ah ee ay roobabku waxyeelada u gaysteen oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in ay dadkaasi waxyeelo wayn u gaysteen roobabku isla markaana ay xoolo badani ka dhinteen, iyaga oo dadkaasi gurmadka ah qaarkood meelahaasi ku gaadheen gaadiid ahaan Caf-cagafyo halka ay kuwo kalena lug ugu tegeen.

Maxamuud Cumar Tub-haye, oo ka mid ahaa dadkii ka gurmaday magaalada Kalabaydh oo aanu la xidhiidhnay caawa isaga oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Idhanka Banyare ayaa nooga waramay waxyeelada uu roobku gaystay, waxaanu yidhi “roobku galabta ayuu da’ay Gabiley ilaa Kalabaydh ayuu ku da’ay, laakiin kaasi waxyeelo muu gaysan ee roob fiican ayuu ahaa, roobka waxyeelada gaystay wuxuu ka bilaabmay idhanka kalabaydhka ilaa xagga shishe ee maderka ayuu gaadhsiisan yahay, imika xog kama hayno waana hebeen telefoonaduna way iska liitaan oo meeshu waa miyi, mana ogin waxyeelada uu gaystay inta ay leegtahay, laakiin intan aan arkayno ayuun baan sheegayaa, idhanka deerayahanka ilaa inta wajaale bariga uga rogan, khaasatan halkan aanu joognaa waa idhanka banyare, cagafyo ayaanu u dirnay oo lagu soo qaadayaa dadka wixii dhibaataysan, gaadiid kalena ma marayo, xooluhuna iyagu meeshaba way ka bexeenroobkuna wuxuu ahaa dhagaxyaale”.

Goob joogahaasi waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay khasaaraha uu roobku gaystay gaar ahaana qoyska uu isugu u gurmaday, isaga oo xusay in aanay ilaa hada arag dad ku dhintay roobkaasi balse ay jiraan dad aan u liita, “qoyskan aan imika la joogo wuxuu lahaa ilaa dhawr iyo konton nee foo adhi ah, oo saaka u dareeray laba neef iyo baraarkii reerka joogay oo aqalka la geliyay ayaa ka nool, wixii kale way ka baxeen oo way dhinteen, oo waanagan maydkoodii dul joogna, xooluhu way itaal daran yihiin, laakiin kuwan dhintay ayaaba ugu itaal roonaa. wax dad ah oo uu laayay oo dhintay weli ma hayno, laakiin dad liita ayaa jira”. Ayuu goob joogahaasi yidhi.

Xukuumada dhexe ee Somaliland iyo Maamulka gobolka Gabiley ayaana wax gurmad ah u fidin dadkaasi ay waxyeeladu soo gaadhay, iyada oo aanay ilaa hada jirin cid ka tirsan dawlada oo dadkaasi u gurmatay ama gacan kale u gaysay.
Dhinaca kale maamulka gobolka Gabiley gaar ahaan guddoomiyaha oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga waydiino ayaanay noo suurto galein telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaadi waayay awgeed, sidoo kale guddoomiyaha Wajaale oo aanu isna isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa oo xidhnaa darteed.

Khaasaraha dhabta ah ee uu Roobkaasi u gaystay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaandaasi ku nool ayaana si dhab ah loo ogayn, iyada oo xiliga uu roobku da’ay ay ahayd wakhti habeenimo ah isla markaana aanay dadka gurmadka ahi gaadhi Karin meelahaasi roobabku ka da’ay, maadaama oo dhulkaasi uu yahay dhul aanay gaadiidku mari Karin wakhtiyada uu roobku da’o.




Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland