Qurbajooga (UK) Beesha Ciidagale oo Taageero Buuxda isla Garabtaagtay Baaqa Dhallinta Beesha ay u dirtay Xukuumadda Siilaanyo

 


 


waxaanu si buuxda u taageersanahay Shantan qodob ee hoose ee ay soo saareen aqoon yah anadda fir fircoon

Arbayaal maroodiya hadduu adame soo laayoo

Ilkahuu ka soo jaray haddii Iimay laga keeno

mso-fareast-font-family: ´Times New Roman´; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´">

Wuxuu soo itaalaba hadduu Awdal soo geliyo

Kii abbaan u sheegtiyo midkii kala aslaaxayey

Kii iibka gooyiy midkii ka amar waynaaday

Adyad kii agjoogsay ba wuu ka arad beelaa

.............Bedkaa kale waan ka tegay ....

( Xuseen Xasan)

Tixdan gaaban oo aan ka soo qaatay gabay uu tiriye Xuseen Xasan (AHN) oo ahaa halyey Beesha Dauud Ismaciil (Ciidagale) ah taariikhdana ay u gashay in uu boqol nin ( oo totan toton laysu raaciyey) u dhigmo waxa uu ku fadhiyaa macna wayn oo uu xukunka iyo awoodda madaxnimo (dawladnimo) ay leedahay iyo sidda looga kala macaasho uu ku tilmaamayo isaka oo ku matalaya faa?iidda maamulka nin maroodiyal soo laayey oo foolashoodii Saylac oo aad looga sugaayey keenay, goobtaasoo nin walibana wax ka soo gaadheen iibkii laakiin isagu ka farabadhan yahay (inkastoo aan baydkaas aan ka tegay)- isagoo weliba in badan uga dhawaa ugana difaac badanaa lakiin goobta wax lagu kala macaashayey aan san dareero looga qoondayn.

Tixdaas waxaa ka dhigan beeshan Ciidagale iyo halka ay kala taganyihiin maamuladda Somaliland ee 22 jirsaday, ha ugu sii daraato qadinta dawladdan uu Madaxda ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siraanyo ee seddex jirsatay sannadkan. Haddaba anagoo ah Qurbajoogta Beesha Ciidagale ee ku dhaqan dalka ingriiska, magacyadooduna hoosku qoran yihiin, iyo ninta kale ee aan magacooda halkan aanaan ku qorin ee nala dareenka ah, waxaanu si buuxda u taageersanahay Shantan qodob ee hoose ee ay soo saareen aqoonyahanadda firfircoon ee u kacay danta Beesha uguna baaqay dawladda in ay beesha xaqeedda mariso,

Qorobada bayaanka ay dhalintu ka soo sartay Hargeysa(sidii ay u soo baxeen)

1. Waxa in dawladda maanta jirtaa dhinac ka rarantahay, beeshuna aanay ku qanac sanayn saamiga laga siiyey, u mana qalmo miisaankeeda.

2. Waxa xusid mudan in beeshu marar badan usoo bandhigatay tabashada beesha Madaxweynaha talada hadda haya. Inkasta oy haboonayd in qofka mas?uul ka ahi uu qawlkiisa rumeeyo, waxba ka muu fulinin arrimahasi, beeshuna in badan bay ka dhawrsatay inay saxaafada ka gudbiso dareenkeeda.

3. Waxa aanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu dib uga fiirsado awood qaysiga beelaha ee hada jira, qaabka khayraadka dalka iyo adeegyada buslashada loo qaybiyo, si dhakhso ahna u sameeyo isbedel soo celiya cadaaladda iyo kalsoonida bulshadu ku qabto maamulkiisa.

4. Beesha waxa ka go?an ilaalinta iyo sii xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee ay la wadaagto bulshada inteeda kale, waxaanay ugu baaqaysaa in la iska kaashadu danaha ay wadaagaan.

5. Waxa shirku taageeray in beeshu isugu timaado shirweyne (Barkhadle 2) Ramadaanta ka dib si ay uga wada tashato xaaladda jirta go?aanna uga gaadho halka danteedu ku jirto.



Waxaanu ognahay in inbadan dhalinta beesha la cabudhinaayey oo la lahaa u kaadiya beribay hagaagiye iyo odayalbaa arinka ku jiree. Waxaanu la soconaa in si walba laysugu deyey in kulan ka dhalinta beesha la dhantaalo oo tashuush lagu furo, wayse u dhabar adaygeen, waxaanu leenay halkaas ka sii wadda Inshaa Allah waydu guulaysane ? Dadii naga yarayday Xilbaad naga dulqaadeen (Qaasim)

Beeshu waxay caaddo soo jireen ah u lahayd marxaladihii kala danbeeyey in cida beesha magaca iyo guusha u soo hooysa ay ahayd dhalinyarada duqayduna ku cad goosan jirtay laguna qiimayn jiray. Dhalinyaraddani waa mid yididiilo na gelisay oo ah tii beesha looga bartay oo weliba aqooni u sii korodhay ay ku raadinayan caalad in lagu dhaqo dalkan Somaliland, Beelaha wadda degana Cadaalad wax loogu qaybiyo . Beesha Daud Garxajisna ka mid tahay beelaha sadkoodii la duudsiyey iyadoo weliba ay dheeryihiin dhigood in ay taagero iyo kalsooni buuxda siyeen dawladda Mudane Axmed Maxamed Maxamuud si ay cagaha iskugu taagto oo dalka u hanato si cadalad ah.

Manta haddaba Beeshu quusbay ka taagan tahay samirkaas iyo taageradaas faraha badan ee ay soo waday in muda ahba, maantana waxay taagan tahay in aan caanno danbe oo ay ka qatan yihiin agtooda lagu dhamin (Wax wada qab waa aad)! Waayo waxay beeshu ogaatay in aan goosasho mooye aan garasho jirin.

Waxa aynu la soconaa sida maanta ay rabashaddaha ka dhashay saluugyo kala duwani ay caalamka daafihiisa uga socdaan: dalka Brazil waxay dadku ka gadoodeen qiimaha basaska lagu raaco oo lagu kordhiyey, dalka Turkiga rabshaduhu waxay ka dhaceen mashruuc dhismo ah, dalka Indonisia waxaa laga gadooday qiimaha shidaalka oo kor u kacay, dalka Bulgaaria isna waxay rabshadahu ka kaceen dawladda oo samaysay eex iyo nin jeclaysi, dalka laysku yidhaa Euro Zone ee Yurub waxaa laga mudaharayaa waa hoos u dhaca dhaqaalaha iyo qaabka ay dawladahoodu uga falceliyeen. Xaaladda wadamadda inugu dhaw ee Carabta iyana waynu ka dheregsanahay xaaladooda.

Muddane Madaxweyne waxaa fican in aad indhahaaga iyo dhegahaaga furto oo aad la socoto waxa caalamka ka socda, oo aanad adigu u baaqin kacdoon bulsho oo ay hogaaminayaan dhalintu. Waxaa laguu doortay Mudane madaxweyne in aad wax ka qabto cadaalad daradda, musuqmaasuqa iyo eexda oo aad sameeyana maamul wanaagsan, Laakiin may ahayn in aad cadaalad darro iyo boobkii hore wax ku sii kordhiyo.



Mudane Madaxwayne, Xukumaddii soomaliya iyo dalkiiba waxaa burburiyey oo la eeday oo ilaa hadda loo maarin la´yahay,waa Cadaalad-darrod, eexo, iyo xaqsoorkii ummada oo cido gaar ah loo xalaaleeyey. Waxaanad moodaa in xukumaddadan S/land cagta saartay dhabahii soomali eeday ee raadkiisii sii qoyan yahay,kuna salaysnaa eex, nin jeclaysi, xulufaysi iyo qaraabo -kiil intaba.



