Rayaale iyo Salaadiinta Sacad Muuse oo Wadahadal Xasaasi ah ka Yeeshay

 

Xuduudaha Deegaannada Waqooyiga Hargeysa iyo Gabiley
Salaadiin iyo cuqaal ka tirsan beelaha Sacad Muuse ayaa habeenkii Arbacadu soo galaysay xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo kulankaa ku dhadhawaa.

Madax-dhaqameedyadu ugu gudbiyeen Madaxweynaha codsi ku waajahan deegaannada Waqooyiga Gobolka Hargeysa iyo Gabiley loogu salayn lahaa nidaamkii lixdankii eek ala xaddaynta gobollada iyo degmooyinka.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen siddeed suldaan, cuqaalo, culimo iyo odayaal ka tirsan beesha Sacad Muuse ayaa sida ay ilahaasi sheegeen waxay xubnaha beeshu Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ay kaga digayaan in halis weyni ka dhalan karto xilligan oo ay dalka ka socdaan hawsha diiwaangelinta ay ka iman karto deegaannada Waqooyiga Hargeysa iyo Gabiley, kuwaas oo hore uu muran weyne uga taagnaa, isla markaana la sheegay in la raaciyey gobollada Awdal iyo Salal.


Beesha ayaa ilahaasi tibaaxen si looga hortago khatarta arrintan ay dhinacooda ku taliyeen in lagu dhaqmo sida uu dhigayo nidaamkii lixdankii eek ala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, isla markaana deegaan walba la raaciyo gobolkii ama degmadii uu ka tirsanaa.

Haseyeeshee waxa la sheegay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin aannu aqbalin taladii ay ula tageen madax-dhaqmeedyadu, isla markaana uu ku wargeliyey in lagu dhaqmayo sida sharcigu dhigayo, sharcigaas oo aannu caddayn kii lixdankii iyo mid kale toona.

Dhinaca kale, waxay oday-dhaqameedyadu arrintan shalay kulan kala yeesheen xubnaha Golaha Wasiirrada ugu jira beesha, kaas oo ay wararku xuseen in aad la isugu tusaaleeyey sidii xal looga gaadhi lahaa arrintan xaasaasiga ah, balse waxay iluhu xuseen in aan kulankaa wax natiijo ahi ka soo bixin.

Xiisadda muranka deegaannadan ayaa si weyn u soo if baxday xilliyadii ay ku beegnaayeen doorashooyinkii dalka ka dhacay, kuwaas oo xayiraad la saaray iyada oo aan wax xal ah laga gaadhin dhinaca ay raacayeen, isla markaana aanay wax doorasho ahi ka dhicin.








Jamhuuriya Online