RABBI AYAAN KUGU
DHAARSHEE RAYAALOW IS-CASIl
Mucaaridku
ma aha qof nacayb,muxaafidku ma aha qof jacayl.Dalka ay aa ka
dhaxeeya waddaniyiinta u dhashay Somaliland,guul iyo guul-darro
laba-daba way wadaagaan waddaniyiintu.
Mudane Madaxweyne waxa xisbiyadu ku loolamayaan ma aha qaranni m ada,
ma aha calanka ee waa hab-dhaqanka hogaaminta dalka.Balaa n ku
xasuusiyee dib u jaleec falalka aad odayga ka tahay fadlan:
1.Sababta
dhaafisay 5tii sanno ee codka ummadu kuu cayintay.
2.Sharci darrada
aad kursiga ugu fadhido 2da sanno.
3.Total-kan aad
tidhi waa lama taabtaan.
4.Xoolahan aad u
wareejisay Jabuuti.
5.Dekkada Berbera
ee aad xidhay.
6.Warshadahii aad
dhagax dhigtay ee hawada noqday.
7.Xisbiga UDUB ee
aad 2da qaybood u kala jeexday.
8.Doorashada aad
diidantahay.
Inaha kaba soo qaad Mudane Madaxweyne,haday arrimahaasi kula
to osanyihiin aan ku idhaahdo waad ku qaldan-tahay,shacabka iyo
dalk aba waa ku qoor gooyo. Nimanka kaa ag-dhow waxay kuu qodeen
bohol hadimo.
Rabbi ayaan kugu dhaarshee
Mudane Madaxweyne Rayaale is-casil.
Mudane Madaxweyne waa wax laga xishoodo erayada iyo aragtiyaha qaar-
kood in aad saxaafada ku baahisid. Alle ayaan kugu dhaarshay ee bal
dib u jaleec hadalada aad safar-kaagii Kuwait kaga jawaabtay:
(Waxa ugu muhiimsanaa ee aan kala hadlay wuxuu ahaa wixii dan u
no qon lahaa ummaddan, run ahaantii dhismaha aasaasiga ah inay inaga
caawiyaan sida Wadooyinka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha
kuwaas oo aan u arkaayey arrimaha ugu muhiimsan, jawaab fiican bay
iga siiyeen… waxay balan qaadeen inay arrimahaas oo dhan wax
ina gala qabanayaan, haddii Ilaahay yidhaadona ay soo diri doonaan
hay ’adooda Deeqaha qaabilsan Kuwait Fund, taas oo xiligii dawladii
hore ee Somalia markay jirtayna mashaariicda Wadooyinka wax ka bixin
jirtay, markaa insha Allaah waxaan rajaynayaa inay inoo yimaadaan.)
Ma waxa shacabka leedahay
qorshe la´aan ayaan ku tegay Kuwait.
Wadooyinka,waxbarashada iyo caafimaadka wax qorshe ah midna uma an
samayn laakiin way innaga caawinayaan.
Rabbi ayaan kugu dhaarshee Mudane Rayaale is-casil.
Mudane Madaxweyne alle ayaan kugu dhaarshee bal dib u dhugo,una d
hadhami waydiinta suxufiga iyo jawaabta aad ka bixisay:
S:
Baahida ugu weyn ee
Somaliland waa sidii ay Caalamka uga heli lahayd aqoonsi, ma kala
hadashay Madaxdaas Kuwait inay aqoonsadaan
Somaliland?
J:
Horta
aqoonsigu ha inoo dambeeyee wax badan baa inooga horeeya,
haddaan dhaqaale helno Automatically ayuu aqoonsigu Adeer u imana
yaa, maanta haduu dhulkeena khayraad ka soo baxo oo aan shidaal la
soo baxno oo maalgelin dhulkeena lagu sameeyo Aqoonsiga adaa laguu
baahanayaa waa lagu aqoonsanayaa, aqoonsiga waa raadinaynaa laakiin
waxa ka horeeya dhaqaalaha, aqoonsigu waqti dheer inuu kugu qaataa
laga yaabaa, waqti dheerna wuu inagu qaatay waanu socon doonaa ilaa
wakhtiga aan ka gaadhayno laakiin wax qabadkaa ka muhiimsan.)
Waxay igu noqotay naxdin iyo hadal aanan kaa
filayn Mudane Rayaale hadalada kaa soo baxay ee aad saxaafada
ummada u soo marisay.Ta qudha ee ummadani aduunka uga oodantahay waa
aqoonsi la´aan.Tiina ma hadaad tidhi aynu iskaga hadhno ku daalaye.
Rabbi ayaan kugu dhaarshee
Rayaalow is-casil.
Allahayow dadkan iyo dalkan madax khayr qabta
u door.
|