REER GEBILAY OO KA CODSADAY XISBIGA UCID IN LA SIIYO JAGADA GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE XISBIGA

 



Garnaqsigii Reer Gebilay iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID

Gebiley, Somaliland: Sida aynu beryahaaba ka war qabnay waxa jiray khilaaf aad u xoogan oo soo kala dhex galay madaxdii xisbiga UCID ee gobolka Gebilay iyo madaxda sare ee Xisbiga UCID, taas oo keentay in la kala diro dhamaanba xubnihii laantii Xisbiga UCID ee gobolka Gebilay. Waxa kale oo iyana jirtay in dawladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay si aday ugala dagaalantay Xisbiga UCID in uu kasoo kabto ciladdaas kaga dhacday gobolka Gebilay. Soo celintii Musharaxa Madaxweynaha ee kontoroolka Caabudla iyo udiididii loo diiday Marwo Fadumo Siciid in ay cag soo dhigto gobolka Gebilay ayaa ahaa arrimaha iyaguna sii kiciyay dabaysha siyaasadeed ee labada dhinacba ku kala sheegteen guulaha uga soo kala hoyday taageerayaasha gobolka Gebilay.

Haddaba tan iyo intii ay dabayshaasu bilaabantay waxa ka dhex bilaabmay aqoonyahanada, siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo weliba dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha dalka ee reer Gebilay doodo aad u tiro badan iyo bal qeexidda danta ugu jirta in ay reer Gebilay u dagaalamaan xisbiga UCID. Si arrintaas looga wada hadlo ayaa maalintii axadda ahayd ee ay taariikhdu ahayd 8dii December waxa barta kulanka tilifoonka (tele-conference) ku kulmay dad tiradoodu kor u dhaaftay saddex boqol oo qof oo isugu jira, una badan aqoonyahanka reer Gebilay ee qurbojooga ah iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo madaxdhaqameedka reer Gebilay ee jooga dalka gudihiisa.

Doodaas waxa lagu soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin danta ugu jirta dadka reer Gebilay in ay taageeraan Xisbiga UCID, iyaga oo aan waxba ku lahayn maamulka sare ee xisbiga?

Madaxda ururka loo yaqaan "Gebiley First" ayaa iyagu halkaas ka muujiyay dood aad u adag, sheegayna in ay taageerayaan oo keliya xisbiga muujiya in ay ixtiraam u hayaan Gebilay, shuruudaha ay ka duulayaana ay yihiin sidatan:

1- Dalka Somaliland waxa uu sharciyan ka kooban yahay 6 gobol iyo Gebilay (waa sida ay xisbiyada qaranku ku kaambayn gareeyaane), taas macnaheedu waxa uu yahay in run ahaantii uu dalku yahay 7 gobol.

2- Wax soo saar ahaan Gebilay waa goobta labaad ee dalka ugu wax soo saarka badan, ha ahaato cashuur(kala baydh iyo Tog-wajaale), ha ahaato beero, iwm.

3- Gobolka Gebilay waa gobolka saddexaad ee ugu dadka badan dalka (1= Maroodi Jeex, 2= Togdheer, 3= Gebilay).

Haddaba uruka Gebilay First ayaa ku dooday haddii ay intaasuba ay xaqiiq yihiin in ay dadka reeg Gebilay xaq u leeyihiin in ay ka helaan shuruudahan soo socda, xisbi kasta oo raba taageeradda dadka reer Gebilay:

1- In ay ku yeeshaan 7dii kursi ee la magacaabo ama la doorto ugu yaraan hal kursi: Tusaale ahaan waa in ay ugu yaraan ku lahaadaan hal qof oo reer Gebilay ah todobada kursi ee ugu awooda badan xisbiga: Gudoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka 1aad, G. X. 2aad, G.X 3aad, Musharaxa Madaxweynaha, Ku Xigeenka Musharaxa Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga. Waxa weliba ay sheegeen in ay Xisbiga UCID si gaar ah uga rabaan jagada Gudoomiye ku xigeenka 1aad oo banaan.

2- In haddii uu Xisbigu leeyahay 21 Xoghaye ugu yaraan laga siiyo 3 xoghaye Gobolka Gebilay.

3- Iyo ugu dambayn marka la gaadho doorashooyinka baarlamaanka iyo Guurtida in lagula xisaabtamo systemkan ah 7diiba Hal (1/7th).

Haddaba Mr. Yusuf Budle oo ah xubinta ugu saraysay ee ka socotay Xisbiga UCID ee tele-confrance-kaas ku jiray, oo ah nin kasoo jeeda gobolka Gebilay, isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee xisbiga UCID ayaa isaguna goobtaas ka hadlay, sheegayna in ugu horayn xisbiga UCID uu yahay xisbi ugu horayntii laga soo aasaasay Gebilay, Xoghayihii Guud ee ugu horeeyayna uu ahaa nin reer Gebilay ah (Illahay ha u naxariistee aqoonyahan Axmed Muse Geedddi, Sanjab), laakiin uu ka war qabo cabashooyin badan oo ay kaga tabanayaan dadka reer Gebilay xisbiga UCID, gaar ahaan wakhtigii doorashooyinkii koowaad ee baarlamaanka. Waxa kale oo uu sheegay in isagu shaqsi ahaan uu aaminsan yahay in dadka reer Gebilay si fiican loogu guuray marar badan (tusaale dheerna uu u soo qaatay siddii uu xisbiga Kulmiye ugu guuray dadka reer Gebilay iyo sida ay hadda uga qatan yihiin xukuumadda hadda jirta iyo balanqaadyaddii beenta ahaa ee loo sheegay), isagana ay ka go'an tahay in uu mar kasta ilaaliyo danta iyo xuquuqda ay Gebilay ku leedahay xisbiga uu xubinta ka yahay, isla markaana uu ka mid yahay madaxda ugu saraysa ee xisbiga.

Yusuf Budle waxa uu madashaas ka cadeeyay in uu taageersan yahay qaab xisaabtanka 1/7th ee ay la shir yimaadeen ururka aqoonyahanka reer Gebilay ee "Gebilay First". Laakiin aanu isagu lahayn awood uu ku balan qaado oofinta shuruudahaas. Waxase uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in ay reer Gebilay ka helaan Xisbiga UCID Kursi kasta oo ay qabsadaan oo suurto gal ah. Waxa kale oo uu u sheegay madasha in Xisbiga UCID hadda ahaan ay reer Gebilay uu ku leeyihiin saddex Xoghaye iyada oo ay magacaaban yihiin in ka yar 15 Xoghaye, taas oo run ahaantii muujinaysa ixtiraamka iyo kalsoonida uu Xisbiga UCID u qabo dadka reer Gebilay.

Ugu dambayntii Yusuf Budle waxa uu madashaas ka cadeeyay in aanu isagu marnaba diyaar u ahayn in uu loolan u galo kursigaas weyn ee ay hadda codsanayaan reer Gebilay, isaga oo ku sababeeyay arrimo shaqsi ahaaneed.

Gebogebaddii shirkaas waxa lagu heshiiyay in uu Mr. Yusuf Budle yimaado dalka gudihiisa si arrinkaas loo gudo galo, taas oo uu si buuxda u ogolaaday Yusuf, sheegayna in uu ku imandoono Somaliland in ka yar 20 cisho gudahood, haddii Alle yidhaahdo.
 


Xuseen Xaashi, Member

Ururka Gebilay First