Rayaale iyo Saleebaan-gaal oo Guntiga u Guujistay Sidii Midkood Kursiga Looga Tuuri Lahaa

 

    

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa waqtigan dhex jibaaxaya mowjado dagaal-siyaasadeed culus oo mid walba dhinaciisa halgan qadhaadh ugu jiro sidii uu uga tuuri lahaa sallaanka saaxadda siyaasadda Somaliland.


Khilaafka cakiran ee dhex miranaya labada masuul ee kala hoggaamiya hay’adaha ugu sarreeya qaranka Somaliland oo muddo soo taxnaa, isla markaana salka ku haya loollan dhinaca awoodaha ah, ayaa waxa cirka ku sii shareeray ismaandhaaf ka dhashay habkii loo maamulay shirweynihii labaad ee xisbul-xaakimka UDUB, kadib markii Madaxtooyada oo maamulaysay qabanqaabada iyo soo xulista ergooyinku meesha ka saareen xubno muhiim ah oo uu ka mid yahay guddoomiye Saleebaan-gaal.


Inkasta oo arrintaasi sii kala fogaysay labada hoggaamiye, haddana waxa dacarta dagaalka aloosan sii kiciyey, kadib markii uu soo shaac-baxay qorshe xooggan oo Madaxweyne Rayaale wacad ku maray in kursiga laga hago golaha ugu awoodda badan dalka ee Guurtida uu kaga tuuro Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah siyaasi ruug-caddaa aan dhayal darka lagaga riixan Karin.


Waxa Madaxweynuhu olole xooggan ugu jiraa siduu u heli lahaa tirada xildhibaannada Guurtida ee sharcigu dhigayo inay shirguddoonka ka takhalusi karaan, taas oo ah saddex meelood laba meelood oo tirade guud ee golaha oo ka kooban 82 xildhibaan, taas oo sida xeerku dhigayo Madaxweyne Rayaale si uu Saleebaan uga tuuro kursiga u baahan yahay 55 mudane oo Golaha Guurtida ah.


Sida ilo xogogaal ah xaqiijiyeen waxa Md. Rayaale ololihiisa u isticmaalay dhaqaale lacageed oo ku iibsanayo mudanayaasha Guurtida si uu u helo tirada xildhibaannada uu u baahan yahay oo kursiga ka tuuri kara Saleebaan-gaal, iyadoo wararku xuseen in Madaxweynuhu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu saaxadda siyaasadda uga dhex saari lahaa Guddoomiyaha Guurtida oo uu u arko nin ka riddoobay oo maslaxadihiisa gaarka ah ka horimanaya.


Sidoo kale waxa maalmihii la soo dhaafay xawaare sare ku socday dhaqdhaqaaqa xulafada Rayaale sida xogo lagu kalsoon yahay tibaaxeen uu gadhwadeen ka yahay nin lagu magacaabo Cismaan Buur Madow oo hore u ahaan jiray Boqor ka soo jeeda Gobolka Togdheer, balse markii beeshiisu taajka boqornimada ka dhigtay u xuubsiibatay sidii u noqon lahaa ragga ugu firfircoon ee docda Rayaale fadhiista, kaasoo la sheegay inuu hadda khasngi u yahay kooxda ku mashquulsan sidii Saleebaan-gaal kursiga looga tuuri lahaa.


Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay ragga xafiiltanka adag ee aan dhayalka loo loodin karin, ayaa la sheegay in isaguna dhinaciisa olole xooggan iyo tabaabulshe xooggan ugu jiro siduu isaga difaaci lahaa gulufka uu abbaanduulaha ka yahay Madaxweyne Rayaale ee la damacsan yahay in xilka lagaga fara-maroojiyo, waxaannu dhufays adag ugu jiraa sidii uu biyo col-dhaanshay kaga dhigi lahaa qorsha ay wataan xulafada mustafaysan ee isu soo bahaystay xil-ka-qaadistiisa.


Waxayna wararku tibaaxayaan in Saleebaan-gaal guusha uga ayaamo dhow yahay Rayaale, marka la eego taageerada ballaadhan ee uu durba ka helay xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, kuwaas oo ololaha Rayaale ee ka dhanka ah Saleebaan-gaal ku sifeeyey inay ka dambeyso ujeeddo qarsoon oo ah muddo-kordhin Madaxweynuhu doonayo, taas oo uu sas ka qabo in Saleebaan-gaal aannu u meelmarinayn hindisiihiisa, sidaa darteedna uu u baahan yahay nin uga miciyo qabow Saleebaan-gaal oo uu ku fadhiisiyo kursiga Guddoomiyaha Guurtida.


