Rayaale iyo Siilaanayo
iyo goldalooloyinka Dasto orku carqada bey ku
yihiin doorsho xalaal ah oo dhacda
Dhamaan waxan aad u salaamaya
bahda shabakada iyo dhamaan shacabka xiiseya SHABAKADA marwalbana
soo booqda.
Maalinba maalinta ka danbeysa ayaad maqlaysa ama arkeysa waxanad
fileyn, maantana ma waxay sheekadoodi mareysa waxan sakaaro ba ka
biiqsan, waxad arkeysa in wali BIYO HOOSTOOD dagaalkii ka socdo oo
an waxba lagu heshiin, dadku sidoodaba marka ay heshiis i ee gacan
qaad dhaco waxbadan baa isbadala. Waxad mooda sheekadoodiiba in ay u
biyo shubatay Inantii xumaatey ee wanaanada iyo wanaaga la farayay
ee la heyd i dhakhsada waa la i fadhiyaye
Bal u fiirso qodobkan sharxaya xubinimada komishanka ee u muranku ka
taagan yahay.
Inanu ka mid aheyn urur/xisbi siyaasadeed kana madax banaan yahay -
Waxan haddaba leeyahay bal aynu dib u eegno xubnihii hore komishanku
sida ay kala aheyn ee loo soo magacaabay 3da xubnood ee madaxweyne
Rayaale soo magacaabaya waxay ka tirsanayeen xisbiga UDUB, labad
xubnood ee mucariidku soo magaacabayna waxay ka tirsanayeen
xisbiyada mucariidka taasi cidii ay shaki kaga jirtoo dib u wareysi
taga o shantaasi xubnood dabgal ku samee. .
Maadaama u qodobkaasi ku jiro shuruurdaha xubinimada gudida
komisha nka. haddaba waa maxay sababta u sharcigu ugu ogolaaday in
ay sadexda xisbi iyo madaxweynaha tartanka ku jiraa ba in ay soo
doortan 5 xubnood o ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka,
taasi waxay marwalba ka hor imanaysa xulashadii xubnaha k/Qaranka.
SHARCIGA SIIYA LABADa XISBI MUCARIID LABA XUBNOOD, EE MADAXWEYN AHA
SIIYAY 3 XUBNOOD EE GUURTIDA SIIYA 2 XUBNOOD EE HADDAN INA ODHANAYA
MA SOO DOORAN KARTAN XUBNO IDIN TAAGEERSAN. bal aakhris tow
qodobkaasi muxu taaran nuxurkiisu NOQONAYA.
Haddaba talow dastoorkan ma waxa qoray qof an muslin aheyn miyaanu
ogeyn ama anu la socon in la dhaarin doono xubanahan, waayo 7daasi
xubnood ba waxa lagu xakameyn kara uun oo lagu aamini kara in
kitaabka alle oo lagu dhaariyo ee maha in la yidhaahdo masaajidada
iyo suuqa ka soo doorta xubno matal gudida doorashooyinka.
Waxan haddaba aakhristow aad u la yaaba nahay dastoorkeena dhigaya
ee u qoondiyay ama u ogolaaday 3da xubnood inuu Madaxweyne Rayaale
soo magacaabo ama soo doorto, golaha guurtiduna soo magacawdo laba
xub nood, labada xisbi mucariidin laba xubnood, tiradaasi aadka u
kala badan markaad eegto waxa meeshaasi ka garan karta inuu sadbursi
iyo xaqdaro badan dastoorkeenu jideynayo haddii an maanta waxbadan
laga badalin, haddii cadaaladi inuu jirto maxa loogu qoondeen waayay
ama loo siin waa yay axsaabta nambar isku mid ah. horaa loo
yidhi HAL XAARAN IHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO, maadaama u khaladaad
badani ka muuqdan dib ha loogu noqdo o waxbadan ha laga badalo
islamarkan ha la dhameystiro kuwa wali qabyada ah.
Waxa hubaal ah o marag ma toonta ah inuu xisbi waliba soo xulan
doono xu bin si toos ah ama si dadban ba u taageersan
xisbigaasi soo magacaabay. Waxa hubaal ah inuu madaxweyne Rayaale
hore ba u sii diyaarsaday xub naha looga baahan yahay isaga
xagiisa kuwaaso noqon doona xubno isaga si toos ah ama si dadban u
taageersan una daacada ah madaxweynaha, qodobkaasi odhanaya waa
inanu ka mid noqon xisbi iyo urur, kana madax banaan yahay
siyaasada dalka, waxan u arka inuu yahay qodob an ku habooneyn
xulashada xubinimada gudida komishanka, oo markaste keeni kara muran
iyo dabgal xubintaasi la soo magacaabay sidan maantaba taagan.
