Madaxwayne Rayaale oo ka hadlay Rabshadihii Saaka ka dhacay Magaalada hargeisa


Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Madaxwaynaha Somaliland Daahir  Raya ale Kaahin ayaa shacabwaynaha reer Somaliland ugu baaqay in ay  rabshad aha joojiyaan oo arinkan wada hadal lagu dhammeeyo. Hadalkan  madaxwayn aha ayaa ka danbeeyay markii saaka dagaal dhimasho iyo dhaawac keenay uu dhex maray Ciidamada Booliiska iyo shacabwayne ka xanaaqay  Mudanay aal aad u tiro badan oo saaka laga horjoogsaday in ay golahooda galaan.



Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu dhibtii saaka dhacday masuuliyadeeda uu  d usha ka saaray Shir-guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye. “ horta arin kasta oo siyaasadeed hadal ayaa lagu dhammayn  ka raa ayaan aaminsanahay” ayuu Madaxwaynuhu yidhi, isaga oo intaasi ku sii daray “ wax buuq laga sammeeyo oo nabadgalyada lagu xumeeyo oo meesha yaalaaba ma jiraan. Run ahaantii waxa arimaha ka danbeeya shir-guddoonka galaha wakiilada oo golahoodii maamuli kari waayay iyo Xisbiga Kulmiye ayaa si toosa uga danbeeya.”



Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin isaga oo sharax ka bixinay waxa  dhacd adii maanta sababay ayaa waxa uu yidhi “ maalintii dhawayd markii uu goluhu xidhmay ee ay isku buuqeen, furihii aanu ka haynay xallay ayaa lagu  waree jiyay saaka si nabad ah in ay ku yimaadaan ayay ahayd. Shir-guddoonkii  aya a horkacaaayay rabashkan saaka dhacay. Dhimasho way dhacday dhaawacna waa dhacay “



Daahir Rayaale Kaahin oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da Laanteeda afka somaligu, mar uu shacabwaynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa yidhi “ Dadwaynaha waxaan leeyahay  na b a deena aan ilaashano, cadaw badan ayaan leenahay xabadi haday meesha bilaabantana boqolaal hurda oo mashaakil la raba Somaliland ayaa meesha ka kici doona” waxa kale oo intaasi ku sii ladhay “ waxaan shacabka u soo  jeed inayaa in ay is dajiyaan oo joojiyaan”



Madaxwayne Rayaale isaga oo muujinaya sida uu u soo dhawaynayo wada hadal dhex mara mucaaridka iyo cid kasta oo ay siyaasada isku khilaafsan yihiin ayaa waxa uu yidhi “ Ninkasta oo ka hadal siyaasad ahaana, Madaxw ayne ahaan anigaa diyaar u ah in aan wada hadalno. Arin wada hada u  baah ana ma aha in rabash laga sameeyo oo la inagu kiciyo oo nabadiina la idin kaga ciyaaro ma ahin. Wax-garad, Aqoon-yahan iyo dadwaynena waxaan leeyahay dadka rabashkaa wadana waan garanaynaaye in ay la hadlaan nabadooda in ayna kaga ciyaarin iyaguna in ay ka feejignaadaan” ayuu yidhi Madaxwayne Rayaale. Waraysigaasi waxa uu dhambaal ugu diray  dhallinyar adii maanta ka qayb qaadatay dagaalka isaga oo yidhi “ dhallinyaradana waxaan leeyahay rabashka joojiya”



Mar la waydiiyay wada hadalka uu sheegay in lagu dhammaynayo khilaafka siyaasadeed ee wadanka ka jira waxa soo gaadhsiiyay waqtigan, ee mar horeba loo dhammayn waayay, waxa uu kaga jawaabay “ wallaahi, anigu waad ogaydoo waan furay Albaabkayga waan furayoo marnaba ma  xidhn ayn. Dhawr jeer ayaan baaq soo jeediyay, markaa cida aan wada hadalka ogolayni waa cida wada hadalka diidan”



Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, su’aal ku saabsanayd cabashada shir-guddoonka iyo xisbiyada Mucaaridka ka soo yeedha, kuna qotonta in  Dawl adu ay faro galin ku hayso, waxa taana ka yidhi “ horta waa gudahoodii waxa is haya. Hadii nabadgalyo-daro ay dhexdooda timaad waanu u gurman aynaa oo xukuumadu waxa u xil saaran tahay Nabad-gelyada. Laakiin hadii uu shir-guddoonkii uu kala saaro oo kooxna saaro kooxna gooni ka dhigo waa khalad iyaga ka imanaya ee cidina arinkaa lama laha”



Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ugu danbayntii sheegay sida uu xal u arko “ in marka hore la joojiyo rabash iyo buuq oo aan cidnaba  mas laxad ugu jirin. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay. Khilaafka jirana wada hadal ayaan ku dhammayn doonaa, hadii Illaahay yidhaa”



Mustafe Future

Longlivesomaliland News
Hargeisa Office/Somaliland
mccfuture@hotmail.com