Rayaale Ha Noolaado, Ninkii Necebina Ha Dhinto, S/land-na Nimaan Reer Awdal Ahayni Kama Talin Doono

 

Alxamdullilaah maadaama uu madaxwayne Rayaale xilka sii heyn doono, oo uu waddo cad ku ridey taageerayaashii SNM.

Waxaa arrin lagu farxo ah shalay oo ay golaha guurtida Somali Land Madaxwayne Daaahir Rayaale Kaahiin muddadii xil haynta u kordhiyeen,

si uu xilka madaxnimada u sii hayo illaa bisha 10aad doorashaduna ay dhacdo bisha 9aad, alxamdulilaah.

markaa madaxwayne Rayaale waa nin Siyaasi ah wuxuna ku guulay stey inuu beeshii taaageeri jirtey SNM dullinimo aaney ka soo kaban dhaxalsiiyey, raggii SNM iyo magaca beeshooda ku halgami jireyna balaayo ayuu ku dhigey, markaa anigu reer Awdal waxaan kula talin aya inay Rayaale taallo u dhisaan isaga oo nool marka uu dhintana ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee ay qabrigiisa siyaartaan, sobobtoo ah siyaasad ayuu ku kala jajabiyey beelihii reer Hargeysa waxaana arrin sida quraanka loo rumaystey noqotey in ayna beesha Dhexe iyadu is maamuli Karin oo ay isku dhacayaan haddii uu Rayaale ka dhex baxo.


arrintaana ilaahay ha ka raalli ahaadee Rayaale ayaa mabda` sugan ka dhigey oo maanta ineyna beesha Hargeysa kaligeed ismaamuli karayn waa la ogaadey oo ayna Raayaale ka maarmayn, innagauna inaan ku dabo faylno weeyaan, beelaha kala duwan ee reer Awdal ee Kulmiye u ololeeyaana ha ka waantoobeen waxa ay wadaan.

Madaxwayne Rayaale siyaasado iyo tallaabooyin istiraatiiji ah buu qaaday oo uu ku liciifiyey kibirkii iyo santaagii reer Hargeysa waxaana ka mid ahaa:

1. nimankii asaasey xisbiga Qaran ee Dr.Gaboose iyo Maxamad Xaaashi markii loo taagwaayay waa kii Rayaale jeel ku gurey ee xataa kaliya siyaasiyiinta reer Borama uun u ogolaadey inay booqdaan, dabadeed markii ay talo nimankii ku ciirtey waa kii aroor ciid ah sii daayay kuna daray cafis uu ugu talo gelay 50 ka tirsan tuugtii guryaha u dhici jirtey, dabadeed nimankii waxaa qasab ku noqotey iney si edeb leh ugu noolaadaan dalka xisbigoodiina ciyi waa ka baryey buu noqdey oo lama aqoonsan.

2. muddo kordhintii hore ee bishii 5aad ee sannadkii hore waatii madaxda xibiyada mucaaradka oo dhami ku dhaarteen ineyna ogolaan doonin madaxnimada Rayaale wixii ka danbeeya 15ka May, dabadeed markii uu madaxwaynuhu kala jajabiyey ee uu iyaga isku jabiyey waxay u hoggaansameen duruufihii jirey qasab bayna ku qaateen.

3. madaxwayne Rayaale markii uu tegey Ethiopia sannadkii hore wuxuu la soo saxeexdey heshiis dhigaya in uu tebiyo cid kasta oo maamulkiisa khatar gelineysa oo dabcan argagixiso lagu tilmaami karo, arrintaasina waxay noqotey mid uu Rayaale kaga cabsiiyo Siilaanyo.

4. markii ay doorashooyinkii soo dhawaadeen ayuu madaxwayne Rayaale alle ha ka raalli ahaadee ku dhawaaqey gobollo iyo degmooyin cusub, suurto gelna maaha in reer gobol ama degmo la siiyey ay madaxwaynaha afka ku taagaan.

5. madaxwayne Rayaale wuxuu isku dayay inuu doorashooyinkii xisbiyada mucaaradka saamayn aan muuqan ku yeesho, tusaale ahaan khilaafkii xisbiga Kulmiye kaalin wax ku ool ah ayuu ka cayaarey oo Halyey C/Raxmaan buu ku taageerey kala jajabinta xisbigaasi, kadib waxa uu ku guuleystey inuu shakhsiyad uu ku kalsoonyahay ku darsado hoggaanka sare ee xisbiga Ucid, waxaana ku soo baxay ku xigeenka xisbigaasi Dr.Maxamad Rashiid oo ay Rayaale isku ogyihiin inuu taageerada Kulmiye ee Awdal kala jajabiyaan.

6. madaxwayne Rayaale waa nin cilmiga sirdoonka aaad u yaqaan oo reer walba marka ay guux bilaabaan iyaga ku dhex dhaca oo kala jajabiya.

6. haddii uu maanta Siilaanyo dagaal inuu qaado damco waxa uu madaxaynuhu adeegsan dooonaa hantida iyo ciidanka dawladda, qalabkiisa warbaahinta waxa uu u adeegsan inuu dadka kaga dhaadhciyo in uu Siilaanyo Rabo inuu Habar Awal gumeysto, sidaa darteedna beesha Hargaysa ayaa ku kala dhiman oo ku kala jabi, sidaasna innaga ayay dani innoogu jirtaa.

7. madaxwayne Rayaale waxa uu 3 bilood ka hor odayaal badan oo reer Awdal ah oo uu gurigiisa kula shirey ugu ballan qaadey inuu u halgami doono kordhinta kuraasta barlamanka reer Awdal oo uu ka dhigi doono 40 kursi, laakiinse iyaga looga baahanyahay iney ku dagaallamaan si hadhaw nabad galyo darro laga cabsi qabo awgeed loogu ansixiyo.

Markaa haddaba ninka Rayaale necebi ha dhinto, Siilaanyo iyo Saylicina dalka waxba uma soo wadaan, Daaahir Rayaale Kaahin ha noolaado, Daaahir Rayaale Kaahin ha noolaado. Ninkii necebina ha dhinto.



 


Cabdi Jaaamac Dirir

dirir45@yahoo.com