Haddaba waxa runtii iga dhaadhici la' ama iga daadagi la' sababta u
mad axweyne Rayaale u soo celinayo xubintaasi la soo doortay iyo
wuxu ka faa'iidayo, kala xulashadooda xubnaha kulmiye haddii la soo
badalo Ilhan iyo haddii kale, miyanu ogeyn inuu soo magacaabi kara
kulmiye xubin kale o ka sii kulmiyeysan Ilhaan oo xisbiga u qarsoon
o an islamarka wax xil ah u heyn xisbiga maanta horan uga soo qaban
laakin ka mid ah xisbiga kulmiye, waxan odhan laha madaxweyne
miyanad aaminsanayen kitaabka alle ee lagu dhaarin doono Ilhan iyo
xubnaha kalaba marka ay hawsha si buuxda loogu igmado, waxa marwalba
mudan in aynu aamino dhaarta iyo kitaabka alle.
Waxakaloon aad u la yaaban nahay isaga laftiisu waa madaxweyne
Rayaale ma wuxu inaga dhaadhicinaya xubnaha u soo magacaabi doona in
ey noq odoona culimada masaajidada ka adinta ee dadkoo odhani
ku kalsoon yihiin, soo ma wada garanayno ashkhaasta u soo magacaabin
doono kuwa ay noqon doonan, waxan ka codsanaya madaxweyne maadaama u
sharicigu u ogol yahay xubin xisbiyada mucaaridka ah siida, si ay
arimuhu toos inoogu socdan o aynu doorasho u higsano xalaal ah,
adiguna waxad ku soo kordh isa kuwa ad ugu kalsooni badan
tahay xisbiga UDUB ee ad doorbideyso.
Runtiina waxan leeyahay ragga qoraalada soo qoray ee leh
gudoomiyaashu waxay soo doorteen xubno beeshooda ka tirsan, runtii
ila ma aha in ey xaarantahay inuu gudoomiyuhu soo igmado xubin ka
tirsan beeshiisa haddii ay xubintu tahay mid buuxin karta
shuruurdaha looga baahan yahay komishanka qaranka xaq buu u leehaya
inuu soo doorto, waxanad ogaatan in ay beeshu ka mid tahay
muwaadiniinta soomaliland ee looga baahan yahay in ay ka qeyb qaatan
hawlaha qaranka.
HADDII AN MAR LABAD IDIN XUSUUSIYO QODOBKAASI U MADAXWEYNUHU KU
DHAGSAN YAHAY MA SAX BAA MISE WAA QALAD, runtii waa sax sida u qoran
yahay oo wuxu qoraya dastoorku, waa inanu xisbi iyo urur midna ka
tirsaneyn xubinta noqoneysa komishanka qaranka, laakin maha mid
sharcigu ilaahey soo dajiya ee waa mid laga wada hadali karo waxna
laga badali karo islamarkan laga wada tashan karo waxka badal kiisa
haddii wanaag la rabo. teeda kale bal dib ugu noqda xubnihii hore ee
madaxwe ynaha iyo axsaabta mucariidku soo magacaabeen ee ka tirsan
komishankii hore ma waxay ahayeen qaar gidaarada laga soo toosiya o
an taageersaneyn xisbi, waar TIMIR LAF BAA WALI KU JIRTA ee yaan
dadka been loo sheegin o an la odhan waanu heshiinay.
Waxan haddaba ku soo gunaanadaya o an xusuusinaya dhamaan inta
iimanka iyo qalbigu fayooyahay in aynu AAMINO DHAARTA TODOBADAASI
XUBNOOD LOO DHAARINAYO IN AY SHAQADOODAASI LOO IGMADA DAACAD U
NOQDAAN O ANEY XISBI IYO MUSHARAX MIDNA U RIYAAQIN.
Waxakaloon halkan bogaadin iyo hambalyo uga diraya gudoomiyahay
xisbi ga qaran ee UCID Inj. Faisal Cali Waraabe iyo dhamaan madaxda
xisbigaasi ee go'aanka geesinimada leh ee ay ku garwaaqsadeen in ay
badalaan xubi ntii hore ee komishanka ka tirsaneyd ee la soo
celiyay. wuxu marwalba xi sbiga UCID doonaya inuu soo afjaro
carqalad kaste o doorashada dib loogu dhigayo, taasin waa mida
markaste ad ka dareemeyso siyaasada xisbiga UCID iyo go'aan
qaadashadood, waxad haddaba ogaata aakhristow inuu yahay UDUB iyo
Kulmiye iyo Rayaale iyo Siilaanayo, kuwa carqaladaha ma
leegaya marwalba doonaya in doorashada dib loo dhigo oo ay wali ku
jiran ijiid an ku jeede, labadaasi mas'uul ee kala aha Rayaale iyo
Siilaanayo o ad moodo in ay sidii GAMBAYARTII U FIICIL TAMAYAN.
Omar Daarood Xassan
Norway
|