Rajadii Kobcinta Xisbiyada ayaa Qalwo ku Dhacday

 


Shacabka Somaliland ayaa siddeed (8) sanno ka hor u guuxay
curinta habka dimuqraadiyada ee ku salaysan xisbiyada badan in lagu hago siyaasadda dalka.Maantana waxa halis ku jira hab dhaqanka doorashooyinka xisbiyada dhexdooda.

Waxaynu la soconaa xisbiga talada haya UDUB ilaa waqtigan inaanu jirin shir lagu dhawaaqay si loo doorto gudoomiye iyo ku xigeen.
Taasina waxay caddayn u tahay hab-socodkii dimuqraadiyadu inuu xisbiga dhexdiisa isu rogay habkii laga samaystay xisbiyada ee ahaa kelitalisnimo.

Waxaanay u egtahay inay lama filaan ku qaban doonaan
shir aan laysku ogayn Riyaale iyo Axmed-wadaad.

Dhinaca kale,waxa la yaab ku noqotay xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye habka loo fuliyay shirka golaha dhexe, kuna qabsoomay magaalada Burco. Shacabka Somaliland dhamaan isha ayaa lagu hayay shirkaa,iyadoo rajo hufan laga sugayay Kulmiye iyo Ucid kadib markii lagu hungoobay hogaanka UDUB.

Hadaan dhuuxno qodobka hoos ku qoran waxan ka soo xigtay
dastuurka u yaala ururka Kulmiye, bal hada ila eega:


QODOBKA 18AAD

QAABKA DOORASHADA GUDOOMIYAHA AMA GUDOOMIYE XIGEENADA XISBIGA Kulmiye

1. Doorashada gudoomiyaha ama gudoomiye-ku-xigeenada xisbiga waxa shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa hela aqlabiyad buuxda (kala badh in ka badan tirada guud ee ergooyinka)
2. Hadii musharixiinta midkoodna heli waayo aqlabiyada ku xusan xubinta hore ee qodobkan, wareega labaad waxa musharixiin u ah labada musharax ee ugu codka badan wareega koowaad
3. Wareega labaad waxuu shirweynuhu ku ansixinayaa musharaxa ugu aqlabiyadda badan tirada ergooyinka shirka.



Xaqiiqdii qodobkan iyo habkii lagu fuliyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye waa kaaf iyo kala dheeri. Sida goŽaanka shirka ku cad gudoomiyaha waxa isu soo taagay Muj.Ahmed M.Siilanyo,cid kula tartantayna may jirin. Markaa ma waxaynu odhan karnaa qodobkan sare ayuu waafaqsanyahay!
Waa lama filaan in xubin keli ah isu soo taago gudoomiye,laguna tilmaamo in lagu doortay dimuqraadiyad! Cajiib, waa rajo la sugayay oo iyadu istirtirtay!

Dimuqraadiyaddii laga rajaynayay xisbiyadu inay isku hagaan,dalkana lagu hago waa laga leexiyay, waxaana loo sii janjeedhaa in dib loogu laabto habkii kelitaliska ahaa ee shacabku ku soo halaagmay.

Dimuqraadiyad laga waayay doorashooyinka saddexda xisbi qaran dhexdooda,shacabka Somaliland ma waxay filayaan inay hab-socodka doorashada qaranka ee inagu soo fool lehi u dhici doonto xalaal.


Maanta waxa muuqata inay rajadii kobcinta xisbiyada waxay ku sii foorartaa inay qalwo ku dhacdo.

 



Hussein Badmah

hargeysawi2001@yahoo.de