Rag
Allow,Guushii Laga Soo Hooyey Saddexdii Doorasho Ee Komishankii Hore,
Iyagoo Isku Duuban Ay Libtooda Lahaayeen,Maxaa
Rayaale Gaarka U Siiyey

Horta, Komishankii hore, waxa
guddoon u ahaa inaysan ka hadlin oo ay iska dha afaan, wixii lib
sheegasho ah oo aysan soo qaadin wax-qabadkoodii hawleed, tan iyo
muddadii shanta sano ahayd ee ay xilka Doorasho hayeen, iskana
liqaan fool-xumadii iyo xormo darradii uu Madaxweyne Rayaale kula
dul kufay, iyagoo ka duulaya murtida aragtida maNno sheegasho
la’aanta ah ee tidhaahda “laa shukur calal waajib”. Hase yeeshee,
waxa iyana hore loo yidhi, haddii lagu shee go waa laysi Sheelaa,
haddiise lagu sheegi waayo waa laysi sheegaa.!
Sida la wada ogsoon yahay Komishankii mudnaa boggaadin iyo
sharrifaad Qaran, waxa lagula kacay fool-xumo iyo nidaam-darro ka
baxsan maamulka Dawliga ah, waxaana isweydiin leh, ulajeedada laga
lahaa in lala sugi waayo, inay xilka ku wareejiyaan Komishanka cusub,
markaasbna intooda badani magacaabnaayeen (Macal cune soo bixi
doonee). Hase yeeshee Komishankii hore iskuma qoomameynaayo ka
tegista xilka, maadaama ay mudadoodii ku dhamaysteen guul, godob
la’aan, xasarad la’aan, kuna joogaan Bulshada dhexdeeda (maanta)
sharaf iyo qadarin, taasoo ah wax ilaahay loogu mahadnaqo.
Hawlihii Doorashooyinkii hore ee Dalka laga hir-geliyey waxay soo
mareen marxalado adag oo is-daba joog ahaa, iyadoo aysan dhicin
marnaba sanduuq-sanduuq kale dhaafay iyo shaambad-shaambad goob kale
ku qaldantay, iyo sidoo kale agab-qalab iyo shaqaale Doorasho oo dib
uga dhacay ama ka daahay goobihii iyo Xafiisyadii loogu talo galay,
waxa kaloo nasiib wanaag ahayd inaan wax nabadgalyo xumo ahi ka
dhicin meelnaba, taasoo libta iyo guusha laga gaadhay dhammaan
saddexdii Doorasho, ay iska lahaayeen Hay’adihii sida wadaninimad ah
uga qaybqaatay iska-kaashaday sida:-
1) Dadweynaha reer Somaliland.
2) Bulshada rayidka
3) Ciidamada nabadgalyada
4) Asxaabta Qaranka
5) Komishanka Doorashooyinka iyo shaqaalahooda oo iska lahaa
mas’uuliyada guud ee hagista iyo fulinta hawlaha Doorashooyinka oo
dhan.
6) Akademiyadda iyo Saxaafadda xorta ah.
7) Madaxweynaha oo isna lahaa hoggaaminta guud ee habsami usocodka
hawlaha Doorashooyinka iyo suurta-gelinta wixii baahi ah ee uu hadba
Komishanku u soo jeediyo, taasoo uusan sida runta ah kala bakhayli
jirin, intii awoodiisu ahayd, uuna lahaa sharafka koowaad.
Sidaas daraadeed, guushii Doorashooyinka ee la soo qabtay, ma
jirto cid si gaara u sheegan karta keligeed, waxa nasiib daro ah in
Xukuumadda Rayaale gole iyo fagaare kasta ee ay is-taagaan guddo iyo
dibedba, kaga faanaan inay Dalka keligood ka hir-geliyeen saddexdii
Doorashaba, iyagoo caado ma xishoodnimo ah ka dhigtay inay
duudsiyaan kaalintii uu Komishanku hormoodka ka ahaa, iyo sidoo kale
doorkii wax-ku-oolka ahaa ee Hay’adaha Stake-holders ka ahaa aan
la’aantood Doorashooyinba aysan suurtowdeen.
Waxay isweydiintu tahay, maxa keenay, inay xukuumadda Rayaale
keligeed sheegato, guulihii Doorashooyinkii hore oo aysan sacabka
indhaha ka saaraan qaybihii kale ee isha gunta ugu jirey, leelka
Doorashada, taasoo la yaab leh, inay iska fogeeyaan Dadka kaloo dhan,
oo ay keligood kaga faanaan goob kasta oo la joogo (Caano Nin loo
lisay la og, Doorashana cidii maamushay la’og).
