Qurbajoogtu uma baahna wufud kuso dhoofta caashuurtii masaakinta laga ururiyay

 



Waxa dhawaan inagu soo fool eh maalintii qiimaha weyn inoo laheyd ee aynu ku dhawaaqney gooni isu taaga somaliland ee qaranimadeena astaanta u aheyd - wa maalinta 18ka May wa maalin mudan dabaaldag, damaashad iyo qadarin weyn, wa maalin mudan in aynu caalamka meelkastoo aynu joogna gudo iyo dibad ba muujino qiimaha ay maalintaasi inaga mudan tahay, wa maalintii dhidbada loo taagey calankeena sadexda midab leh ee tawxiidku ku yaalo iyo xidigtu.

Waxa haddaba iyaduna nasiib daro kale ah oo an aad ula yaabanahey runtii oo an idaacadaha iyo webabka iyo warbaahinta ku arkeysa wufuud ama mas'uulin badan o runtii tiro badan oo dawlada ka tirsan oo ah wasiiro, xildhibaano gaasimayaal iyo madaxweyne kuxigeen oo uu amba baxaya dibadaha si ay ugaso qeyb galan xafladaha loogu dabaal dagayo qaranimada somalilaand ee ka dhici doona qurbaha gaar ahaan N Amerika, Yurub iyo Austreeliya, ma jecli in an halkan ka magacaabo lkn wa kuwo saxaafadu maalmhan ba inoo so tabineysa iyo idaacaduhu ba xatta Tviyada aya laga daawaday.

Haddaba aakhristoo waxa wax laga xumaado ah oo waliba lafjab iyo magaca xumo ba inoo ah inagoo runtii ah dawlada yar oo an caalamka cidna aqoonsan in ay intaasu wufud ihi dalkeeni ka so baqoolan si ay xaflad maalin qudha joogta looga so qeyb galo laguna kharash gareyo lacag iyo waqti badan, Runtii sida la i sheegay ama an warka ba ku hayo waxa madaxdaasi ku bixi doona kharaashaad faraha badan oo an maanta maamulkeenu awoodi karin, loomana baahna safarada noocan oo kala ah ee aan faa'iidada badani kujirin.

Waxa runtii ku filan dabaadaga 18ka May ee qurbaha inta badan Jaaliyadaha N Amerika, N Yurub iyo Austreeliya jooga oo kaliya inta la dabaadagayaa ba wa 3 sacadood in ka yar, magaalo kastana iyo wadan kaste na waxa ka dhisan gudiyo matela xisbiyada iyo wakiilo dawladeenu uso igmatey oo maalintaasi hormood ka noqda xafladahaasi dhacaya 18ka May..

Waxa hubaal ah oo an cidna ka qarsooneyn kharaashadkaasi ku baxaya wufuudaasi in ay yihiin kuwo kor u dhaafi kara 400,000 oo doolar markaad xisbaabiso tirada madaxda dibada uso baxday sanadkan, inta la i sheegay waxey ku dhawo yihin 40 mas'uul oo mid walba kuso baxday 10000 oo doolar ugu yaraan dhoofkiisa iyo gunadiisa oo u sito, intaaso kharashan waxa laga so qaadaya wa sanduuqii caashuuraha shacabka masaakinta ah laga so ururiyay.

Waxan kuso gabagabeynayaa bal aakhristoo waxad qiimeysa ama ka waranta 400000 oo doolar waxay kuso kordhin karaan dalkeeni haddii mashaaric lagu qaban laha dalka iyo dadka ba wax u tara.

Waxa kaloo webabku qoreyaan iney jiraan gudoomiya yaal iyo wasiiro isbarbar yaacaya qudhoodu oo olole siyaasadeed kujira oo ay casuumado iyo xaflado gaar ah dhinca wadan oo la foosburburineyo kharashaadkii wasaarada maaliyada laga so qaaday oo labada qeybood ololaha ugu jiraa sidii ay qurba joogta kalsooni uga heli laheyeen taasina wa aafo kale oo maanta qurbihii laguso dhex tuurey oo jirta islamarkan ad ka dareemeyso qurbaha..

Waxan qoraalkeygan ku gabagabeynaya fariin an leeyahay madaxweyne foosburburkan dhaqaale maada ka mas'uul ah oo kharaashadkan so saxeexey mise wa kuwo anad ogeyn, madaxweyne safarada macna darada ah maada hormood ka ah mise wa kuwo anad la socon.

Waxa iyaduna mudan in an hoosta ka xariiqo intaaso mas'uulihi waxay qurbaha kusugnaan doona mudo bilka badan oo u xafiiskiisi haduu doono so xidhey oo aney hawli ba ka socon sow taasina nasiib daro kale maaha.

Ilaahey ha ino sahlo maanta dalkeeni boob iyo jeebka buuso aya ka taagane.

Guul iyo Gobonimo ayaan u rajeynayaa shacabka somaliland meel ay joogan ba.
 

 


Cumar Daarood Xassan

Norway