Rayaale oo Diiday Fulinta Shuruuadaha Deeq bixiyeyaashu ku Xidheen Doorashooyinka

 

Komishanka Doorashooyinka oo Madaxweynaha ka dalbaday in laga bed elo laba xubnood oo ay la shaqayn kari waayeen

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa habeennimadii Axaddii toddobaadkan kulan gaar ah qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.


Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow xarunta Madaxtooyada, waxa xubnaha Komishanku kala hadleen Madaxweynaha fulinta shuruudo deeqbixiyeyaashu ku xidheen in ka hor 15 June 2009 oo ku beegsan Isniinta maanta xukuumaddu ku bixiso kharashka kaga soo hagaagay doorashada, in la sameeyo guddi ka garnaqa haddii natiijada doorashada lagu murmo iyo sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd muddada loo cayimay oo ah 27 September 2009.


Waxa ilahaasi tibaaxeen in Madaxweyne Rayaale diiday shuruudaha deeqbixiyeyaasha caalamiga ah soo jeediyeen, kuwaasoo uu tilmaamay in qaarkood dhaawacayaan qarannimada Somaliland, isla markaana Guddiga Doorashooyinka ku wargeliyey inuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya u dirayo wasiirradiisa Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda si ay arrimahaas ugala soo xaajoodaan madaxda deeqbixiyeyaasha.


Sidoo kale, waxa madaxweynuhu u sheegay xubnaha Komishanka inuu diyaar u yahay in doorashadu qabsoonto waqtigeeda, isla markaana oggol yahay xataa haddii seerfarku hawsha kala shaandhaynta diiwaangelinta ku dhammayn kari waayo in la galo doorashada Madaxtooyada oo bilaa diiwaangelin ah oo laga wada tashaday.


Waxa kale oo ilahaasi xuseen in xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee kulankaas ka qaybgalay oo kala ah; Guddoomiye Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), ku-xigeenkiisa Cali Maxamed Cabdulle (Biikolo), Ismaaciil Muuse Nuur iyo Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) ay Madaxweyne Rayaale u gudbiyeen cabasho ku saabsan laba xubnood ka tirsan Komishanka oo ay sheegeen in aanay la shaqayn karayn, sidaa awgeedna dalbadeen in laga beddelo.




Jamhuuriya Online