Rayaale Iyo Siilaanyo oo markii ugu horeysay si foolka fool ah ugu kulmay qasriga madaxtooyada

 


Hargeysa (TNN)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ee xilka sii haya Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” aya a maanta markii ugu horeysay si wadjir ah kulan gaar ah ugu yeeshay Qasriga  Madaxtooya da Somaliland



Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin ayaan wax war ah  l aga soo saarin ujeedada ay u wada kulmeen iyo waxay ka wada hadleenba, hase yeeshee sida uu Madxweyne Rayaale hore ugu balan qaaday waxa la filayaa inay isla meel dhigayeen sidii ay xilka ula kala wareegi lahaayeen



Kulankan oo qaatay muddo kooban ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid hordhac ah oo ay  la bada Madaxweyne isku salaamayeen maadaama Olole iyo xurguf siyaasadeed oo adagi soo kala dhex martay si ay isku lab xaadhaan oo masuuliyada Qaran ee saran si miyir qabta  ug ula kala wareegaan, waxaana la filayaa ka hor mudada xil wareejinta inay kulamo kale wada yeeshaan
 


Source:Waaheen