Qurba Joogta Beesha Gabooye

 

Qurba JoogtaB-Gabooye/Waxan Baaq Uga Digeyna Xukuumada Riyaale JSLD,Haday Siideyso,G-dhiiglihii diley "khadar-a-c-dhabar"wixii ka yimada iney ka masuultahey dowladu riyaalle

anigoo ah wakiilka-barkhad xaaji cabdi MR GABOYE, ku hadlaya magaceyga iyo mgaca qurba joogta Beesha Gabooye/ee yuurb & waqooyiga america ee muwadiniinta reer somaliland,,Waxaanu Baaq Uga Digeyna Xukuumada Riyaale JSLD,Haday Siideyso,Askarigii Gacan ku dhiiglihii Diley"marxuun,Khadar-Aadan Cismaan-Dhabar"wixii Dhib ka yimada iney xukuumadu dusha saraneyso,kagana jawaabeyno jawaab degdega oo ku haboon siideyntas,


Dembi laawe dadkaygan abidkii dalacsiguu qabo duudsina u dheer yahay hadaan diiday leeyahay ma cirkaan dabooloon ha soo di’in biyaha idhi? Ma shilkaan ku idhi daadi dusha waxaad ku sidatee dadku ugu horeeyaan? Mise dawgal kaan qabo ee beni aadam wada diiday dadnimadayda dhaawacay ayuumbaan diiday leeyahay?

Ku: Dawlada xukuumada Somaliland
Ku: Dhamaan Odayaasha, iyo Cuqaasha Somaliland
Ku: Dhamaan hayadaha Arimaha Garsoorka,
Ku: Gudoomiyaha golaha guurtiga somaliland,
Ku: Dhamaan Aqoonyahanka & Dadka Wax Garadka ah ee somaliland.
Ku: Ururadda Xuquuqul Insanka Somali-land.
KU;Gudoomayaha Axsabta Mucaarka,ee Xibiga KULMIYE .Axmed Maxamed Siiranyo,
KU:Gudoomiyaha Axsaabta Mucaradka ee Xisbiga, UCID,Inj-Feysal Cali Waraabe,,

Ujeedo:

hadii aanu nahey qurba joogta muwaadiniinta beesha gabooye" yurub & w/america"ee reer somaliland ,waxaanu cambaareyn kulul u soo jeedineynaa ,xukuumada madaxweyne daahir riyaale & masuuliyiinta hayadaha arimaha garsoorka oo caadeystey ku xadgudubka xaquuqda muwaadiniinta beesha gabooye ,taasoo indha lagaga tuurayo ,sharciga & dastuurka qaranka jsomaliland u yaala oo qiraaya in sinaan & calaada lagu dhaqo umada ,qofkastana dambiguu geystoo lagu oofiyo sharciga dastuurka iyo kan shareecada islaamkaba ,
. Waxaa nasiib xuma ah in had iyo jeer ay xukuumaddu ay isku hawsho sidii ay u badbaadin lahayd dadka dhibka geystay iyadoo u
eegeysa inay yihiin kuwa macsuum ka ah in wax la yeelo maadaama uu dilay, jir dilay ama gubeyba qof aan bini’aadam ahayn oo xataa xoolaha ka sii liita. Waxaa la yaab leh sida Xukuumaddu ay isku mowqif ka yihiin waxyeeleynta Gabooyaha laga bilaabo Askari ilaa Garsoore.

Waxaa nasiib darro ah in mar walba oo dhibaatooyinkan ku dhacaan bulshadan
aan laga arag inay Islaweyntu sidii “xaqqa” ahayd ama Illahay iyo
Rasulkiisuba(csw) jideeyeen ay uga hadlaan dhammaantood culumo iyo caammo, mucaarid iyo muxaafid aqoonyahan iyo odoyaalba. Waxaase jiri doonta maalin aan qofnaba la oraneyn reermaad ahayd iyo ma laandheere ayaad ahayd ee taqwada Illaahay lagu kala sareyn doono xaqa allahne uu hiilin doono,

waxeynu wada ogsoonahey in Bishii May 13-keedii,2005, lagu diley,,marxuun, Khadar aadan Cismaan Dhabar, kuna geeriyooday magaalada Hargeysa isagoo u dhintay dhaawacii ka soo gaaray dhowr xabbadood oo ku dhacay habeennimadii 11-kii bisha may ,marxuunka waxaa si badheedha u diley askari ka mida cidanka booliska somoliland , gacan ku dhiiglaha dilay marxuumku wuxuu goor fiid ah qudha kaga jiray xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, isagoo gacan ku dhiiglahu wakhtigaasi ku jiray hawl ilaalaynta guud ee loo yaqaano roondada lana socday ciidamo iyagu kormeera magaalada Hargeysa habeenada qaar,


maxkamadda racfaanka ayaa ku xukuntay gacanku dhiiglaha ,shan sanno oo xadhig ah, qoyska marxuumkana damacdey iney ku qasabto iney qaataan magta ,balse ay diideen ,qoyska uu ka dhiintey marxuunku & guud ahaanba beesha gabooye ee reer somaliland ,kana codsadey ,xukuumada dowlada & hayadaha garsoorka in loogu xukumo ,gacan ku dhiiglaha ,sharciga dastuurka dalka u yaala & kan sharreecad diin ta islaamka oo wada dhigaaya ,iney xaq u leehyihiin ,doorashada ,magta & xarigaba dhibanaha wax loo geystey, kuna go,aansadey in lagu fuliyo ,sharciga oo amraya in loo dilo gacan ku dhiiglaha marka ay dalbadaan dhibanahu marka uu codsado,

