Riyaale Oo
Xisbiga Kulmiye Ku Eedeeyey Xagjirnimo Iyo Xarunta Madaxtooyada Oo
Shalay Isbedel Weyni Ka Dhacay
“Madaxweynuhu Wuxu Shalay Canaan Kulul Kula Dhacay Wasiiradiis Oo Uu
Ku Tilmaamay Wax Matarayaal Hanan Kari Waayay Hawshii Uu U Diray”
Hargeysa (TNN)-Murashaxa madaxweynaha xisbiga UDUB,Daahir Riyaale
Kaahin ayaa ku eed eeyey xisbbiga mucaaridka ah ee Kulmiye
inay ku jiraan rag xagjirnimo ku sifoobay oo doona ya inay
aarsadaan haddii ay talada qabtaan.waxanu sidaasi ku sheegay mar uu
shalay taag eereyaasha xisbigiisa kala hadlay fagaaraha Beerta
Xorriyada halkaasoo ay isugu soo baxe en dadweyne iskaga yimid
degmooyinka Hargeysa.
Taageereyaasha UDUB ayaa basas lagaga soo guray shanta degmo ee
caasimada Hargeysa waxanay u soo baxeen dhoolatuska xisbiga UDUB ku
soo bandhigayay Cududiisa maalintiisii ugu dambaysay olalaha
doorashada madaxtooyada ee Sabtida fooda inagu soo haysa ka qa
bsoomaysa dalka.
Daahir Riyaale oo khudbad u jeediyay taageereyaahsa xisbiga UDUB
wuxuu hadalkiisii ku bila abay oo uu yidhi "Maanta waxa aynu u
taaganahay maalintii ugu dambaysay ee Ololaha do orashada
Madaxtooyada ee uu xisbiga UDUB u lahaa iyada oo ay doorashadii
inaga xigto ma almo koobani, xisbiyada tartamaya xisbiga UDUB
waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland, dmuqraadiyada xisbiga UDUB
ayaa bilaabay, waa hooyadii nabada Somaliland. Intii uu xisbiga UDUB
talada hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday, nabad ayaa ka
dhacday.Xisbiga UDUB waxa uu balan qaadayaa midnimo, shacbiga
Somaliland oo ul iyo diirkeed ah.Xisbiga UDUB waxa ka reeban xag
jinimo, laakiin xisbiga Kulmiye waxa ku jira rag badan oo xag jiriin
ah, xis biga UDUB xisbi caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi
deganaansho, arrin kastana ka fiirs ada.
Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada kaas ayaa meel
gaadhsiin kara, ma hagi karaan niman cadhaysan oo iyaga oo aan weli
xilkii qabanin waanu aarsanaynaa lihi, nimanka maan ta sii
hanjabaaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa, beritona maxay
samaynaya an.Xisbiga UDUB intii uu talada dalka hayay waxqabad ayuu
muujiyay, wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha, waxaanay u
muuqataa sida qoraxda, haddii ay tacliin tahay, hadii ay caaf
imaad tahay, hadii ay fidinta maamulka tahay xisbiga UDUB ayaa
sameeyey. rag baa yidhaa hda Maxjarka waanu baabi’inaynaa,
haddii la laab’iyo ma dan baa umada ugu jirta, waxa kale oo aan
idiin sheegayaa in magaalada Berbera iyo Wajaale laga sameyn doono
laba koontii ndher si ay xoolaheenu uga dhoofaan”.
Ma aha markii ugu horeysay ee xukuumadu ku eedayso xisbiga Kulmiye
inay ku jiraan xubno xag jir ah, waxana jirtay dhowr jeer oo hore in
qaar ka mid ah wasiirada xukuumada iyo mas uuliyiinta UDUB ku
eedeeyeen xisbiga Kulmiye inay ku jiraan rag xagjirnimo ku jirto.
