Rayaale Oo Ku
Hungoobay Kulan Uu La yeeshay Xildhibaanada Harti Ou Uu Kalsooni Uga
Doonayay Mooshinka Muddo Kordhinta Ee Golaha
Guurtida Horyaalla

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
iyo xukuumadiisa ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay u tafa
xaytay kaambayn cusub oo ay ka bilaabeen golaha guurtida dhexdiisa
kaas oo ay ku doonayaan inay ka helaan kalsoonida mudanayaasha
golahaas mooshinka muddo kordhinta ee uu Madaxweynuhu qoraalkiisa
gaadhsiiyay Golaha Guurtida.
Duhurinimadii doraad ee Axadii ayuu Madaxweyne Rayaale qado sharaf u
sameeyay xubnaha beesha Hartiga ka jira golaha guurtida, kulankaas
oo ahaa kii ugu horeeyay kaambaynkiisa cusub waxa la sheegay inuu
Madaxweynuhu ku hungoobay oo aanu ugu dhicin sidii uu doonayay, sida
ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah xildhibaanada la casuumay oo ka
dhawrsaday in magacooda la sheego.
Warku wuxuu intaa ku daray in ay casuumadaas madaxweynaha tageen 6
xildhibaan oo keliya halka ay beeshaas hartiga golaha guurtida kaga
jiraan 20 Mudane, kuwaas oo la sheegay in wakhtigan 3 ka mid ahi ka
maqan yihiin Hargeysa halka ay 17-ka kaleba ku sugnaayeen Magaalada.
Mudane u waramayay Saxansaxo ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynuhu
xildhibaanada casuumada ugu tagay u sheegay hadal kooban kaas oo
ahaa inuu doonayo inay meel mariyeen go’aanka komishanka
doorashooyinku uu ku mudeeyay qabashada doorashada 31-ka
May,Goluhuna uu is waafajiyo mnaalintaas iyo mudada xilka
madaxtooyada ee dhamaanaya.
Warku wuxuu intaa ku daray in Mudanayaasha casuumada ka qayb
galay mid ka mid ahi uu Madaxweynaha u sheegay in laga yaabo in uu
Goluhu dhinaca kale u badan yahay oo aanay iyagu waxba ka tari karin,
dhinacaas oo ah in aanu Goluhu xilligan u muuqanin mid u bisil in uu
aqbalo muddo kordhin dambe oo xukuumada loo sameeyo. Beesha Hartiga
oo keliya ma aha cida uu Kaambaynka xukuumada ku jihaysan yahay,
waxase la filayaa inay maalmahan xildhibaanada kale oo beel beel ah
ay kulamo la yeeshaan, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa
maalintii Axadii waxa uu Golaha guurtida u gudbiyay Digreeto uu ku
soo gaadhsiiyay go’aanka uu komishanka doorashooyinku ku cayimay
mudada cusub ee doorashada ee 31-ka May kaas oo uu kaga dalbaday
inuu Goluhu is waafajiyo dhamaadka xilka Madaxweynaha iyo maalinta
loo cayimay doorashada,taas oo uu Macnaheedu yahay inuu golaha
guurtidu mar kale sameeyo go’aan uu madaxwaynaha iyo ku xigeenka
mudada xilka ugu kordhinayo
Wargeyska Saxansaxo
|