waxaa kaloo jirtey in dilka noocanoo kale ahi uu ka dhacey gobalada somaliland laguna fuliyey ,si sharciga waafaqsan oo aheyd markii ay codsadeen dhibanaha wax laga diley in loo dilo ,gacan ku dhiiglayashas la diley oo si sharciyana loo oofiyey ,balse ,kayaga aan marnaba si xaq lanoola dhaqmiin ,lanoona adeegsadey awood & maquunin waxaanu xaqa u laheyna la duudsiyey ,tasina waxey tahey inaan ninka gabooye la sineyn lana xaq aheyn bulshada kale ,

waxaanu leehnahey dilku wuu dhacaa amarka alleehna anagu ma diidaniin hadaanu nahey beesha gabooye ,laakiin waxaanu diidanahey oo aanan marnaba ogolaneynin ,quursiga lana quursadey markii uu dilka loo geystey wiilkayaga dhacey ,waxaa umada u xeer ah in marka dhibkaasi oo kale dhaco in la iska tacsiyadeeyo oo waliba aaska ay ka soo qeybqalaan jifada qofka dhibta geysta oo xabaalo qodka & qarashkaba ay biixiyaan ,ka diibna labada reer ay ka wada hadlan sidey u xaliin lahayeen dhibkas ,

iska daa tacsi lanoogu yimaadee ,anagoo ah kuwii dhibka loogeystey oo wali aanan aasan meydkayagii aya ,lanoogu darey aflagaado iyo yasiid ku saleysan dhibka la noo geystey inuu ula mid yahey dameer bakhtiyey oo kale ,taasina ay ujeedada ka dambeysaa tahey iney beesha gabooye yihiin ,kuwo looma ooyana ,oo wax leyskaga tirinayaa jiriin wakhtigan xaadirka ah ,

waxaanu halkan ku cadeyneynaa hadaanu nahey qurba joogta beesha gabooye eee reer somaliland ,inaanu hada bishan may dhexdeedii aanu soo helney iney wado xukuumada daahir riyaale & hay adaha garsoorka ee caadeystey cadaalad darida & xaq darida ay umadayada beesha gabooye ku hayan ,hadana ay wadaan olale ay doonayan iney ku sii daayaan ,askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa oo la sheegey inuu xadhigii shanta sano aha u dhamanayo ,
beesha gabooyena ee reer somaliland ku qasbayan iney qaatan magta ,kadiibna la sii daayo gacanku dhiiglahas, waxanu ariintan oo xaqiiq ah ku soo helney wareysiyo & baadhitaano aanu sameyney kana helney ilo xogagala oo ka tirsan maamulka xukuumada riyaale & hay,adaha garsoorkaba ,

waxaanu leehnahey ,ma ogoliin ,mana yeleyno wax mag la yirahdo & wada hadal ma ogoliin ,ee waxaanu rabna ,sinaan & cadaalad & sharciga dastuurka dalka jsomaliland uyala & kan shareecada islaamka ee aanu xaq ugu leehnahey in gacan ku dhiiglahas ,lanogu xukumo sharciga lanooguna dilo si sharciga waafaqsan ,siddii gacan ku dhiiglayashii hore dowladu ay ugu fulisey sharciga anagana hala noogu fuliyo sharciga gacan ku dhiiglahas ,
waxaanan ka digeynaa oo aanu ugu baaqeynaa inaaney xukuumada daahir riyaale & hay adihiisa garsoorku isku dayiin iney ,marlabad sharciga & dastuurka dalka & kan sharecada diintena islaamka indhah laga tuuriin ,oo aan mardanbe sharciga lagu xadgudbiin ,haddiise la fuliyo, oo ay isku deydo iney xukuumado qasab ku siideyso ,askariga gacan ku dhiiglaha ah ,inanu ka jawaabeyno ,kagana jawaabeyno jawaab degdeg ah oo ku haboon siideyntas ,wax alele & wixii dhib ka yimaadana ay masuuliyadeeda dusha saaraneyso xukuumada daahir riyaale , waxaanu marlabad uga digeynaa xukuumada inaney umada u horseediin khalkhal amaan daro & colaad hor leh oo soo wajahda dalka jsomaliland,

waxaan kalon baaq u direynaa dhamaan beesha gabooye ee meelkasta oo ay joogan hadey tahey qurba joogta & hadeytahey kuwa joogaa somaliland in si dagdeg ah kulano laga yeesho ariintan ay rabto iney xukuumada daahir riyaale & rakaabkiisa ,ay doonayan iney sii daayaan askariga gacan ku dhiiglaha ah ,ee dambiga inaga galkey, waa inaynu ,sidegdeg ah u abaabulna ,banaan baxyo ku lida siideyntiisa askariigaa gacan ku dhiiglaha ah ,dalka & dibadaba ,lagagna jawaaba haddii ay isku deydo in la sii daayo ,gacan ku dhiiglahas ,jawaabta ku haboon ee umad dhiiglihi ay kaga jawaabto ,wax alaale wixii ku yimadana waxa lagala xisaabtamaya xukuumada riyaale ,,

 


qore wakiilka qurba joogta beesha gabooye"yurub & waqooyiga ameerica," ee reer somaliland,
by-barkhad xaaji cabdi ,mrgaboye ,ontario canada,,
email:abokoriye1@hotmail.com,

email:mrg@gabooyenews.com,