Yaa u soo dhafray oo habeen iyo maalinba u soo jeeday hir-gelinta
Doorashooyinka?
Yaa isaga gooshay Dalka gudihiisa min Gobol ilaa Gobol, Degmo ilaa
Degmo, Tuulo ilaa Tuulo iyo Goob ilaa Goob?
Yaa Safaro ku gaalaa-bixiyey Dalalka debeda, si loo iibgeeyo
himilada Doorashooyinka iyo midho dhalinta hiigsiga geedi socodka
Dimuqraadiyadda, una tagay:-
a) Ethiopia
b) Kenya
c) UK
d) Holland.
e) Sweden
f) Norway
(Shugri iyo Jawaan waxay la jiifaan, lana jiitamayaan dhibtii iyo
diiftii ka soo gaadhay soo jeedkii iyo taagnaantii badnayd, kuwo
kalena dhinac u jan-jeedhsameen)
Tan iyo maalintii laga fara-xashay Doorashadii Madaxtooyada waxay
canaasiirta hoosta kaga naban Madaxweynaha, in badan ku disayeen oo
ay dhagaha uga buusheen inuu ka takhaluso Komishanka, kuna bedelo
kuwo xulasho ah oo ay leeyihiin, iskana hubaan, hase yeeshee,
Madaxweyne Rayaale, wuxuu isdiid-siiyaba, wuxuu markii Komishanka
mudadii xilkoodu dhammaaday amar ku bixiyey in si looga aarsado,
loona tuso itaalkooda la bahdilo, oo la kibir jebiyo, iyadoo hadhcad
loo wada jeedo, Xarunta Komishanka debeda looga tuuray, lagana
fara-maroojiyey, Gaadiidkii iyo Telifoonadii ay ku shaqaynayeen (xaashee
Nin libin kaa xistiyey Jirdow xumihii waa yaab), taasoo ahayd mid
aan qaban oo aysan u qalmin Komishankii Dalka ka saaray saddexdii
Doorasho ee is-xigay, una soo hooyey libta lagu faano.
Dhammaan Dadka reer Somaliland, Rayaale wey u aqoonsan yihiin,
inuu ahaa dayixii Doorashada, maadaama uu yahay hoggaamiyaha Dalka,
hase yeeshee, isagu Komishankii Doorashooyinka soo maamuley uma
aqoonsana inay noqdaan xidigo tix-gelin muddan.
Rag Allow, Su’aasha taagani waxay tahay, Komishankii soo maamulay
saddexdii Doorasho, ahaana maskaxdii, Mashiinkii iyo muruqii
hir-geliyey dhammaan Doorashooyinka lagu faano, ma mudan yihiin in
kaalintii ay ku lahaayeen, taariikhda Doorashada Dalka, laga
duudsiyo, oo loogu abaal gudo sharaf xumo, bahdilaad iyo magac ka
dil, halkii laga odhan lahaa oo keliya Odayaal, waajibkiinii Qaran
waad gudateene, Nabadgalyo iyo Good Byre, taasi layaab kuma aha
Komishanka, waxaana Tusaale ugu filan sidii looga abaal-dhacay
halgamayaashii SNM ee Dalka xoreeyey oo aan maanta xaq iyo xurmo
toona ku lahayn Dalkii ay naftooda u soo hureen, iyadoo ay ka mudan
yihiin, kuwii cadowga la jirey ee la safnaa. Haddii cidi odhan
doonto Odaygu isba cadow la joog buu ahaa ee muxuu leeyahay, waa
dhab inaan ka mid ahaan jiray mas’uuliyiintii Gobollada, waxaase
marag ma doon ah, inaanan ka mid ahayn kuwii denbiga ka galay
Dalkooda iyo Dadkooda toona, waana laga marag in laba jeer la igu
xidhey qadiyaddii Dalka, kana mid ahaa Saraakiishii laga
mastaafuriyey Hargeysa, lagana mamnuucay inay ku soo noqdaan kana
shaqeeyaan Dalkooda hooyo, iyadoo xataa la ii diiday inaan soo galo
Hargeysa, si aan uga qaybgalo aaskii Hooyaday iyo Xaaskaygii oo ka
mid ahaa Dadkii faqashtu ku dishay Hargeysa.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Cali Goodir
Hargeysa, Somaliland
|