Reer Hargeysoow Qabyaaladda iyo Dagaalka Aad Xirsi Ku Haysaan Burco Waa Aragtaa

 


Dhaqaalaha Somaliland, 75% Hargeysa ayaa Afka u dhigatay. Somaliland wixii ilaa 1991 u soo korday Hargeysa may dhaafin

Reer Hargeysa oo Rag iyo Dumar isu soo bahaystay collaadda Wasiir Xirsi! Tolow ninkan xilkii uu qaranka Somaliland u hayay gudanaaya, dagaalka lagu hayaa xagguu salka ku ha yaa?

Goorma ayaa reer Hargeysa keligood Somaliland yeesheen, dadka intiisa kalena noqdeen Marti Guriga reer Hargeysa Ku Raag Tay, A Guest Overstays Their Welcome? Hab-dhaqa nka reer Hargeysa iyo

hadalka Xanafta iyo Xajiinta leh loolama jeedo Wax-Wanaajin, Toosin iyo Mucaaradnimo dawladda, Waa Qabyaalad, Cadaawad iyo Collaad ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi badheed kula dagaalamayaan.

Markaan maqlo qabyaaladda qaawan ah ee ay meelahaa ka shubaan:Cali-Guray, Boobe iyo Faysal oo beryahan hadalkoodu noqday, Music to the ears of Reer Hargeysa, waxaan naftayda ku idhaahdaa oo reer Burcana ma waxay noqdeen: Doofaarkii Ficil La?aanta Lagu Cadaabay?



Dhaqaalaha Somaliland, 75% Hargeysa ayaa Afka u dhigatay. Somaliland wixii ilaa 1991 u soo korday Hargeysa may dhaafin. Gooni- Isutaagga Somaliland wuxuu noqday shaadh Hargeysi tolatay. Hargeysa markaad aragto waxaad moodaysaa in aad joogto Dubai. Burco markaad aragtana waxaad moodaysaa in aad joogto A Refugee Camp. Somaliland reerkii iyo qofkii dhergey ayaa duminaaya, qofkii ka qatanaa ee u shaqaynaayayna, sida Siilaanyo iyo Xirsi, waa la caayayaa, There is another side called justice!

Waar Hooy reer Hargeysow yaan lagu kala yaacin Somaliland? Dadkii kale ee shaqo la?aanta, tahriibta iyo abaaruhu kala goosteen toose oo idin arke.



We Are Watching You.
 

 


Ahmed Jama Hure

ahmedsoleman@tiscali.co.uk
London