Reer Somaliland waxay leeyihiin astaamihii kuwii dhisan jirey Qaran la ixtiraamo

 


 

Dal dhakhtarkiisa iyo Injineerkiisu ma hore mariyo ee waxaa horuu mariya Siyaasigiisa, Nin kii Illaah Duunyo la doonayona Dadkiisuu siiyaa,hadaba shacabka iyo Siyaasiyiinta Somalila nd ma leeyihiin Astaamihii lagu dhisi jirey Qaran Magac iyo Mansab kuleh Beesha Caalamk a?.waxay ila tahay inaynu leenahay Bulsho Hanuunsan,Siyaasi Hilaad leh,Abwaan ina Hoga tusaaleeya,Guurti Gurgurshaa ah,Wadaaddo Hillowsan iyo Haween aan Raganimo ubaahnayn.

Hadaan kasoo bilaabo markii Ninka Caddi kusoo tahanbaabay dhulkeena mudo ku dhow la ba Boqol oo Sanadood ka hor,waxaa markiiba Gaashaanka u daruuray Hogaamiyayaashii Bulshadeena,Markabkii la odhanjirey Merry Ann iyo ciidankiisiiba waa laga adkaaday kadib markii la miray 1825kii.Ingiriisku waxay soo noqnoqdaanba ugu dambayntii waxay garawsa deen inay heshiis la galaan Salaadiintii Xeebaha ka talinayey1888kii,Qodobada lagu heshiiy ey waxaa kamid ahaa-Inay Boqortooyada Ingiriisku Ilaaliso Dalka Inaan Dowlado kale heshi is anaan ogayn lagula geli Karin dhulkayaga,in dadka Ingiriiska u shaqeeya ay nabad ku he layaan Dhulkan,In Maraakiibta Calanka Ingiriiska sidataa kusoo xidhan karto kana ganacs an karto dhulkayaga,inaan heshiiskan si kale ama qaab kale cidkale lagula heshiin Karin,in ay dhulkan usoo magacaaban karaan wakiil,cadaankuna aanay dhulka degi karin. Heshiiska n oo ku qornaa Harag waxay Hogaamiyayaashaasi noqdeen kuwa keliya ee shanta soomaa liyeed Hindisahaa la yimid.

Heshiiskaas ay saxeexeen Suldaanadu dadaal iyo wadan jacayl uun buu ku yimi,laakiin Ingi riisku isagoo xarfadihiisii ciyaaraya ayuu wuxuu Somaliland hoos geeyey maamulkii Cadan oo isna hoos tegi jirey maamulka Ingiriiska ee Hindiya mudo 10 sanadood ah,Sideedii sana dood ee ku xigteyna waxay Somaliland toos uhoos tegi jirtey Wasaarada arimaha dibeda ee London,laakiin 1905tii ayay Somaliland toos u gashay xafiiska Gumaysiga ee London iyadoo ayna Odayadu ka war qabin.

Markii Dagaalkii 2aad ee aduunka lays muquuniyey nasiib daro Somaliland waxay ka mid no qotay wadamadii hoos tegayey kuwii guuleystey ee kelmadoodu shaqaynaysey,Marka laga reebo NFD oo Ingiriisku maamulayey sadexda kale ee Soomalida waxaa guumaysanayey m id Talyaaniga oo laga adkaaday,Jabuuti iyo Ogaden oo siloonaa,labada wadanba waxaa he ystey labo wadan oo la qabsaday(Faransiiska iyo Iitoobiya),inkastoo Iitoobiya is xoraysay mudo kooban gudaheed.Talyaanigu maadaama uu ka mid ahaa kuwii laga adkaaday waxaa lagu khasbay inuu marka laga bilaabo 1950ka somaalidii uu gumaysanayey uu u tababaro maamulka dowlad xor ah iyadoo qaramada midoobay goobjoog ka noqondoonaan Toban sanadood ka dibna uu maamulka ku wareejiyo.iyadoo afarta Soomaliyeed ee kaleba inaga Nasiib wanaagsanaayeen ama ay sahlananaydba xorayntoodu hadana waxaynu noqonay wadankii ugu horeeyey ee xorooba shanta Soomaliyeed waxaana suuro geliyey dadaalkii Salaadiinta iyo siyaasiyiinteena..

Waxay Ciidamada Somaliland Kasoo Dagaalameen Koonfur Afrika (Boer Wars) bilawgii Qar nigii Hore,Waxay dagaalkii 2aad ee Aduunka wacdaro ka dhigeen Burma (myanmar) iyagoo Ciidamadii Jabaanka oo awelba indho yaryaraa ay mir habeenimo iyo hurdo la'aan ku asqa ysiiyeen,waxaynu lahayn ciidankii ugu badnaa ee ka dagaalamay xorayntii Ogaadeeniya inagoo huray hantidii ugu badnayd,waxaynu ahayn kuwii ugu dagaalka iyo hiilada badnaa xorayntii Jabuuti,waxaynu ahayn kuwii keenay Soomaliweyntii xaqdaradu fashilisay.

Waxaynu ahayn kuwii Hantidoodii iyo Magaalooyinkoodii baneeyey ee qaxoonti ka doorbid ay iyagoo gunnimo ka carar ah qof ka xumaana ma jirin.waxaynu noqonay kuwii horseedka ka ahaa dib u dhiska iyo Dimuqraayidayada geeska afrika kasoo iftiimaysa,waxaynu nahay kuwo wax kastoo aynu samayno lagu daydo.miyaan la cawryin 18kii may ee ugu dambays ey?,wuxuu runtii ahaa dhoolotuskii ugu weynaa ee weligeed ka dhacda 5ta soomaaliyeed.

Markaad ufiirsato siyaasadeena gudaha ee Asxaabta Siyaasigu is qodqodaan goolaaftanko oda waxba laysulama hadho,hadana markay Danta guud timaado waxaad arkaysaa iyadoo meel loo wada jeedo inagoo halkaa uga siyaasad eg (inaguma maakumin e) Siyaasada Isra a'iil.run ahaantiina waxay ku tusaysaa Himilada Hogaamiyayaasha Siyaasiyiinteena,Mucaa rid iyo Muxaafidba.markaad Wadaninimada,Xamaasadda,Hawlkarnimada iyo Hal abuurka re er Somaliland eegtona waxay kuula ekaanayaan dhaqanka Ingiriiska,inkastoo Hindisihii Ing iriiska ay iminka Israa'iil kala wareegtey.

Hadaad isku heshid in Shiikhaaga iyo Fanaankaagu noqdaan kuwa loogu dhegaysi badan ya hay waad iska garan kartaa macnaha turjumaaddeeda oo ah Kasbasho xeeldheer,Waxayn u  leenahay Suxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta loogu qadarin badanyahay.waxaynu leenahay Ha ween dagaalkana gala gartana naqa,miyaanay Somaliland ahayn tan soo saartay ganacsato Dowladdo damiinan karta.

18ka May ee lasoo dhaafay waxaynu farxadda u muujinayney waxay ahayd,23kii sanadood ee lasoo dhaafay wax kastoo laynagu deyey sidii Somaliland loo dhicisayn lahaa wax kusoo kordhay mooyee wax inaga dhacay ma jiraan,Waxay ila tahay in Siyaasiyiinteenu meel wan aagsan inagusoo simeen waxaase loo baahan yahay inay Dhalinyarada iyo odayaasha ber ri isu diyaariyaan xil weyna iska saaraan sidii ay halkaa uga sii dhaqaajin lahaayeen.
 

 


Bashiir tarabi Oogle
bogleh69@gmail.com