Taasi awgeed,waxaanu kuu soo jeedinaynaa in aad dhakhso u saxdo Saami-qaybsiga sadka Dawladnimo oo ay ka muuqato Cadaaldd-darro badan oo keeni karta dheeli ku yimaada Awrkan dhinaca ka raran. Waa in ay samigii xaqeeda ka hesho Beesha Daa´uud ismail (Ciidagale ] Xukumadda dalka ka jirta ee ah dhaxalkii n af iyo maalba loo huray oo aanay jirin cid ka badsatay maragna aad adigu tahhay oo aan cid kale la waydiinayn.



Mudane madaxweyne waxaad moodaa adigoo xukumadaadu ay dhaaftay intii wanku uu cawridda (isha)iska celin jiray oo aad seddex jirsatay in aad maskaxda ku hayso weli aragtida gaaban ee ah cidii i dooratay ee Xisbiga Kulmiye ku abtirsata ayaa iska leh xuquuqda dalkan S/land oo aan ishoodda iska jeedinayaa. Somalidu waxay tidhaah wanka duleedka jooga inta uu laba jirka yahay ayey cawridda martidu wax yeesha, marse hadduu seddex jirsado isaaga isha wax iskaga celiya, sidaa daraadeed waxaanu filayne in aad uu isbedel imandoono laakin ma muuqato.

Waxaanu ku soo af jarayna baaqan in ay Beesha Daud Ismaaciil ay u soo jeed satay xiligii ay dawladda la xisaabtami lahayd cad keeddana goosan lahayd, hadday tahay, xil, adeeg bulsho, horumarin deegaan. sidaa daradeed muddane Madaxweyne beeshu waxay kula furi kulana xidhi albaabka madax tooyadda iyo golayaasha wax lagu kala qaybsaddo sida qayrkoodba yeelo ee aya ku nabad iyo caana maalin uguna milmeen awooda dawladda , ha iskuna masquulin muddane madaxweyne in aad beesha isku adeegsato, beesha oo ay dhalinyaraddu ugu horaysane kabaheedii waysoo xidhatay xagaagayna ku soo maqantahay ee sidaa u ogow Mudane Madaxweyne.



Wa billahi Tawfiiq.



1. Prof. Ciise Hussein Ali

2. Adan Mooge (Adan Ingriis)

3. Mohammoud Hassan Arrale

4. Hassan Moalinn Osman

5. Mohamed Ahmed Ali

6. Yassin Hussein

7. Mohamed Yusuf Diirqadhaadh

8. Mohamed Jama Hujaale (aabi)

9. Mohamed Harun Biihi

10. Osman Yusuf Diiriye (Osman Xariir)

11. Mohamed Jama Koodbuur (shiine)

12. Ahmed Hashi Guled

13. Khadar Adan Koodbuur

14. Mohamed Ali Mohamoud

15. Muse Botan

16. Mohamed Hassan Jafal

17. Gudoomiye (Gaaroodi) Deeq Digaale

18. Fuad Shibiin

19. Ex wasir Cabdi Yusuf

20. Xuseen Cabdi Qaayibo

21. Muxumed yusuf Lugweyne

22. Ismaciil Yusuf Lugweyne

23. Cabdi cabdillahi Mooge

24. Yusuf Cali Xuseen ( Yusuf Cali warabe)

25. Eng. Abdillahi Cumay

26 . Abokar Maxamed, gudoomiyaha Beesha Ciidagale, UK

27. Maxamed Cali Maxamuud

28. Dayib A. Yaasiin

29. Yaxye Adan koodbuur

30. Adam Maxamuud aw Xasan

31. Daud Mohamuud Aw xasan

32. Khadar Xuseen Cabdi aw Muse

33. Sh. Ibraahim M. Yusuf

34. Yusuf Madoobe

35. oday. Ibrahim Cayngal

36. oday Faarax Muse



M Arrale

Arrale3@yahoo.com