Iyadoo Murashaxa madaxweynaha xisbiga UDUB,Daahir Riyaale Kaahin
khudbadaasi ka jeed iyay beerta xorriyada, dhanka kale shalay
waxay madaxtooyadu ku sugneyd jawi ka duwan siddii hore looga bartay,
arrimihii ugu waaweynaa ee shalay ka dhacay halkaasi waxa ka mid
ahaa, Madaxtooyada oo shalay isu rogtay xafiiska guud ee xisbiga
UDUB, iyadoo ay ahayd maalintii ugu dambeysay ololaha UDUB ayaa waxa
isugu soo ururay Madaxtooyada dad bad an oo ku abtirsada
xisbiga UDUB ama laf dhabar u ah xisbigaasi. Wasiiradii shalay ku
sugnaa gudaha Madaxtooyada ayaa waxay lahaayeen sawir muujinaya inay
guul daro filayaan kad dib markii taageerayaashii iyo cududii
xisbiga UDUB ka qul quleen kuna biireen labada xisbi mucaarid,
taasoo ay weheliso dhambaalo dhiilo xambaarsan oo sheegaya in
masuuliyiin bad an oo degmooyinka iyo gobolada ahi iscasilaad
hor leh maagan yihiin, taasoo niyad jabka ku sii kordhisay xukuumada.
Madaxweyne Riyaale shalay markii uu beerta xorriyada ka soo noqday
waxa la sheegay inuu koray dabaqa sare ee Madaxtooyada isagoo iska
xidhay aragtida iyo la kulanka masuuliyiinta UDUB, marka laga reebo
wasiiro kooban oo ay ka mid ahaayeen Siciid Sulub iyo dhowr wasiir
oo kale. Siday Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow
Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale shalay canaan kulul ayuu kula
dhacay wasiiradiisa, kuwaasoo uu ku tilmaamay wax matarayaal hanan
kari waayay hawshii uu u dirtay.
Waxa kale oo shalay madaxtooyada ku xoonsanaa dad badan oo loo
sameeyey balan qaadyo hore kuwaasoo haddii ay shalay dhaafto
rajadoodu mugdi sii galaysay.dibada Madaxtooyada waxa laga arkayay
raxan raxan dumar ah oo calanka UDUB ku jeeni qaaran oo ilaa
duhurkii shalay Madaxtooyada hor fadhiyay kuwaasoo iyaguna ka mid
ahaa dadkii balan qaadyada loo sameeyey oo quusan la’aa.
Abaaro saddexdii galabnimo waxa la arkayay dad habaqle ah oo
Madaxtooyada ka soo bax ayay kuwaasoo wejiyadooda cadho ka
muuqatay kaddib markii ay soo waayeen wixii loogu balan qaaday.
Madaxtooyada ayaa shalay wax shaqo ahi haba yaraatee aanay ka socon,
iyadoo shaqaalihii ka shaqeyn jiray lagu wargeliyay in aanay soo
shaqo tagin.Wasiirka Madaxtooyada, Xasan Macalin, ayaa ka mid ahaa
wasiirada shalay lagu wargeliyay in aanay soo shaqo tagin isagoo
shalay niyad jab weyni ka muuqday ayuu hadana iska yimid
xafiiskiisii oo laga qufulay, xogha yaha gaarka ee madaxweynaha
Axmed Maxamed Ciise ayaa ka mid ahaa dadkii aan ka soo xaadirin
halkaasi.
dhanka kale iyadoo toddobaadkan xukuumadu si qarsoodi ah xabsiga
Burco uga sii deysay mid ka mid ah ragii hubaysnaa ee bishan
tobankeedii falka argagixisnimada ah ka fuliyay Burco, ninkan
argagixisada ah iyo dhowr qof oo kale oo lala xidhiidhinayay
falkaasi ayaa la sheegay inay xukuumadu ka sii deysay xabsiga Burco,
iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xukuumaddu qorshaynayso falal
khal khal lagu gelinayo amniga doorashada si aan doorasho dalka uga
dhicin gebi ahaanba.
Source:Haatuf
|