Waxa kale oo Saleebaan Maxamuud Aadaan ku mashquulsan yahay helitaanta tirada mudanayaasha ka badbaadin kara mooshinka lala maaggan yahay oo u dhiganta marka saddex meelood loo qaybiyo tirada guud ee golaha meel ahaan oo noqonaya 27 xildhibaan, waxayna wararku sheegeen in guddoomiyuhu tiradaas haysto, inkastoo la saadaalinay in suuqa kala jiidashada xildhibaannadu saacadaha dambe dhinac u wada ciiro doono iyo in kale, iyada oo haatanba la wariyey in mudanayaal la jiray Madaxweynuhu mawqifkoodii beddeleen una soo janjedhsadeen dhinaca guddoomiyahooda, taasina keentay dib u garasho laga dareemayo Rayaale iyo xulafadiisa, iyada oo la saadaailanayo mooshinkan oo qorshuhu ahaa in Sabtida berri la hordhigo golaha in dib-u-dhac ku yimaad, arrintaas oo sabab looga dhigayo xarunta Guurtida oo uu waqtigan ka socdo dhisme lagaga dayactirayo khasaaraha ka soo gaadhay qaraxyadii 29-kii October 2008 dalka ka dhacay iyo qaraxii yaraa ee hore dhacay xarunta Guurtida.


Saleebaan-gaal iyo xulafadiisa Guurtida ayaa iyaguna dhinacooda doonaya in aan dib loo dhigin mooshinkaas oo Sabtida berri la horkeeno golaha, taas oo laga dheehan karo kalsoonida buuxda oo uu haysto, waxaannu qorshaynayaa inuu fashiliyo musuq-sheegashada madaxtooyada, kadibna uu ka shaqeeyo sidii Rayaale laftiisa loogu soo oogi lahaa maamuus ka xayuubin, haddii doorashada madaxtooyadu ku qabsoomi weydo waqtigii loogu talogalay,


Waxa kale oo tuhunnada hoose xaqiijinayeen in ilaa shalay dhinaca madaxtooyada laga dhaqdhaqaajiyey khubarada u khaaska ah dhinaca cilmiga saadaasha xidigiska (faaliyeyasha), kuwaas oo lagu wargeliyey inay soo qiimeeyaan dhinaca uu fooraha siyaasadeed ee cakirani u janjeedhsan doono ama waxa uu umuli doono ololaha Saleebaan-gaal lagu ridayo.


Dhinaca kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in gelinkii dambe ee shalay ilaa makhribkii khubaradani fadhiyeen xarunta Idaacadda Radio Hargeysa, balse lama oga dhinaca ay arrimaha u leexiyaan, laakiin waxa hubbaal ah in talada iyo go’aankooda laga tixgelin doono madaxtooyada, waxayna arrimahan isku dhaxqasani u muuqdaan qaar abuuraya dagaal-siyaasadeed hor leh oo ka dhex qarxa golayaasha qaranka Somaliland, isla markaana saamayn qallafsan ku yeesha xaaladda siyaasadeed iyo deganaanshaha guud ee dalka haddii aan si dhakhso ah loo damin.


Qaylo-dhaanta Mucaaradka:


Labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ayaa iyana dhinacooda qaylo-dhaan dheer iyo digniinno culus ka bixiyey qorshaha Madaxweyne Rayaale ugu tafo-xaytay xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Guurtida, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo khatar ah oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, isla markaana saamayn ku haysa ee madaxtooyada, dib-u-dhaceeduna keeni karo khalkhal waxyeello xasilloonida iyo nabadgelyada guud.


Xisbiga KULMIYE ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey laga dhex dareemayey ololayasha Saleebaan kaga hortegayo isku dayga madaxtooyada ku doonayso in daaqadda laga saaro, waxana guriga Guddoomiyaha ka socday kulamo iyo shir-doceedyo lagu soo jiidanayo xildhibaannada Guurtida oo iyagu ah kuwa ay ku xidhan tahay guusha iyo guuldarrada labada hoggaamiye guntiga ugu giijisteen in midkood kursiga laga tuuro oo kii roonaadaa reerka u hadho.


Si kastaba ha ahaatee, ciddiyo-ku-dagaallanka u dhexeeya Rayaale iyo Saleebaan-gaal oo noqday mid soo jiitay dareenka shacbiga Somaliland, isla markaana si weyn indhaha ugu hayaan halka uu ku dambeyn iyo midka dhinaciisa dhulka la dhigi doono, haddana natiijada dhabta ah waxa la ogaan doonaa fadhiga maalmaha soo socda la filayo in Guurtida go’aan kama dambeys ah kaga gaadhaan mashruuca kursi-ku-dirirka, labada odayna ku kala calaf qaadi doonaan hadba sida mudanayaashu u kala raacan.







Jamhuuriya Online