Rayaale Oo Shalay Fadhi Qasriga Madaxtooyada Kula Yeeshay Waxgarad Ka Tirsan Beesha Habaryoonis

 

Salaadiinta, madaxdhaqameedyada xubnaha xukuumada kaga jira beelaha Habar Yoonis iyo aqoon yahano iyo cuqaal ay tiradoodu gaadhayso 70 xubnood ayaa shalay kulan wada fadhiya qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxwayne Rayaale

Sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen in kulankaasi oo saacado badan qaatay ay madax dhaqameedyada iyo madaxwayne Rayaale ay kaga wada hadleen arrimo ku saabsan dhinaca siyaasada iyo sidii ay beeshu kalsooni iyo taageero laxaad leh ula garab istaagi lahayd madaxwayne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB, iyadoo sida la sheegayna ay madaxdhaqameedyada iyo cuqaasha beelahani ay Madaxwayne Rayaale ugu qadimeen tabashooyin iyada oo baryahan dambe la kala dhex galay beesha iyo xukuumada taas oo ay ku doodeen in taageeradii iyo kalsoonidii ay beeshu siisay

Madaxweyne Rayaale doorashadii madaxtooyada ee lagu soo doortay aanay sidii la rabay ballan qaadyadii aanay u fulin xukuumadu, balse la sheegay in madaxwayne Rayaale garawshiiyo ka muujiyay kalsoonidii iyo taageeradii ay la garab joogsadeen doorashadii madaxtooyada ee xisbiga UDUB ku guulaystay 2003-dii.

Kulankaas oo madaxwayne Rayaale la yeesheen Oday dhaqameedyada beelaha Habar Yoonis ayaa waxa ka mid ahaa Salaadiintaas ka qayb gashay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani, Suldaan Rashiid Cali Ducaale, Suldaan Maxamed Xasan, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirada Maaaliyada, Duulista Hawada, Hawlaha Guud,

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir Kuxigeenada arimaha dibedda iyo Ganacsiga, xoghayaha guud ee UDUB, guddoomiyaha Baanka, guddoomiyaha Maxkamada sare. Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ahaa Maayirada magaalada Burco, Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayirada degmooyinka Xaaji Saalax iyo Oodwayne, Badhasaabka Sanaag Cali Cabdi Hure, badhasaabka Oodwayne Maxamed Cabdi Liibaan, waxase halkaasi ka maqnaa Salaadiinta beelaha Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo Guurtida kaga jira Beeshaasi, in kastoo aan si dhab ah loo ogayn nuxurka kulankaas dhex maray madaxwayne Rayaale iyo Oday dhaqameedyada iyo cuqaasha beeshaasi haddana waxay illo xogogaal ahi sheegayaan in ay

Madaxwayne Rayaale isku afgarteen in taageero ay la garab joogsadaan xisbiga UDUB, taas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen lagu heshiiyay in madax dhaqameedyada iyo cuqaasha ka timid gobolada Maroodi Jeex, Saaxil, Togdheer, Sool, Oodwayne iyo Sanaag la filayo todobaadkan ay dib ugu laabtaan deegaanadaasi kana bilaabaan olole ay taageero ugu doonayaan xisbiga UDUB iyo xukuumada Rayaale waxaanay illo xogogaal ahi sheegayeen in kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen Wasiirada xukuumada ugu jira beesha Habar Yoonis oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyada, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, oo iyaga la sheegay in xubnahaasi ay ka soo abaabuleen Gobolada iyo deegaanada ay degto beeshaasi.

Muddo laga joogo bil wa’xogay ayaa Madaxwayne Rayaale waxa uu kulankan oo kale uu la yeeshay salaadiinta beesha Sacad Muuse kuwaas oo uu ka dalbaday in ay taageero siiyaan xisbigiisa marka la gaadho Doorashada isaga oo ballan qaadyana u sameeyay in uu u fulin doono marka uu doorashada ku guulaysto. Arrimahan uu madaxwayne Rayaale bilaabay inuu shiro beelaha madax dhaqameedyada Somaliland ayaa u muuqda kuwo uu taageero uu kaga doonayo beelaha si uu mar labaad ugu soo noqdo Kursiga Madaxwaynenimo

 

 



Saxansaxo