Rayaale oo Mar Labaad
Dib ugu Celiyay KULMIYE Xubintii uu Komishanka
u soo Xulay

Axmed-Siilaanyo oo ku eedeeyey Madaxweynaha inuu ka baxay ballan ay
wada galeen Isniintii
Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,
ayaa mar labaad shalay dib u celiyey xubinta uu xisbiga mucaaradka
ah ee KULMIYE u soo xulay Komishanka Doorashooyinka cusub, isla
markaana la ka dalbay in xisbigu soo beddelo.
Sidaa waxa u xaqiijiyay warbaahinta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saxaafaddu weydiisay waxa ka
jira in Madaxweyne Rayaale mar labaad dib ugu celiyay xubintii ay u
soo magacaabeen inay u matasho Komishanka Doorashooyinka ee hadda
dhismaheeda lagu jiro.
Guddoomiye Siilaanyo waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Rayaale
kulan uu shalay kula yeeshay Qasrigiisa Madaxtooyada kaga heshiiyeen
inaan dib loo soo celin haweenayda uu xisbiga KULMIYE u soo xulay
Komishanka cusub, isla markaana Madaxweynuhu kaga baxay ballan ay
isku ogaayeen oo uu shalay buriyay, mar labaadna dib ugu soo celiyay
xubinta ay heshiiska ka gaadheen Isniintii.
Waxa kale oo uu Axmed-Siilaanyo sheegay inay xisbi ahaan kulan
degdeg ah ka yeesheen arrintan, sida ugu dhakhsaha badanna go’aan
uga soo saari doonaan mawqifkooda ku aaddan dib u soo celinta
xubintaas oo uu xusay in KULMIYE shir uga fadhiyo wakhtigan wixii ay
ka yeeli lahaayeen.
Waa markii labaad ee toddobaadkan gudihiisa ee Madaxweyne Rayaale
dib u celiyo haweenayda xisbiga KULMIYE u soo magacaabay inay ka mid
noqoto Komishanka Doorashooyinka ee cusub. Xubintan oo magaceeda la
yidhaahdo Ilhaan Maxamed Jaamac waxa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay
inay ka mid tahay guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha KULMIYE ayaa isagu ku dooday in Marwo
Ilhaan wakhti hore iska casishay xilkii ay ka haysay xisbiga,
sharciyanna Madaxweynuhu aannu xaq u lahayn inuu kala shaandheeyo
xubnaha loo soo xulo Komishanka ee ka yimaadda dhinacyada xaqa u leh
soo magacaabiddooda, balse kaliya cidda go’aan ka gaadhi karta kala
shaandhaynta amma ansixinta Guddiga Doorashooyinka loo soo magacaabo
uu yahay Golaha Wakiillada kadib marka Madaxweynuhu u gudbiyo.
Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale ayaan isagu ilaa hadda soo
magacaabin saddex xubnood oo xeerka doorashooyinku u jideeyay inuu
Komishanka u soo xulo, hase ahaatee afarta xubnood ee ilaa hadda loo
soo xulay waxa ay kala yimaaddeen labada xisbi mucaaridku soo
magacaabeen iyo laba Golaha Guurtida ka yimi.
Source: Jamhuuriya Online
|