Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Isticmaalka Dalkiisa Ee Dekedda Berbera

 


Hargeysa (TNN) :- Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadl ay isticmaalka dalkiisa ee Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland, isaga oo sheegay in baahida ay u qabaan waxyaabaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay dhoofinayaan in aan ay dabooleyn Dekeddaha Jabuuti.

epa02916969 Ethiopian Foreign Minister Hailemariam Desalegn addresses a joint press co nference after his meeting with his Egyptian counterpart Minister Mohammed Kamel Amr (not pictured) in Cairo, Egypt, 14 September 2011. Ethiopian Foreign Minister arrived on an official visit to Egypt on 14 September, days before the planned visit of Ethiopian Prim e Minister Meles Zenawi who is due to meet with Egyptian officials. According to local me dia reports, the Nile Basin negotiations and the situation in Libya, Sudan and Somalia will be the main focus of the talks. EPA/MOHAMED OMAR

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey munaasibad sanadlaha ah ee wax soo saarka Wershadaha dalkiisa, ayaa markii u horeysay cadeeyey in aanu dalkiisu kooto ugu xidhnaan doonin isticimaalka Dekedda Jabuuti oo hore ay ugu tiirsanaayeen, waxaanu ho osta ka xariiqay in ay diyaar iyo xor u yahay u wareegida dekedda Somaliland oo Casri y eynteeda dhawaan la bilaabayo.


Sida uu baahiyey Telefishanka Qaranka Koonfur Afrika ee SABC-TV, waxa uu xusay Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn in kobaca dhaqaale ee dalkiisu sababay in ay Dekeddo ka le u wareegaan, waxaanu yidhi “In kasta oo Itoobiya ay si weyn ugu tiirsaneyd dhinaca D ekedda dalka Jabuuti, naga ma joojin doono in aanu raadsano Dekeddo kale oo aanu ku b edeleno sida Dekeddaha Somaliland iyo Kenya.”

Dawladda Itoobiya, ayaa hore u sheegtay in ay 30% waxyaabaha ay la soo degto ay u soo wareejisay Dekedda Magaalada Berbera, iyada oo si weyna u soo dhaweysay casriy eynta lagu samaynayo Dekedda Berbera.

 

Source: Somalilandtoday