Rayaale Maamul xumadiisa waxa ka daran Sharaf dhaca uu usoo hooyo gobolkiisa

 

 Waxan ognahay waxyaalo badan oo gobolku xaq u lahaa oo Daahir Rayaale isku gudbay. Waxa ugu weyn dhinaca horumarka oo habayaraatee uuna wali irbad dun u galin.Todoba sano oo uu kursiga ku fadhiyo hal isgoolna ha ahaatee wali wax gobolka miisaaniyada dalka uu ugu daray ma jirto, Wax qabadkalana hadalkiisaba daa.

Inagoo ogsoon sidii foosha xumeyd ee komishanku ula dhaqmay gobolka iyo habkii musuq-maasuqa iyo khiyaamada ahayd ee uu komishanku wax u maamulay oo u baahnayd inuu fiiro-gaar ah u yeesho ayuu ku hambalyeeyey. Hambalyada Daahir Rayaale komishanka u direy waa gef uu ka galay reer Awdal ee halla ogaado,waxan u qaadanaynaa inuu raalli iyo nus ka yahay khiyaamada,sharaf-dhaca iyo curyaaminta dhinac kasta leh ee xukuumadiisa iyo laamaha dawladu ku hayaan gobolka.

Waxa soo baxaya warar sheegaya inuu madaxweynuhu doonayo inuu reer Awdal awood ku marsiiyo wixii komishanku gobolka ka sameeyey ,markii uu arkey in dadweynuhu yar iyo weynba ka gil-gisheen wixii meesha ka dhacay oo salaadiintii iyo waxgaradkii cabashadoodii soo gudbiyeen iyagoo dariiqii saxda ahaa u maraya, si uu taa uga hortago wuxu xalay soo direy Guurti, Wasiir ilaa karaani wixii gobolka kasoo jeeday meelkasta oo ay joogaan inay tegaan Boorama si ay dadka tash-wiish ugu furaan.Waxa intaa dheer sirdoonka gidaar walba taagan, waxa la sheegayaa handadaad iyo cago-jugleyn dheeraad ah in odayada iyo dhalinyarada lagu hayo codsigii ay xukuumada usoo jeediyeen iyo gor-gortankoodiina la laalay.

Waxyeelooyinka reer Awdal madaxtinimada rayaale ka tirsanayaani kuwo lasoo koobi karo maaha,wax qabad la’aantii wuxu ugu darey waxyeelayn sharaf-dhac iyo lugooyo aan la xisaabi karin. Ninbaa laga hayaa "dameertu geela ha didisee qururuftaa igaga daran." Komishanku gobolka ha curyaamiyee hambalyada Daahir baa igaga daran" Tolow reer Awdal Daahir Rayaale ma danbi aan la ogeynbay ka galeen?



Waxan ognahay waxkasta oo gobolka loo qaban lahaa inuu isagu ku gudbanyahay hadii ay umaddu hadashana afka laga gufeynayo......Ma jirto wax tix-galin ah oo uu siiyo Wax-garadkooda, Odayaashooda iyo Aqoonyahanba dabcan tabashadooda.Duruuf kasta iyo cabasho kasta oo jirta wuxu ka doorbidayaa Kursigiisa isagoo aaminsan inuu kursiga kusii haysan karo kaliya hadba inta uu reer awdal cadaadiyo.


Waxa la yidhi: Mayd maxaa u danbeeyey kaa lasii sido….! Waxyaalihii hore way inaga tageen laakiin ta komishanku sameeyey iyo ta wasaarada maaliyadu dekeda saylac ka samaysaybaan odhankarnaa waa kuwo imika taagan, wax la aqbali karayana maaha.....Hadaba Miyeynaan odhan karin daahir rayaale wuxu fulinayaa wixii loo doortey.Taa ma shakibaa kaaga jira? Daahir Rayaale isagoon haba yaraatee wax tar u lahayn degaanka uu kasoo jeedo ayuu hadana rabaa in reer awdal kursigiisa farshaxan u ahaadaan….! waa labo arimood oo aan is-qaban.


Hadal iyo murti, mar hadii aanay jirin hal shay oo aan nidhaahno intii uu madaxweynaha ahaa ayuu qabtay, hadii aanay jirin hal-maalin oo uu tabashada gobolkiisa tix-galin siiyey waxa kaliya ee aan odhan karaa waa "Ficilada Daahir Rayaale waxay u baahanyihiin in laga fiirsado todobadii sano ee uu xilka hayayna lala xisaabtamo" Hadii uu kursigaa shan sano oo danbe kusii fadhiyo aakhiruu idiin diri doonaa,ninkii danbaabay wuxu yidhi "Ilaahay in la barto waan hoos joognay" daahir rayaale waad barateen oo wax idiinku laabani ma jirto,kuwa uu idiin soo direy ee idin muslaxayaa dantiina ma wadaan ee waxay ilaashanayaan shaqooyinkooda,waa kuwo aan laftoodu wax qiimo ah lahayn oo danaystayaal ah.



Isku soo wada xooriyoo hadalkeyga waxan kusoo xidhi lahaa riyaale waa nin aan awdal dan kalahayn oo cidkale raalli galinaya ee iska illaawa idinkuna hadii aad tihiin reer Awdal ma tihiin dad xamaasad leh oo damac leh oo go'aan leh oo hal-adag oo dhinac u wada jeeda oo wax goosankara.Kasoo bilow shirkii Boorama 1993kii illaa maanta talaabadii la qaadaba waa mid idinka idiin daran oo dib u dhac iyo dulli aad kala kulantaan waxa idiinku wacanna waxay u baahantahay baadhitaan qoto-dheer iyo khabiiro iga aqoon badan in loo saaro.Guntii iyo gabo-gabadii gobolka Awdal ee nasiibka daran waxan odhan lahaa "galbataye Allow ku gar gaar".

 

 

 

 


Jawhar Qalinle

Korwaayeel@hotmail.com